Barcelona Iyo Sevilla Oo Ku Baaqay In La Soo Hormariyo Waqtiga La Ciyaarayo Finalka Copa del Rey.

0
Tuesday April 12, 2016 - 10:15:22 in Sports News by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Iyo Sevilla Oo Ku Baaqay In La Soo Hormariyo Waqtiga La Ciyaarayo Finalka Copa del Rey.

    Barcelona iyo Sevilla ayaa ku baaqay in finalka Copa del Rey la soo hormariyo waqtiga la ciyaarayo madaama walaac laga qabo safarka taageerayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona iyo Sevilla ayaa ku baaqay in finalka Copa del Rey la soo hormariyo waqtiga la ciyaarayo madaama walaac laga qabo safarka taageerayaasha.

Ciyaarta waxa ay ku balansan tahay inay dhacdo maalinta axada 22ka bisha May saacada Spain marka ay tahay 8:30 pm, laakiin labada kooxood ayaa ka codsaday xiriirka kubada cagta Spain in ciyaarta la bilaabo waqti ka horeeya waqtigaas.

Labada kooxood ee finalka jooga ayaa ugu baaqay xiriirka inay la kulmaan Mediaset oo ah shirkada iska leh baahinta xuquuqda ciyaartaan, islamarkaana ay isla gartaan in ciyaarta la ciyaaro waqti hore si loogu ogolaado taageerayaasha inay gurigooda ugu laabtaan waqti fiican.

andres-iniesta-xavi-cropped_egch9thal5gy1aoar5x3ptgee

"Labada kooxood waxay doorbidayaan in finalka la ciyaaro 6pm ama 7pm maalinta axada ee 22ka May, taasoo la micno ah in maalinta ku xigta ay tahay maalin shaqo oo Isniin ah” ayay Barca ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

"Iyadoo taageerayaasha labada kooxood ay u baahnaanayaan inay ka soo laabtaan Madrid, waqtiga haatan la qorsheeyay inay ciyaarta bilaabato waxa ay la micno tahay inaysan ku soo laaban doonin Barcelona iyo Seville ilaa iyo subaxnimada isniinta.

"Waqti walba oo ka danbeeya 7pm waa ay diideen labada kooxood” Sevilla ayaa iyagana soo saaray warbixin la mid ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip