Daawo: Muuse Suudi oo ka digay arrin Farmaajo sameyn karo doorashada kadib

0
Thursday July 15, 2021 - 23:51:13 in Wararka by
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Muuse Suudi oo ka digay arrin Farmaajo sameyn karo doorashada kadib

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu sheegay in si fudud uusan uga baxeyn Villa Somalia.

Senator Suudi ayaa sheegay in Farmaajo uu sharci darro ku jooga Villa Somalia, isagoona ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in uu amar ka qaadan madaxweyne aan sharciyad laheyn.

"Ra’iisal wasaaraha waxaa ka codsaneyna Nuur Cadde oo kale ha noqdo, sharafta ha la jiro, cidkasta isaga ayey ka amar qaadane, wax sharci ku jooga asaga ayaa ka jira, Nin aan sharci ku joogin (Farmaajo) ayuu amar ka qaadan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay Senator-ka in halgankii ka dhanka ahaa muddo kororsiga Farmaajo ee Ciidamada Bad-Baado Qaran ka sameeyen dalka uusan weli dhameystirneen inta uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu dhex fadhiyo Villa Somalia.

"Asaga oo aan bixin abaalmarin ma jirto, waa isa-sii diyaar-gareyn, dad lagu xad-gudbi maayo. Waxa la iskugu imid in looga mahad-celiyo nabad-galyada ay kusoo galeen baladka ee ay uga baxeen ee looga mahad-celin maayo shaqadii oo gaba-gabo ah wiilasha iyo madaxdoodii.”

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay inuusan faarujin doonin Villa Somalia, xataa haddii lagaga guuleysto doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

 

"Farmaajo meel walbo isaga oo ku dhagan ayaa laga fujinayay qaar waa lagu feeraaye qaar waa lagu xiraaye ,haddana hadii cod looga raayo in xoog looga baxsho maahee iska bax kuma baxaayo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip