HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 15-JULY 2021

0
Thursday July 15, 2021 - 08:43:11 in Wararka by
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 15-JULY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay XIldhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi

    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Shalay la kulm ay xildhibaannada ka soo jeeda gobolada woqo oyi oo isugu jiray labada garab ee ay kala hogga aminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay arrimaha do or ashooyinka, isagoo u xa qiijiyay in kuraasta gobolla da woqooyi loo maamuli doono si daahf uran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

     Guddiga maamulka doorashada kuraasta G/ Waqooyi ayaa dhowaan labo guddoon kala doort ay, taasoo dhalisay caqabad cusub.

     Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah xildhibaanada gobolada Waqooyi ayaa dhawaan ka digey in kuraasta gobolada Wa qooyi lagu shubto isagoo xusay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto haddii la musuqmaasuqo kuraasta gobolada Waqooyi.

Shir Looga Hadlayo Garsoorka Dalka Oo Shalay Ka Furmay Muqdisho

    Shirka madasha garsoorayaasha, (Judges Fo rum) ayaa Shalay ka furmay Muqdisho, kaas oo

ay soo qabanqaabisay maxk amadda sare ee Soomaaliya ayaa looga hadli doonaa ar rimaha caddaaladda iyo garsoorka dalka.

    G/maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, oo shirka furay ayaa sheegay in kulankan uu no qon doono mid saddex bille ah oo lagu lafa-guri doono xeerarka dalka iyo caqabadaha lasoo gud boonaada horumarka garsoorka.

    Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirka xeer illa aliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda G/Ban aadir Cabdi Qadar Maxamed Xasan iyo Garsoo rayaasha degmooyinka Gobalka Banaadir.

     Ujeeddada Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallo dib loogu habeeynayo adeegga Garsoorka si ay u noqoto madal joogto ah oo leysku dhaafsado cil miga iyo aqoonta Garsoorka ee dalka si loo ball aariyo adeegga cadaaladda ee loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Bulshada rayidka oo siyaasiyiinta uga digay in ay faro galin ku sameeyaan soo xulida ergooyinka

    Bulshada Rayidka ah ee soomaaliya ayaa war-murtiyeed ka soo Saaray kulan ay isugu yimaa deen Garowe oo looga arrinsanayay sidii loo sa meyn lahaa guddi heer qaran ah oo koor-joogtay naya goobaha ay ka dhacayso doorashooyinka.

War murtiyeedka kasoo baxay shirkaan, ayaa lo ogu baaqay golaha wadatashiga qaran in ay ca ddeeyaan kaalinta ay bulshada rayidka ah ku lee yihiin arrimaha doorashooyinka ee soo xulista erg ooyinka iyo la socodka doorashooyinka.  Bulsha da rayidka waxay soo jeediyeen in la sameeyo xeerar lagu ilaalinayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda muwaadinka ee la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Duqa M/Muqdisho oo Xarigga ka jaray Kawaanka Suuqa Ansalooti

        Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Du qa M/Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shalay xa rigga ka jaray Ka waanka Suuqa Ansalooti ee De gmada Xamar-jaj ab oo uu Maamulka G/Banaadir dib-u-dhis ball aaran ku sameeyay.  

     Munaasabaddan xarig jarka Kawaanka Ansalo oti ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab iyo qaar ka mid ah Agaa simeyaasha Maamul ka Gobolka Banaadir.

    Duqa Muqdisho ayaa Shacabka Degmada Xam ar-jajab kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen dib-u-dhiska lagu sameeyay Kawaanka isla ma rkaana ay ka shaqeyn lahaayeen bilicda iyo nad aafadda, wuxuuna ballan qaaday in mashaariic kale oo ho rumarineed laga hirgelin doonno Deg mada Xamar jajab. Duqa muqdisho oo xariga ka jaray kawaanka Ansalooti

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo oo gaaray magaalada Garbahaareey

     Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee uu magacaabay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxa med Xuseen Rooble, ayaa gaaray magaalada Ga rbahaareey ee magaalo madaxda gobolka Gedo.

Guddigan oo ah wasiirro ka socda afar dowlad go boleed, ayaa halkaas u tagay sidii ay u bilaabi la haayeen howlaha dib u heshiisiinta gobolka Gedo

     Wasiirka Arimaha Gudaha ee Hirshabelle ayaa guddoomiye u ah guddigan, waxayna shaqadoo da ugu horaysa ka bilaabi doonaan in ay kulamo la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddiga dib u heshiisiinta wuxuu ka masuul yahay abuuridda jawi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabs oomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda        M/Garbahaarey iyagoo si dhaw ula shaqeynaya   Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

     Waxyaabaha laga sugayo waxaa kamid ah in ay soo jeediyaan min labo Xubnood oo ah jagada Gudoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Garbah aareey iyagoo latashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.

     Guddigan waxaa la faray in ay qorshaha xasil inta Gobolka Gedo guud ahaan iyo tan jawiga qa bsoomidda doorashada Garbahaarey kusoo dha meystiraan muddo 30 maalmood gudahod ah.

Dhakhaatiir reer Somaliland ah oo mada arka Muqdisho taransit ku ahaa oo Hargaysa loo mastafuriyay

    Dhakhaatiir reer Somaliland ah, oo madaarka Muqdisho taransit ku ahaa, ayaa baasbooradi la ga jeex jeexay, isla markaana la xidhay ka dibna Hargaysa loo mastaafuriyay. Dhakhaatiirta oo ka hawl gala isbitaalka Adna Adan ee Hargaysa ay aa u socday waddanka Kenya iyagoo ku safrayay baasboorka Somaliland."Waa shaqaale caafima ad oo tababar u socday, oo ku safrayay baasboor ka Somaliland, oo fiise loogu soo saaray" sida wa xa tidhi Adna Aadan Ismaaciil.Drs. Adna Aadan ayaa sheegtay in dha khaatiirta baasabooradoodi laga jeex jeexay, isla markaana la xidhay kadibna Hargaysa loosoo mastafuriyay markii ay gadheen madaarka Aadan Cadde.

    "Dadkii ka sokeeya meesha ay ku socdaan ba asboorada lagama qaado, lagamana jeex jeexo, dhib kalena looma gaysto" ayay tidhi Adna.

    "Meesha ay u socdaan ayaa hadii ay aqoonsan tahay dalku gal ka, u ogol aata ama u diida" ayay hadalkeeda sii raac isay Adna.

Drs. Adna Aadan ayaa sheegtay in falka shaqaal aheeda lagula kacay uu yahay sharci darro.

"Hadday Soomaaliya garanayso sharciga dad taransit ah baasboorka kamay qaadeen oo kamay jeex jeexdeen, 3 maalmood qafaalasho kumay ha ysateen" ayay tidhi.

     Dhakhaatiirtan ayaa markale u safri doona Ken ya iyadoo baasboorada dib loogu cusboonaysiin doono waxana la filaya in ay Addisababa mari doonaan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Shalay gaaray Ceel Barde

      Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS,Md.Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Kha liif ayaa Shalay gaaray degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool,halkaa oo lagu soo dhaweeyay. Mas’uuliyiinta degmada,Odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo qeybaha bulshada ayaa qeyb ka ahaa dadweyne badan oo isugu soo baxay gar oonka diyaaradaha ee ku yaal bartamaha magaa lada.

    Duqa degmada Ceel Barde,Haadi Siraad Cu mar oo ka hadlay soo dhaweynta ayaa Wasiir Ca bdiwahaab uga mahadceliyay dadaalladiisa ka war-qab ee degmada iyo doorarkii uu ka qaatay horumarinta degmada.

     Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cab diwahaab Ugaas Xuseen ayaa dhankiisa ku she egay socdaalka uu ku soo gaaray degmada Ceel Barde inuu qeyb ka yahay imaatinkiisi is xig xigay ee degmada, si uu ugu kuurgalo xaaladda bulsho iyo deegaan.

     "Halkan oo ah magaaladii aan ku dhashay iyo magaaladeydii imaatinkan wuxuu qeyb ka yahay sidii aan horeyba ugu imaan jiray, haddana waxa an doonayaa inan la kulmo bulshada, marka kale deegaanka arko si loo dardargaliyo dadaallada horumarinta ee deegaankan.” ayuu ku daray Wa siir Cabidwahaab Ugaas Xuseen.

     Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, wasi irkii hore ee ganacsiga ayaa socdaalkiisa Arbac ada Shalay oo muddo afar cisho ah qaadanaya, waa markii u horreysay ee uu deegaan doorashad iisa dib ugu soo laabanayo tan iyo markii loo mag acaabay W/Sh &Arrimaha Bulshada 4tii bishii May ee sannadkan,iyadoo muddada C/Barde ku su ga nyahay uu kulamo la qaadan doono, maamulka, waxgaradka ,odayaasha & qeybaha bulshada.


Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay duleedka M/Matabaan

      Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta dag aal ka dhacay deegaan ku yaal duleedka deg mada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxa uu dhex maray labo male eshiyo beeleed iyadoo dagaalkana uu ku dhintey hal ruux labo kalana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerareen mal eeshiyaad kale oo ku sugnaa degaanka Dhisaqa ee duleedka Matabaan.

     Wararka ayaa waxa ay sheegeen in maleeshi yaadka soo weeraray deegaanka Dhisaqa ay dib u laabteen kadib markii maleeshiyo kale oo ku su gneyd halkaas ay kala kulmeen iska caabin.

Xaalada deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa caadi ku soo laabatay inkastoo weli ay jirto xiisad colaadeed.

      Degaanka lagu dagaalamay iyo degaannada kale ee hoostaga degmada matabaan ee G/Hiira an ayaa waxaa dhwr jeer ka dhacay dagaal u dha xeeyay laba maleeshiyo beeleed, iyada oo ay kala dhex galeen Ciidamada dowladda SomaIya.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Kormeeray qaar kamid ah waddooyinka Caasimadda.

    Muqdisho:-Gudoomiyaha G/Banaadir ahna du qa M/Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxa med (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar kamid ah waddooyin ka Caasimadda oo ay D/hoose ee Xamar ka fulisay ho wlo dib loogu soo celi nayay bilicda magalada  

      Xilliyada Roobabka da’aan ayaa waxaa mag aalada fariista biyo iyo qashin, iyaddoo dowlada hoose ee Xamar ay tahay mid u taagan gudasha da waajibaadka ka saaran Shacabka iyo Bilicda Caasimadda .

Hargaysa: Gabadh kufsi iyo dil layskugu daray

    Gabadh lagu magacaabi jiray Hinda Cumar, ay aa inta la kufsaday kadibna lagu dilay magaalada Hargaysa, sida ay eheladeedu sheegeen.

     Qoyska Hinda ayaa falkan ku eedeynaya mid kamida wadayaasha basaska iyo kirishboygiisa.

"8:40 PM ayaa bas huruuda oo laba nin saran yihiin aans



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip