KALAREEBTADA SIYAASIYIINTA!!!=Faallo=

1
Wednesday July 07, 2021 - 11:25:38 in Wararka by
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KALAREEBTADA SIYAASIYIINTA!!!=Faallo=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Halka Maanta loo yaqaan Ceel Gaabta ee ku taal Bartamaha Magaalada Muqdisho, waxa ey aheyd Goof Baadiyo ah oo ey deganaayeen Beesha Mataan Cabdulle. waxaana Ceel ku lahaa Nin Beeshaa ahaa, Ceelkiisa waxaa la dhihi jiray Ceelka Cabdulle Faruur. ( F.S: 1aad).

 
       Naag Ceelka Biyo ka qaadaneeysay oo uu qabay Nin Beesha Wacdaan Cusmaan ah ayaa waxa ey wadatay Saliid iyo Murxo Bun. Nin dhalin yaraa ee Beesha Daa’uud ahaa ayaa si
kibir ah uga daadiyay, kuna yiri: Bax Ninkaaga igu dacweey.
 
Arrintii waxa ey gaarsiisay Ninkeedii oo wacad ku maray in uu Ninkaa Daa’uud dilayo. Odayaashii dhaqanka ayaa ka baqay in xaaladdu isku bedesho Dagaal Qabiil, Bacdamaa Ninkii ahaa Beesha Wacdaan uu ku dhaaratay in uu Ninkaa dilayo. Meeshana Beesha Wacdaan ey ku awood badneed eyna aheyd Beel laga baqo. waxaa la go’aamiyay in la raaco hab Dhaqan kala Reeb ah oo ka jiray Gobalka Shabeelaha dhexe. Tusaale ( Haddii Laba Qabiil la kala celi waayo, si Dagaalku uuna u saameeyn isku socodka, muddada Colaaduna eyna u dheeraan, waxaa la Oodi jiray Mooro aad u weeyn. ( F.S: 2aad).
 
       Beel waliba waxa ey keeni jirtay 5 dhalin yaro ah oo ey ku kalsoon tahay, mid walibana uu wato Ul, Middi, Waran iyo Gaashaan. Moorada oo aan laga boodi karin ayaa 10kaa Ragga ah lagu soo oodi jiray Subixii, Makhribkii ayaa laga qaadi jiray Oodda, waxaana si Nabad ah loo kala qaadan jiray Wixii Daawac iyo dhimasho ah, Colaadana Halkaa ayaa lagu dhameeyn jiray)
 
   (Musharixiinta amaan Mooro u oodnaa, si Colaadoodu eyna u wax yeelin Ummadda kale).
 
          Iyada oo dhaqaankaa la raacayo ayaa waxaa jiray haddii arrintu ey ku kooban tahay Laba Nin oo kaliya, inta God dheer la qodo ayaa mid waliba Lugaha loogu aaso jiray. Labada Nin waxa ey isku jiraan meel ey Gacanta isla gaaraan. waxaana mid waliba la siin jiray Middi Af badan. Dagaalka oo ku kooban Labadaa Nin oo kaliya ayaa Bilaaban jiray Colaaduna Halkaa ayeey ku dhamaan jirtay ,taa oo la dhihi jiray ” Ninkii roon Reerka ha u haro”.
 
Labadii Nin ee Colaadoodu ka Bilaabatay "Ceelka Cabdulle Faruur” ayaa Lugaha loo duugay. waxa ey bilaabeen in ey Middiyihii is daraan, Galabtii ayeey iyaga oo Sakaraad ah welina Lugihii u doogan yihiin ayeey isku ag dhaceen. ( F.S: 3 & 4aad)



 
       Kii Daa’uud ayaa Gacanta u taagay Ninkii kale kuna yiri: War waan wada dhimaneynaa ee aan is cafino. Kii Wacdaan ayaa Gacanta u taagay. laakin kii Daa’uud ayaa Mididii ku sii celceliyay. kuna yiri:( waan ogaa in aan Labadeenu wada dhimaneeyno, Laakin waxaan rabay in aan arko Adiga oo hortey dhimanayo). Colaadii ma dhaafin Meydka Labadii Nin ee la kala celin waayay intii ey Colaadu ku fidi leheeyd Labada beelood Dad badanina ku dhiman lahaayeen.
 
       ((( Musharixiinta Qaar ameey ka tahay Xaasidnimo Musharaxnimadoodu, oo ey tahay waan ogaa in aanan Anigu Guuleeyseeyn, ee waxaan Rabay in aan Arko Adiga oo igula haray wareegga Labaad )))
 

Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip