Mauricio Pochettino Oo Aan Arkin Goolkii Erik Lamela Uu Ka Dhaliyay Man United & Sababta Oo Uu Ku Sheegay Shirkiisa Jaraa'id.

0
Monday April 11, 2016 - 11:43:13 in Sports News by
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mauricio Pochettino Oo Aan Arkin Goolkii Erik Lamela Uu Ka Dhaliyay Man United & Sababta Oo Uu Ku Sheegay Shirkiisa Jaraa'id.

    Mauricio Pochettinoayaa qirtay inuusan arkin goolkii Erik Lamela uu ku Tottenham ugu xaqiijiyay seddexda dhibcood kulankii Manchester United, isagoo sheegay inuu meel kale ku mashquulsanaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mauricio Pochettinoayaa qirtay inuusan arkin goolkii Erik Lamela uu ku Tottenham ugu xaqiijiyay seddexda dhibcood kulankii Manchester United, isagoo sheegay inuu meel kale ku mashquulsanaa.

Waa taageere kasta qarowfuusa inuu booqdo adeegyada garoonka islamarkaana maqlo taageerayaasha oo ka dul qeylinaya iyagoo u dabaaldegaya kooxdooda oo gooldhalisay.

Laakiin taasi xitaa waa ay ku dhici kartaa tababarayaasha marka waxyaabaha dabiiciga ah ay dhacaan waqtiyada aan habooneyn, tababaraha reer Argentina ayaana qirtay ka dib guushii 3-0 ee ay ku gaareen White Hart Lane.

mauriciopochettino-cropped_ja7iji2d1bcx1bj35gnhki0ar

"Waan seegay goolkii Lamela! Waxaan ka arkay telefishinka. Waxaan aaday suuliga qolka tababaraha, ka dib waxaan maqlay qeylada jamaahiirta waxaana ku cararay qolka labiska si aan u daawado.” ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay isagoo qoslaya.

Pochettino ayaa sidoo kale sheegay in kooxdiisa ay xalayto diirada saareysa kaliya ciyaartooda oo ay iska ilaaween guushii ay gaartay Leicester saacado ka hor inta aan la gaarin ciyaartooda.

"Waxaan diirada saareynay ciyaarteena, laakiin Leicester waxa ay soo bandhigtay shaqsiyad iyo dabci quusasho la’aan ah waxaana ay u qalmeen natiijada. Muhim ayay inoo aheyd anagana in guushii Leicester ka dib inaan sidaan u dhaqano. Aad ayaana u faraxsanahay.” ayuu yiri.

"Waxaan soo bandhignay fariin ah inaan tartanka horyaalka ku jirno, inaan dagaalameyno. Todobo dhibcood waa farqi weyn oo ay adag tahay in la soo yareeyo laakiin waa inaan aamino in la soo yareyn karo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip