Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Premier League Ee Xilli Ciyaareedkan Ka Dib Kulamadii Isbuucaan?

0
Monday April 11, 2016 - 11:42:13 in Sports News by
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Premier League Ee Xilli Ciyaareedkan Ka Dib Kulamadii Isbuucaan?

    Weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy ayaa ku soo dhawaaday kaalinta koowaad ee kala sareynta horyaalka Premier League ka dib markii uu dhaliyay labadii gool ee ay kooxdiisa Leicester City 2-0 kaga badisay kooxda Sunderland iyagoo sii xajistay hog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy ayaa ku soo dhawaaday kaalinta koowaad ee kala sareynta horyaalka Premier League ka dib markii uu dhaliyay labadii gool ee ay kooxdiisa Leicester City 2-0 kaga badisay kooxda Sunderland iyagoo sii xajistay hogaankooda 7da dhibcood ee ay ku hayaan horyaalka Premier League.

Labada gool ee uu dhaliyay Vardy ayaa ka dhigay inuu haatan dhaliyay xilli ciyaareedkan 21 gool, waana ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda kooxda Leicester City ee dhalisa 20 gool ama ka badan horyaalka Premier League hal xilli ciyaareed gudaheed.

player-of-the-year-award-pfa-graphic-mahrez-vardy-alli-lukaku-kane-ozil_3428314

Waxa uu hal gool ka danbeeyaa xiddiga kooxda Tottenham Harry Kane kaasoo 22 gool ku hogaaminaya, islamarkaana aysan u suurogelin inuu shabaqa soo taabto xalayto kulankii ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Manchester United.

Romelu Lukaku ayaa weli ku jira kaalinta 3aad isagoo leh 18 gool welina abaar gooldhalineed ayuu ugu jiraa kooxda Everton, waxaana ka daba yimid Sergio Aguero kaasoo isna 18 gool la wadaaga ka dib markii uu rigoore dhaliyay kulankii ay isbuucaan Man City 2-1 ku badisay.

KALA SAREYNTA GOOLDHALINTA PREMIER LEAGUE:

22 gool – Harry Kane

21 – Jamie Vardy

18 – Romelu Lukaku, Sergio Aguero

16 – Riyad Mahrez

14 – Odion Ighalo

12 – Oliver Giroud, Jermaine Defoe




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip