"Man United Waa Dib U Socod Intii Uu Joogay LVG, Wuxuu Uga Hadlay Spurs Sida Inay Real Madrid Tahay Oo Kale" – Jamie Carragher.

0
Monday April 11, 2016 - 11:38:22 in Sports News by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Man United Waa Dib U Socod Intii Uu Joogay LVG, Wuxuu Uga Hadlay Spurs Sida Inay Real Madrid Tahay Oo Kale" – Jamie Carragher.

    Ciyaaryahankii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa weerar ku qaaday kooxdii hore ee ay cadowga ahaayeen Manchester United ka dib guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Tottenham shalayto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahankii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa weerar ku qaaday kooxdii hore ee ay cadowga ahaayeen Manchester United ka dib guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Tottenham shalayto.

Carragger ayaa aaminsan in United ay sii xumaaneyso inta uu joogo Louis van Gaal, iyagoo u muuqda inay seegayaan Champions League markii labaad muddo seddex sannadood ah.

Van Gaal ayaa qarashgareeyay lacag badan xilli ciyaareedka labaad ee kooxda, waxaana uu u muuqdaa mid ku dhameysanaya meel ka sii xun booskiisa kaalinta afaraad ee uu ku dhameystay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay.

manchester-united-premier-league-10042016_m9ufvaxmfdlx1ujzdvwktcq2w

"Waxa ay u muuqdaan kuwa dib u socod ah” ayuu Carragher u sheegay Sky Sports.

"Marka laga hadlayo Louis van Gaal uma arko inuu sii joogayo kooxda sannadka danbe haddii uusan kooxda u soo saarin Champions League.

Carragher ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay habka uu Van Gaal u amaanay kooxdiisa ka dib guuldaradii shalayto.

"Manchester United waa koox si aad ah uga weyn Tottenham, inkastoo Tottenham ay fiican tahay waqti xaadirkaan, wuxuuna Van Gaal ka hadlayaa sida wanaagsan ee ay kooxdiisa u ciyaartay.” ayuu yiri.

"Xaqiiqda waxa ay tahay inaan xitaa anaga dhaheyno United si fiican ayay u ciyaartay xitaa waxaan xusnay waqtigii nasahada. United si fiican ayay u ciyaartay qeybtii hore laakiin uma muuqan kuwa gool dhalinaya.

"Tottenham-se waxa ay maanta dhalin kartay shan ama lix gool. Laakiin sidaan ayuu isagu uruuray xaalka United in Van Gaal uu xaqiiqdii ku faraxsan yahay inay natiijada ciyaarta u gacan geliyeen Tottenham.

"Waa wixii uu yiri: ‘Goolka hore ka hor waxaan u la ciyaarnay si wanaagsan’, laakiin kooxdaan waa Man United wuxuuna u hadlayaa sida inay Tottenham tahay Real Madrid”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip