Shaxdii Ugu Fiicneyd Horyaalka Premier League Isbuucaan Oo La Soo Saaray, Liverpool & West Ham Oo Min Labo Ciyaaryahan Ku Leh.

0
Monday April 11, 2016 - 11:36:45 in Sports News by
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaxdii Ugu Fiicneyd Horyaalka Premier League Isbuucaan Oo La Soo Saaray, Liverpool & West Ham Oo Min Labo Ciyaaryahan Ku Leh.

    Waxaa soo dhamaaday kulamadii isbuuca ee horyaalka Premier League, kooxda Leicester City ayaa sii xaqiijisatay hogaankeeda horyaalka iyagoo 7 dhibcood weli ku hogaaminaya ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Sunderland, halka Tottenham ay weli ku daba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo dhamaaday kulamadii isbuuca ee horyaalka Premier League, kooxda Leicester City ayaa sii xaqiijisatay hogaankeeda horyaalka iyagoo 7 dhibcood weli ku hogaaminaya ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Sunderland, halka Tottenham ay weli ku daba jirto Leciester iyagoo 3-0 ku qaarjiyay Man United.

Arsenal ayaa ka dhacday tartanka horyaalka ka dib markii ay barbaro 3-3 ku qabteen West Ham, Man City ayaa sii xajisatay booskeeda kaalinta afaraad ka dib guul ay ka gaareen kooxda West Brom. Hadaba qabiirka BBC Sport Garth Crook ayaa soo xushay shaxdii isbuucaan ugu fiicneyd horyaalka Premier League.

Dhanka goolka waxaa ku jira goolhayaha Leicester Schmeichel kaasoo kooxdiisa Leciester ka badbaadiyay in shabaqa la soo taabto kulankii Sunderland ee ay guusha xilli danbe gaareen, dhanka daafaca waxaa ku jira daafaca Liverpool Moreno kaasoo wacdarro dhigay kulankii xalayto isagoo shabaqa soo taabtay kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Stoke.

1

Daafaca dhexe waxaa ku jira Alderwierld kaasoo shalayto ka caawiyay kooxdiisa Tottenham inay 3-0 kaga badiso Man United isagoo dhaliyay mid ka mid ah goolasha, Steve Cook ayaa isna shabaqa soo taabtay kulankii ay Bournemouth ka badisay kooxda Aston Villa, halka Antonio uu xureystay garabka midig kulankii ay West Ham barbaro la gashay Arsenal isagoo caawiye ka ahaa mid ka mid ah goolashii seddexleyda ee Carroll.

Booska burburiyaha khadka dhexe waxaa isbuucaan ku soo baxay Puncheon kaasoo wacdarro u dhigay kooxda Crystal Palace isagoo dhaliyay goolka kaiya ee ay kaga badiyeen kooxda Norwich City.

Seddex kubadsameeye ee ka horeysa waxaa ay kala yihiin xiddiga Arsenal Alex Iwobi oo caawiye ka ahaa labo ka mid ah seddexdii gool ee ay Arsenal barbaraha kula gashay West Ham, Divock Origi oo guusha ku hogaamiyay Liverpool kulankii Stoke City isagoo u saxiixay labo gool, halkaGylfi Sigurdsson uu isna shaxda soo galay isagoo dhaliyay goolka kaliya ee guusha ku hogaamiyay Swansea kulankii Chelsea.

Weerarka muran kama taagna, waxaa ku soo baxay Andy Carroll kaasoo seddexleey ka dhaliyay isbuucaan Arsenal iyo Jamie Vardy kaasoo labo gool u saxiixay kooxda Leicester oo ay kaga badiyeen kooxda Sunderland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip