Furaha Lagu Garaaci Karo Wolfsburg, Fariinta Jamaahiirta Uu U Wado & Wax Walba Uu Cristiano Ronaldo Ka Hadlay Ka Hor Kulanka Champions League.

0
Monday April 11, 2016 - 11:35:10 in Sports News by
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Furaha Lagu Garaaci Karo Wolfsburg, Fariinta Jamaahiirta Uu U Wado & Wax Walba Uu Cristiano Ronaldo Ka Hadlay Ka Hor Kulanka Champions League.

    Cristiano Ronaldo ayaa durbaba ka fekeraya kulanka habeen danbe ee lugta labaad ee Champions League ee ay la ciyaarayaan kooxda Wolfsburg. Xiddiga Real Madrid ayaa niyadsami ku qaba in jamaahiirta Bernabeu ay ku hogaamin karaan inay dhanka kale u rog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa durbaba ka fekeraya kulanka habeen danbe ee lugta labaad ee Champions League ee ay la ciyaarayaan kooxda Wolfsburg. Xiddiga Real Madrid ayaa niyadsami ku qaba in jamaahiirta Bernabeu ay ku hogaamin karaan inay dhanka kale u rogaan guuldaradii lugta hore oo ay u soo baxaan wareega afar dhamaadka.

Fariintiisa taageerayaasha:"Talaadada waa ay fiicnaan doontaa, waxa ay noqon doontaa habeen mucjiso ah; caawinaadiina ciyaartoyda waxa ay dadaalkoodii ugu danbeeyay ku soo bandhigi doonaan garoonka, waxaana u soo gudbi doonaa wareega xiga. ‘Hala Madrid!”.

1460295169_582180_1460297971_noticia_normal

Waa maxay furaha kagu garaaci karo Wolfsburg?"Inaan si wacan u ciyaarno, 11ka garoonka soo galeysa, kuwa kursiga keydka fadhiya iyo 80ka kun taageerayaal ee ina taageeraya. Waxaan jeclaan lahaa inaan arko Bernabeu oo soo buux dhaafiya islamarkaana ilaa iyo dhamaadka ina taageera sababtoo ah taasi waa ay ina sii dhiirogelineysaa. Waxaan rajeynayaan inay noqoto habeen mucjiso ah, aad ayaan u faraxsanahay. Kooxda kalsooni ayay qabtaa, tababaraha kalsooni ayuu qabaa, taageerayaasha kalsooni ayay qabaan. Talaadada waa habeen mucjiso.”

Inay natiijada dhanka kale u rogaan:"Waa inay noqoto habeenkii ugu fiicnaa. Inteena garoonka ku jirta waxaan u baahnaan doonaa inaan orodno, inaan dagaalano , inaan ciyaarno ciyaar xamaasadeysan ilaa iyo 90ka daqiiqo oo buuxa. Sida cad anagoo heysana taageerida jamaahiirteena, wax walba ay inoo sahlanaaneysaa. Waxaan sidoo kale u baahanahay inana isdejino; waa inaan sabar muujino islamarkaan aaan ogaano inaan dhibtoon doono. Inaan ka gudubno wareegaan ayaa ah hamiga ugu weyn. Waa xalka kaliya ee lagu hubin karo in ciyaartoyda iyo taageerayaasha ay farxad kaga baxaan garoonka.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip