Danjire AMEERIKO oo soo bandhigay buugga Danjire

0
Tuesday July 06, 2021 - 23:49:39 in Wararka by
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire AMEERIKO oo soo bandhigay buugga Danjire

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo hore u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Kenya, sidoo kalena ah Qoraa iyo Samafale ayaa soo bandhigay Buug uu ugu magac daray "Danjire” oo uu ku soo aruuriyay macluumaadka dibulumaasiyada, xaalada dalka Soomaaliya iyo arrimo badan oo kale.

        Munaasibad si heer sarre ah loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigayay buuga cusub ee uu qoray Qoraa Maxamed Ameeriko ayaa waxa ka qeyb-galay wasiiro, aqoon-yahan, siyaasiyiin, culimo, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

       Intii ay socotay munaasibada Buuga Danjire ayaa waxaa si weyn loogu bogaadiyey Qoraa Maxamed Ameeriko buuga cusub ee uu soo bandhigay, kaasi oo ay sheegen inuu wax badan xambaarsan yahay.

       Wasiir ku-xigeenka Maaliyada, Prof Qaloocow oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa waxa uu ku dheeraaday muhiimada Buuga cusub iyo faa’iidada uu leeyahay in la aqristo.

       Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada Booliiska Jeneraal Xijaar, Gudoomiyaha Degmada Kaaran iyo Guddoomiyaha ku-xigeenka Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed, Najma Maxamuud oo ayaguna munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday mawduuca uu xambaarsan yahay Buuga Qoraa Ameeriko oo si gaar ah uga hadlaya arrimo badan oo ku saabsan diblumaasiyada iyo xaalada dalkeena.

       Sidoo kale waxaa ayaguna dhankooda bogaadiyey qoraaga Dr Xasan Sheikh oo ah fallan-qeeya ka hadla siyaasada iyo Prof Faarax Bursaliid, iyagoona dul istaagay nuxurka uu sito buuga iyo xiliga uu kusoo aaday.

        Ugu dambeyntiina waxaa munaasibada ka hadlay Qoraaga Buuga, Maxamed Ameeriko oo asagu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray qoraalka Buuga Danjire iyo xaaladaha ku gadaaman buuga sida weyn loo soo dhaweeyay.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa waxa uu gaba-gabadii munaasibada gudoonsiiyay Buuga cusub ee qoray Hay’addo, Mas’uuliyiin iyo Shaqsiyaad caan ah oo dalka iyo dadka wax u soo qabtay.

Danjire AMEERIKO oo soo bandhigay buugga Danjire

Abdihakim Elmi Hassan


Cabdixakiin441@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip