HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR 4- JULY 2021

0
Sunday July 04, 2021 - 08:29:55 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR 4- JULY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo Oo Ka Hadlay Geeridii Ku Timid Marx uum Cabdulqaadir Subxaanyo

      Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka ba xay Alle ha u naxariistee Janaraal Ca bdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

      Madaxweynaha ayaa xusay muddadii uu Marxu umku u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyed iyo do orkii uu ku lahaa difaaca dalka oo uu ku muteystay Billad Geesi, taas oo tusaale wanaagsan u ah mu hiimadda ay leedahay u shaqeynta dadkaaga iyo dal kaaga, isaga oo burbarkii kaddib door ka soo qaatay nabadeynta iyo dowlad dhiska dalka.

    "Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuu m Cabdulqaadir Cali Diiriye oo muddo dheer si daac adnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka”.

      Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardo wsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraaba da iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

General Subxaanyo oo ku geeriyooday Muqdisho &R/Wasaare Rooble oo u tacsiyadeyey &Taariikhdiisa oo kooban

      Allaha u naxariistee waxaa Shalay gudaha maga alada Muqdisho ku geeriyooday Cabduqaadir Cali Mire Diiriye oo loo yaqaanay (General Subxaanyo) kana mid ahaa saraakiisha ciidanka qalabka sida, ga ar ahaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

AUN Marxuum Subxaanyo ayaa sidoo kale ka mid ahaa budhigaya a shii ciidanka Asluubta Soomaaliy eed.

      Marxuumka ayaa maalmahan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana geerida ku timid ka tacsiyeeyey madax kala duwan oo Soomaaliyeed.

     Sidoo kale Rooble ayaa war kasoo saaray geer ida ku timid marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo

Jannadiisa Firdow so."Naxariistii Jan no Allaha ka wara abiyo General C/dir Cali Diiriye (Subx aanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh.

     Dhinaca kale  Waxaan geeridiisa uga tacsiyeyna yaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu qor aalkiisa ku yiri R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble

HALKAN HOOSE KA AQRISO TAARIILKH NOLOLEEDKIISA.

    Gen.C/dir Cali Diiriye (Subxaanyo) Waxa uu ku dhashay M/Beledweyne ee xarunta G/Hiiraan 1952 dii,Waxa uu dugsiga dhexe ku dhamaystay Beled weyne, Waxa uu ka baxay, dugsiga sare ee Sheekh Xassan Barsame ee Muqdisho oo markaas lagu dhig anayay luuqadda Talyaaniga, 1972 waxa uu galay kulyida millateriga General Daa’uud millatery Acad emy oo ku taallay M/Kismaayo, ka dibna wuxuu aad ay 1974 dalki Midowga Soofiyeeti oo uu kasoo dhig tay kuliyadda milatiriga ee linin ee M/Moskow oo la gu barto culuunta siyaasadda iyo arimaha milla teriga, 1977 wuxuu ku soo laabtay dalka waana mar kii uu dhamaaday xiriirkii uu dalku la lahaa dalkii M/ Sofiyeti, wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii 77kii waxa uuna ku muteystay billad geesi qalin ah.

      Dhamaadkii dagaalka 77kii waxaa loo diray dal ka Germany oo uu ku maqnaa 78kii ilaa 84kii oo uu soo qaatay shahaadada Mechanical Engineering, ja amacadda Rostok ee dalka Germany. 1985 ayuu dal ka kusoo noqday, waxa uuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciddanka Asluubta, waxa uu madax Ka noqday hogaanka siyaasada ee ciidanka asluub ta iyo kan gaadiidka iyo isgaarsiinta. Kadib burburki Dalka, jananku waxa uu la shaqeeyay hay’ado sa mafal, sidoo kale waxa uu madax ka noqday gudigii Culaysaarka(Pressure Group) oo Shaqadoodu ahayd dhaxdhaxaadinta hogaamiyayaashii kooxaha koonfurta soomaaliya.

      Waxa uu la taliye u ahaa dhamaan dowladihii ku mel gaarka ahaa ee dalka soo maray, General Sub xaanyo waxa uu si wanaagsan ugu hadli jiray luuq adaha carabiga, jarmalka, ruushka, ingiriiska, taly aaniga. Wax la taaban karo ayuu ka qabtay waxbara shada  iyo samafalka oo waxaa lagu xasuustaa in Shalay ay daafaha caalamka kala joogaan dad uu koritaanka aqoontooda kaalin mug leh ka gaystay, Jananku waxa uu dad badan u diray wax barasho dibadda ah kuwaas oo manta saamayn dhan kasta ah ku leh dalka iyo dibaddiisa.

Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada oo Guddoomiye KMG ah doortay.

      Kulankii ugu horreeyay oo ay ku yeesheen M/ Muqdisho xubnaha  Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban  ee Heer Federaal 2020-2021  ayaa waxaa ay ku doorteen Guddoomiye kumeel gaar ah.

      Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ayaa waxaa ay si aqlabiyad ah ugu code yeen in uu gudoomiye ku meel gaar ah u noqdo qof ka ugu da’da weyn xubnaha, waxaa ku guuleystay C/hi Abyan Nuur.

      Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban  ee Heer Federa al ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoo miyaa, iyaga oo sheegay inay Shaqadooda si wanaagsan u gutan.

     Guddiga Xallinta Khilaafaad ka Do orashada Dadban  ee Heer Federaal ayaa Shaqadooda waxaa ay tahay xa linta hadii uu khilaaf ama isqabqabsi ka dhasho do orashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soom aaliya

Daba-geed oo ku guuleystay inuu maamulka HirShabelle geeyo Beladweyne – Maxaa berri ka dhacaya?

    Waxaa la filayaa in maalinta berri ay markii ugu ho rreysay ay Golaha  Wasiirada HirShabelle shir ku ye eshaan M/Beladweyne ee xarunta G/Hiiraan, waxaa na shir guddoomin doono Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo sidoo kale ah ku simaha Madaxweynaha.

     Xog ay sheegtay in ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Shalay inta badan Golaha Wasiirada HirSh abelle ay ka dageen M/Beladw eyne ee xarunta G/Hiiraan, wax ayna halkaas kaga qeyb gali do onaan shirka Golaha Wasiirada oo muddooyinkan aan la qaban.

      Wafdiga Wasiirada ee Shalay gaaray Beladwey ne waxaa ka horreeyay saraakiil ka socota xafiiska Madaxweynaha HirShabelle, kuwaasi oo maalma han Beladweyne ka waday abaabul iyo diyaar-garow xoog leh.

     Haddii berri M/Beladweyne ku shiraan Golaha Wasiirada ee Maamulka HirShabelle waxaa muuq ata in Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuus uf Axmed Hagar Daba-geed uu ku guuleestay in uu maamulka geeyo Beladweyne oo ay u diidanaayeen beesha uu ka dhashay ee Xawaadle.

       Sidoo kale in Wasiirada, Xildhibaanada iyo Sar aakiisha Madaxtooyada HirShabelle ay wada jooga an kuna howlgalayaan Beladweyne ayaa ka dhigan inay degtay xiisadii iyo abaabulkii ka dhanka ahaa maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Guudla awe ay yaraatay.

      Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale qorshe ynaya inuu tago Beledweyne, waxaana arrintaas kala shaqeynaya DFS oo dooneysa in xiisadda lasoo geba-gebeeyo, ka hor doorashada xildhibaanada go laha shacabka ee lagu qabanayo M/ Beledweyne.

Maxkamada Ciidamada oo xukun dil ah ku xukuntay Abuukar Macalin Axmed

     Maxkamada Ciidamada ayaa dil toogash ah ku xukuntay Abuukar Macalin Axmed Hilowle kadib mar kii lagu helay dil uu u geystey Marxuum Axmed Cali Nuur 19-kii Maarso sanadkaan.

      1-dii June iyo 15-kii June sanadkan ayaa loo kala fariistay laba fadhi oo ay dhageysiga Maxkamadda qaadatay, waxa ayna dhinacyada dacwadda ku soo bandhigeen Fadhiga Maxkamadda kaalmaha sharci ay leeyihiin.

     Eedeysanaha ayaa Marxuumka oo u damaashaa d tegay Jaseera isku dayay in uu dhac u gaysto laa kiin sida Maragyada Qaar ay sheegeen Marxuumka uu ku adkaysatay in uusan teleefoonkiisa dhiibin Maadaama uu aaminsanaa inaan lagu dhici Karin Xe ebta loo dalxiiska tego ee Jaseera.

                Waxa ay saaxiibbadiisa maalinkaasi la damaashaad tegay ay u sheegeen Garsoorka in Marxuumka kadib uu ee deysanaha isku dayay baxsad isaga oo ugu soo riday gadaal xabado raa cda reeb ah.

     Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa u she egay Garsoorayaasha in Eedeysanaha uu dilka u ga ystay ku tala gal isla markaasna uu isku dayay in uu Baxsado, sidaas darteed ayuu ka codsaday Garsoor ka in lagu xukumo Ciqaab u dhiganto Qodobada ay ku soo Eedeeyeen Abuukar Macalim.

     Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Iyana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Eedey sanaha oo laga qaado diyo Maadaama Marxuumka uusan dhacayn balse uu kaga baqay Naftiisa.

      Maxkamadda ayaa muddo kadib go’aan ka soo saartay Kiiska Abuukar Macalin Axmed Hilowle, wa xa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuum Axmed Cali Nuur sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida.Sida maxkamad du sheegtay xukunsanaha ayaa heysto soddon ma almood oo uu Rafcaan ku qaaadan karo.

Xiliga La Maxkamadeynayo Burcad Dhac Ka Geysatay Muqdisho Oo La Shaaciyay

    Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Jen. Cabdi Xa san Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay burcada hube ysan ee dhaca u geysta shacabka oo maalmihii dam be kusoo badanayay M/ Muqdisho.

    Taliye Xijaar ayaa waxaa uu she egay in Ciidanka amniga ay gacan ta ku soo dhigeen rag badan oo dhac u geystay dad shacab ah oo qaarkood ragga la qabtay ku jiraan kuwo dhacay go obo Ganacsi ah oo ay ka qaateen Taleefoono gacan ta iyo waxyaabo kale.

     Taliyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa Carabka ku dhuftay in burcadadii ugu dambeysay ee dhac u geysatay dad shacab ah laga soo qabtay degmooyin ka Kaaraan, Hodan iyo Wadajir ee Gobolka Bana adir, isla markaana ay xiran yihiin.

    Sidoo kale Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shaaciyay in ragga burcadnimada loo soo qa btay Maxkamad la horgeyn doono maalinta Isniinta ama talaadada soo socota ee todobaadkaan, si sha rciga loo marsiiyo.

     Ugu dambeyn Taliyaha ayaa Di gniin u diray cid kasta oo ku howlan dhaca loo geysanayo shacabka Caasimadda kunool, wuxuuna xusay in qof kasta oo lagu soo qaba falkaas ha ahaado Askari iyo shacab in la horgeynayo Maxkamadda.

     CDF ayaa gacanta kusoo dhigay rag burcad ah oo dhac u geystay dad shacab ah oo ay ka qaateen Teleefoono gacanta iyo Agabayo kale

Safaaradda Somalia Ee Kenya Oo Dib Loo Furay Iyo Safiirka Oo Ka Hadlay

      Xarunta Safaaradda Dowladda FS ay ku leedah ay M/Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa ra smi ah dib loogu furay, xili ay xirneyd muddo ku dhow lix bilood oo khilaaf u dhexeeyay Somalia iyo Kenya.

    SafiirkaDFS Md. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadla ayay Munaasabadda dib u furis ta Xarunta Safaaradda ayaa soo dhaweynayay dib u furista Safaaradda, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii labada dowladood ka dhex jiray.

    Waxaa uu sheegay Safiir Tarsan in Safaaradda inay dib u bilaabeyso shaqooyinka ay u qabaneysay bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya, isla markaana xiriirka ka dhexeeya 2da dal uu yahay mid soo jireen ah oo si fudud u kala go’i karin.

    Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa Ca rrabka ku dhuftay in maalinta Isniinta ee soo socota ee 7kan ay rasmi ah u bilaaban doonaan shaqooyin ka ay Safaaradda Kenya u heysay shacabka Sooma aliyeed, wuxuuna xusay inay shacabka heli doonaan adeegyada ay u baahan yihiin.

     Muddo ku dhow 6 bilood oo xiriir ah ayaa waxaa xummaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, hayeeshee labada dowladood ay dib u ce liyeen xiriirka, isla markaana xal laga gaaray khilaaf kii jiray, dibna u furay Safaaradahooda ee Muqdisho iyo Nairobi.

Baarlamaanka Puntland Oo Shalay Ansixiyay Xisaab-Xirka Miisaaniyadda 2020

     Xildhibaanada Baarlamaanka D/G/Puntland ayaa Shalay M/ Garoowe ee Xarunta G/Nugaal ku yee shay kulankii 9-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Baa rlamaanka.

    Kulanka oo ay shir guddoominayeen Guddoomiya ha G/Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna we hliyaan G/ku-xigeenkiisa 1&2aad ee Cabdicasiis C/hi Cusmaan & Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa wax aa uu Ajendihiisu ahaa ka doodista Xisaab-xirka San nad Maaliyadeedka 2020.

    Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Xildhibaan ada ayaa Akhrinta 2Aad ku soo sameeyay Xisaab-xi rka sanadka Maaliyadeedka, isla markaana Warbixi ntooda la wadaagay Golaha.

    Dood iyo Falanqeyn kadib waxaa Xubnaha Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2020, iyadoo ay oggolaadeen 44 Xildhi baan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan, mana jirin cid diiday.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadla yay Arrimaha Shidaalka

      Wasiirka Wasaaradda Bartoolka & Macdanta ee XFS Md.Cabdirashiid  Maxamed Axmed ayaa Caa simadda dalka Suudanka koonfureed ee Jubba wa xaa uu uga qeyb galay shir loo ga hadlayay horumar inta Shid aalka & Tamarta.

Shirka oo ay soo qabanqaab say shirkadda Capit al Ene rgy & Power ayaa waxa a goobjoog ka ahaa wafdi ka socda W/Batroolka ee dalalka, Su udaan ta Koonfureed, Kenya, Somalya & dalal kale, kuwaas oo is dhaafsaday fikrado.Guddiyada Doorashooyinka Dalka Oo Shalay Tababar Loo Soo Xiray

      Wasiiru-dowlaha Xafiiska R/wasaaraha XFS Md. Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa soo xiray tababar mu ddo 3 cisho ah u socday Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

      Wasiiru dowlaha Xafiiska RW/raha oo ka hadlaa yay kulan lagu soo xirayay tababarka ayaa kula dar daarmay inay ilaaliyaan daah furnaanta doorashada iyo in si cadaalad ah ay u gutaan waajibaadka loo ig maday.

      "Waxaan filayaa inaad aad uga doodeen daah fu rnaanta, cadaaladda iyo hufnaanta doorashada, qof waliba oo Soomaali ah Shalay cidda uu soo eegayo oo uu rajada weyn ka qabo, doorashada Qaranka min Madaxweyne ilaa iyo Xil dhibaannada 2da Aqal dad ka looga fadhiyo ee martida looga yahay waa dadkiina halkan fadhiya” ayuu yiri Ca bdixakiin Xasan.

     Wasiiru dowlaha ayaa Guddiga u sheegay inay horyaalan shaqooyin farabadan oo ku aadan doora shooyinka dalka ka dhacaya oo ugu horreeyso diy aarinta Jadwalka doorashada oo faah faahsan iyo Arrimo kale oo muhiim ah qabsoomida doorashada.

       "Dadkii masiirka Ummaddaas hagi lahaa, isku to osin lahaa dad wax gal ah inay ka soo baxaan laga rabo ayaad tihiin, cidda idin wehlisa waa ergada oo aad ku leedihiin kalimad idinka oo la kaashanaya Ma amulada iyo cid waliba oo shaqo ku leh arrimaha do orashooyinka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiiru dowlaha.

      Isagoo xusay in guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khikaafaadka ay saarantahay mas’uuliyad ad ag, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay si cada alad ah uga soo dhalaali doonaan mas’uuliyadda loo igmaday.

Ex Xildhibaan Cumar Balash oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Baay

      Madaxweynaha K/Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Cumar Cali Isaaq (Cu mar Balash) u magacaabay inuu noqdo Gudoomi yaha Gobolka Baay.

     Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Gudoomiy ihii G/Baay, Cali Wardheere Cabdiraxmaan (Cali Do oyow) oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay hayay xilk aasi.

 Qoraal ka soo baxay Madaxtooya da Koonfur Galbeed ayaa lagu yiri "Mada xweynaha DGKGS Md. Lafta-gareen ay aa Cumar Cali Isaaq (Bal ash) u maga caabay Gudoomiyaha G/ Baay.”

    Cumar Balash ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirs an Baarlamaankii 1aad ee K/Galbeed

Dalal Ay Ku Jirto Somalia Oo Lagu Daray Liiska Mareykanka Ee Askareynta Carruurta

    Waaxda Arrimaha Dibedda ee Marayklanka wax ay dhawaan soo saartay Liiska Tahriibinta Dadka ee sanadkan 2021-ka.

 Warbixinta oo la soo saaray Arbaca dii la soo dhaafay waxaa lagu soo ban dhigay 15 Waddan oo ay Somalia ka mid tahay ku dartay Liiska Sharciga Ilaalinta Xuquuq da Aadanaha ee (CSPA) ee Askariyeynta Carruurta oo qeybta ka ah Warbixin Sanadeedka Waaxda Arr imaha Dibedda Maraykanka ee dalalka ku lugta leh Tahriibinta Dadka ( Trafficking in Person (TIP).

     Liiska Dalalka ay Waaxda Arrimaha Dibedda Ma raykanka soo saartay waxay kala yihiin:- Somalia, Syria,Yemen,Turkiga,Pakistan,South-Sudan,Afgani stan,Iran,Iraq,Mali, Nigeria, Venezuela, Libya, Burma  iyo Kongada Dimuqraadiga.

Xog ku saabsan dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda                              Faah-faahino ayaa laga helayaa dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceela sha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

    Dilalkaan mas’uuliyadooda waxaa sheegtay daga alamayaasha Al-Shabaab, waxaana loo geystay as kar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Soomaaliya.Al-Shabaab ayaa sheegtay inay Shalay degmada Kaaraan ku dileen Shariif Muxudiin oo ahaa askari ka tirsanaa ciidanka minishiibiyada ee dowladda So omaaliya canshuuraha uga uruuriya guryaha, kaas oo dableydii dishay ay horay u sii qaateen qorigiisii.

     Dhanka kale askari ay tilmaameen inuu ka tirsa naa sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayey kooxdani sheegatay inay ku dishay deega anka Ceelasha Biyaha ee duleed ka magaalada Muqdisho.

    Qoraal ka soo baxay Al-Shaba ab waxaa lagu sheegay in askariga ay ku dileen Ceelasha Biyaha uu ka tirsanaa qeybta dharcadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka.

        Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay aan dhankooda wax war ah kasoo saarin dilalkaan.

       7aadyadii u dambeeyey waxaa batay weerarra da tooska ah, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay fulineyso kooxda Al-Shabaab, waxayna Dorraad oo u dambeysay qarax ismiidaamin ah ka fulisay gudaha caasimadda Muqdisho, kaas oo sababay dhimasha da ku dhawaad 10 qof oo askar u badan iyo dhaawa ca tiro kale

Xukuumadda Oo Guddi U Magacaawday Horumarinta Afka Soomaaliga

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda xilgaarsiinta Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa Guddi KMG u ah u magacaabay hurumarinta Afka Soomaaliga.

     Wareegto uu soo saaray Wasiir Ca bdullaahi Ca rab ayaa lagu magacaab ay Guddigaan horuma rinta Afka Soo maaliga oo ka kooban 27-xubnood, kuwa asi wax ka qaban doona dhibaatooyin ka heysta Afka Soo maaliga.

    Sababta keentay magcaabista Gu ddiga ayaa waxaa  lagu sheegay inay tahay ba ahi loo qabo wax ka qaban doona dhibaat ooyinka Af ka Soomaaliga, isla markaana la doona yo in lagu ho rumariyo Akadeemiyadd Goboleedka Af-Somaliga.

      Wasiir Eng C/hi Abuukar Xaaji, C/hi Carab ayaa Guddoomiyaha Akadeemiyadda Fanka, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Wasiiru dowlaha Waxbar ashada ayaa laga codsaday inay la shaqeeyaan xub naha la magacaabay.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay


Gabar Soomaaliyeed oo ku tartamaysa Feerka Ciyaaraha Olombikada

     Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa mar kii ugu horeysay ka qeybgalaysa tartanka ciyaaraha Olombikada iyadoo u tartamay sa tartanka feerka.

     Gabadhan Soomaaliyeed Ramli Cali ayaa Shalay ku sha acisay Twitter-ka inay u soo baxday Ciyaaraha.

    Waa haweeneydii ugu horreysay ee abid Sooma ali ah oo si xirfadaysan feerka u soo gudubto iyadoo leh rikoor 3-0 ah.

     Tartanka Olombikada sanadkan oo dhowaan ka furmaya dalka Japan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaysa Munira Warsame oo meteleysa qaranka Soomaaliyeed iyagoo ku tartamaysa Taekwondo.

  



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip