Farmaajo;"Dalkaan waxaa isku haya Wadani iyo Qabyaalad"

0
Thursday July 01, 2021 - 13:28:59 in Wararka by
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo;"Dalkaan waxaa isku haya Wadani iyo Qabyaalad"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ku aaddan 1-da luuliyo u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u weyneeyeen, uguna dabbaal-degeen 61-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobollada dalka iyo Midowga labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfuree gumeystuhu uu kala qeybiyey.

     Maxamed CabdulaahI Farmaajo ayaa qudbadiisa waxa uu inta badan ugaga hadlay qabyaalada iyo wadaniyada isagoo sheegay in dalka ay isku haystaan wadaniyad iyo qabyaalad.

   

     "Dalkan waxaa isku hayey labo aragtiyood xilligii gumeystaha, waxa ayna kala ahaayeen qabyaaladda iyo Waddaniyadda, waxaana guuleystay waddaniyadda oo dhalisay gobanimo, midnimo, dowladnimo, sharaf iyo qarannimo buuxda, taas oo ku timid naf-hurnimada halgameyaashii Soomaaliyeed ee ka adkaaday afkaartii gumeystaha. Maantana wali waa ay nooshahay aragatida waddaniyadda.”

      Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay ku fara adeygaan midnimada, wadajirka iyo qarannimadooda oo ah tan kaliya ay kula tartami karaan dhiggooda caalamka isaga oo u tusaaleeyay dhibaatooyinkii laga dhaxlay qaran jabkii nagu dhacay oo ay sababtay qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta shacabka Soomaaliyeed.

     Khudbada Farmaajo ee uu maanta jeediyay ayuusan ku soo hadal qaadin marxalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka wadanka uu galayo.

Munaasabada sanadguurada 61aad ee xoriyada dalka















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip