Haweeney la sheegay in ay 10 carruur ah dhashay oo beenowday

0
Thursday June 24, 2021 - 10:04:43 in Wararka by
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney la sheegay in ay 10 carruur ah dhashay oo beenowday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in haweeney dhowaan sheegatay inay dhashay toban carruur ah aysan weligeed uur qaadin ilmana dhalin lana dhigey hadda isbitaal cudurada dhimirka lagu daweeyo.

Sida ay qoreen wakaaladaha wararka dalka Koofur Afrika Gosiame Thamara Sithole, oo 37 jir ah ayaa la geeyay qeybta dhimirka ee isbitaalka Tembisa magaalada Johannesburg waxaana baaray dhakhaatiir caafimaad.

    Baaritaan caafimaad ee lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday inaysn weligeed uur yeelan,waxaana laga waayay calaamado muujinaya in qaliin caloosha ah lagu sameeyay weligeed.

Weriyihii billaabay warkan ee sii faafiyay, Piet Rampedi, ayaa hadda wajahaya xaalado adag – Maamulka Gobolka wuxuu amray in dacwad sharci ah lagu oogo weriyahaas.

Rampedi waa saxafiga qoray warbixinno badan oo uu ku sheegay in Sithole ay dhashay 10-canug oo mataane ah, ayna jebisay rikoorkii caalamka.

Waxaa wararkaas sii qaatay warbaahinta caalamka, oo daafaha dunida ku sii faafiyay. Waxaana bilowday ololeyaal tabarrucaad loogu uruuriyay lamaanahaas.

Balse, shakiga wuxuu bilowday markii Rampedi uu keeni waayay magaca isbitaalka ay carruurta ku dhasheen. Isbitaallada gobolkaas ayaana beeniyay in haweeneydaas ay xaruntooda ku dhashay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip