Sheekh UMAL oo soo saaray shan qoddob oo looga hortagayo afduubka ka billowday Nairobi

0
Wednesday June 23, 2021 - 18:08:34 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh UMAL oo soo saaray shan qoddob oo looga hortagayo afduubka ka billowday Nairobi

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada Soomaalida ayaa ka hadlay falalka afduubka ah ee muddooyinkii dambe kusoo badanayey dalka Kenya, kaasi oo lagu kacay dad dhowr ah oo u badan Haween Soomaali ah.

Sheekh Umal ayaa ugu horeyntii ka digay buun-buuninta falalka noocaas ah, midaasi oo uu sheegay inay ka dhalan karto cabsi iyo wel-wel ka badan isla dhacdadaas.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay raacan 5 qoddob oo tallooyin ah si looga hortago Afduubka kusoo cusboonaday magaalooyin kamid ah dalka Kenya,kuwaasi oo kala ah;

  • In qof kasta uu afka ku hayo xuska Alle iyo ducada oo uusan ka bixin, lagana tegin xirsi-xirka – isagoona soo jeediyay in la baro dumarka iyo carruurta ducooyinka iyo adkaarta.
  • In lala dagaallamo shabakadaha afduubka geysta, islamarkaana laga wacyi-geliyo dhibaatadiisa dadweynaha.
  • In qof kasta uu ka feejignaado oo uu iska ilaaliyo goobaha halista ah iyo in qofka inuusan socon xilliyada qaar.
  • In aanan marnaba la bixinin madax-furasho, taasi oo horseedi karta haddii la fuliyo inay sarre u kacaan falalka afduubka ah.
  • In marnaba aan gabaad la siin dadka afduubka geysta.

Falalka afduubka ayaa kusoo badanayey dalka Kenya, gaar ahaan caasimada, ayada oo booliska ay saddex cisho ka hor soo bad-baadiyeen gabadh kamid aheyd dad lagu afduubtay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Waxaa cabsi weyn soo food-saartay Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan haweenka, tan iyo markii ay soo baxeen dhacdooyinka naxdinta leh ee afduubka ah.

Sheekh UMAL oo soo saaray shan qoddob oo looga hortagayo afduubka ka billowday Nairobi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip