Xog: Isbedel lagu sameynayo jadwalkii doorashada ee horey loo dejiyey + Sababta

0
Wednesday June 23, 2021 - 14:57:35 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Isbedel lagu sameynayo jadwalkii doorashada ee horey loo dejiyey + Sababta

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xog ay Sheegtay in ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in shirka uu Sabtida shaaciyey ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ee ay iskugu imaanayaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran in wax ka bedel lagu sameyn doono Jadwalka doorashada.

Shirka Sabtida ayaa sida uu qorshuhu yahay waxay madaxda kaga wada-hadli doonaan howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelinta shaqooyinka harsan oo qaarkood muddo dhaaf ku imaaday.

Xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa qorsheynaya in shirka Sabtida uu madaxda usoo bandhigo in muddo cusub lagu daro middii hore loo cayimay ee dhigeysay in doorashada ku qabsoomto 60-maalmood gudahood, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan xafiiska Rooble.

Soo jeedinta xafiiska Rooble oo maan-gal ah ayaa u muuqaneysa xiligan in madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku raaco, maadama uusan xiligan jirin khilaaf weyn oo sababi kara in madaxdu ay ka hor-imaadan muddo kordhinta jadwalka doorashada.

Jadwalka cusub ee doorashada ayaa waxaa si wada-jir ah loogu soo saari doona shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaasi oo ay iskugu imaanayaan Ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan dadaal xoogan ugu jira sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, ayada oo ay weli jiraan caqabado kooban oo ku hor-gudban, kuwaasi oo qaarkood laga gudbay, isagoona ku guuleystay dib usoo celinta kalsoonidii dhinacyada isku hayey doorashada.

Xog: Isbedel lagu sameynayo jadwalkii doorashada ee horey loo dejiyey + Sababta

Xigasho:-caasimadda.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip