Al-Shabaab Oo Xukun Ku Fulisay Nin Gowracay Hooyadiis Iyo Walaalkiis

0
Wednesday June 23, 2021 - 13:10:28 in Wararka by
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Xukun Ku Fulisay Nin Gowracay Hooyadiis Iyo Walaalkiis

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay goob fagaare ah oo ku taalla deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan xukun dil toogasho ah kula fuliyeen Nin lagu eedeeyay inuu horey u dilay hooyadiis iyo walaalkiis.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu xukunka ka dhacayay oo ku taalla degaanka Shaw ee Hiiraan, si u daawadan dilka toogashada ee lagu fuliyay Ninkii dilay hooyadii dhashay iyo walaalkiis.

      Ninka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Calasoow Cabdi, isagoona horey gowrac ku dilay hooyadiis Xaliimo Cusmaan Cumar oo 72 sana jir aheyd iyo walaalkiis Macallim Maxamuud Calasoow Cabdi.

Al-shabaab ayaa sheegtay in falka uu Maxamed Calasoow ku gowracay hooyadiis iyo walaalkiis ay ka argagaxeen dadka deegaanka uu falkaas ka dhacay oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa gudaha Soomaaliya kusoo badanayay falalka argagaxa leh, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay dhowr jeer xukuno dil toogasho ah ku fulisay rag geystay falal dadka deegaanada ay ka taliyaan ku abuuray Aragax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip