Turkey oo war cusub kasoo saartay xarunta ay Soamaaliya ka sameyneyso ee laga diri doono dayax-gacmeedyada

0
Wednesday June 23, 2021 - 15:05:56 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkey oo war cusub kasoo saartay xarunta ay Soamaaliya ka sameyneyso ee laga diri doono dayax-gacmeedyada

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowladda Turkey ayaa wada-hadallo kula jirta saddex dal, ayada oo raadineysa in laga caawiyo qorshe ay Soomaaliya uga dhiseyo xarun laga diro dayax-gacmeedyada, sida uu sheegay madaxa hay’adda

Serdar Huseyin Yildirim, oo ah madaxa hay’adda hawada sare u qaabilsan Turkey ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik isaga oo ku sugan magaalada Saint Petersburg oo 14-kii illaa 18-kii June lagu qabtay shirka caalamiga ah ee sahminta hawada sare

Inkasta oo uusan sheegin saddex dal ee ay Turkey la hadleyso, haddana hadalladiisa ayaa waxaa laga fahmay in Russia ay tahay mid ka mid ah.

"Waxaan Ruushka kala shaqeyn karnaa dhinacyo badan, mid ka mid ah waa xarun laga diro dayax-gacmeedyada. Waxaan kala xaajoonay suurta-galnimada ah in Ruuska ay gacan ka gaystaan dhismaha xaruntan. Khibrad weyn ayey u leeyihiin dhinacan,” ayuu yiri Yildirim.

Bishii Febraayo ayaa waxaa lagu warramay in Ankara ay ka fakareyso inay Soomaaliya ka dhisto saldhig laga diro dayax-gacmeedyada oo ku kacaya hal bilyan oo dollar, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka sahminta hawada sare.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay qorsheyneyso inay dayaxa sare tagto 2023, markaasi oo ku beegan 100 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda.

Turkey ayaa dhistay hay’ad qaabilsan hawada sare bishii December 2018. 2020-kii waxay ku dhowaaqday inay horumarisay gantaal hawada sare loo diri karo, kaasi oo ay sameysay shirkad qandaraasle ah oo lagu magacaabo Roketsan.

Waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay cir bixiyeeno u dirtay saldhigga hawada sare, ayna dirto satellite u gaar ah, si ay u aas-aasto nidaamka meeleynta caalamiga ah ama la yiraahdo GPS (Global Positioning System).

Turkey oo war cusub kasoo saartay xarunta ay Soamaaliya ka sameyneyso ee laga diri doono dayax-gacmeedyada





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip