Go'aan Laga Soo Saaray Shir Looga Hadlay Amniga Oo Ka Dhacay Baydhabo

0
Wednesday June 23, 2021 - 14:53:09 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aan Laga Soo Saaray Shir Looga Hadlay Amniga Oo Ka Dhacay Baydhabo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha Maamulka Galmudug Isaaq Cali Subag ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha amniga Maamulkaas oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha laamaha Amniga qeybahooda kala duwan iyo Saraakiil ka socday Beesha Caalamka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay qaar kamid ah saraakiisha laamaha Amniga, waxaana ay sheegeen in Ciidanka ay ku jiraan howlgalo lagu sugayo Amniga degaanada Koonfur Galbeed oo lagagana hortago falalka Al-Shabaab ka geestaan Gobolada Maamulka iyo Magaalada Baydhabo.

 Shirka ayaa inta uu socda lagu go’aamiyey in la bilaabo Howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo lagaga saarayo goobaha ay kaga sugan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Isaaq Cali Subag ayaa Saraakiisha laamaha Amniga uga mahadceliyey dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Amniga Deegaanada maamulka, waxaana dhanka kale uu dhiirri-geliyey Beesha Caalamka dadaalka ku bixiyeen nabadeynta iyo horumarada dowlad goboleedka KG ku tilaabsatay.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip