Ciidanka Haramcad Oo Gacanta Ku Dhigay Xubno Hubeysan Iyo Gaari Ay Wateen

0
Wednesday June 23, 2021 - 12:20:01 in Wararka by
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Haramcad Oo Gacanta Ku Dhigay Xubno Hubeysan Iyo Gaari Ay Wateen

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee Haramcad iyo Al-shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu bilowday ka gadaal markii xubno ka mid ah Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Bar koontarool oo Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi gaar ahaan halka laga ilaaliyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

     Saraakiil ka tirsan Haramcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Shabaabka, isla markaana uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray dhinacyada, wallow markii dambe xaaladda ay si caadi ah kusoo laabatay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen saddex kamid ah xubnihii weerarka ku qaaday Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Barta koontarool ee ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi, iyagoona soo bandhigay gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA oo qabsadeen.

Si kastaba Al-shabaab ayaa horey weeraro isugu jiray kuwo toos ah iyo Qaraxyo khasaaro dhaliyey ku qaaday Injineero Turki ah iyo Ciidanka Booliska Haramcad oo ku sugnaa wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip