HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 23-JUNE 2021

0
Wednesday June 23, 2021 - 08:08:56 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 23-JUNE 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Rooble oo Shir isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyadda

R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.Shirka Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Kulankaan ayaa lagu waddaa in ay kasoo qeyb galaan dhammaan Madaxda maamulada , waxaana loogu gaari doona Arimo muhiim ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay in Madaxda maamulada qaarkood ay waddaan dadaallo ay ku doonayaan in hal magaalo lagu soo koobo doorashooyinka maamul goboleedkaste.

Qaban-Qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda Oo Ka Socota Dalka

Xuska toddobaadka maalmaha xorriyadda ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan

dalka guddiga qaban-qaabada xuska todobaadka maalmaha xorriyadda ee uu magacaabay ayaa wada diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee Xuska toddobaadka.

Suuqyada magaalooyinka waaweyn ayaa laga dareemayaa saxmada maalmaha xorriyadda sidoo kale wadooyinka ayaa lagu arkayaa sameecadaha iyo shaashadaha lagala socon doono xafladdaha xuska toddobaadka maalmaha xorriyadda, xarumaha muhiimka ah sidoo kale wadooyinka waaweyn ayaa lagu arkayaa calanka Soomaaliya oo si farshaxamaysan loogu sawiray goobaha qaarna la dul suray.

Toddobaadka maalmaha xorriyadda Soomaaliya ayaa ka bilowda 26-kii June 1960 oo goboladii waqooyiga ka hoos baxeen xukunka maxmiyadii Boqortooyadda ingiriiska, ka dib markii halgan xornimo u dirir boqortoyadu kala kulantay shacabka deeganadaas oo uu hormuud u ahaa xisbi Siyaasadeedkii ugu horeeyey oo la Aasaasay dhulka Soomaalida sanadii 1935 ee SNL.

Sidoo kale gobolada koonfurta ay xorriyadooda ka qaateen 1-Julay 1960, Gumaystihiii Talyaaniga, dalka Jabuuti yahay goobtii ugu dambaysay ee dhul Soomaaliyeed xorriyad qaadata iyadoo maalinta 27-June 1977 xorriyadooda ka qaatay Gumaystihii Faransiiska.

Go’aan lagu gaaray wada-hadallo dhex-maray ROOBLE iyo madax goboleedyada

Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho oo aan kulmin wixii ka dambeeyey markii uu dhacay heshiiskii doorashada ee la kala saxiixday 27-kii May ayaa Habeen hore shir ku yeeshay qadka Zoom-ka.

Shirkaas waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa qabsoomidda doora shooy inka dalka, iyadoo la iska xogwareystay wax yaabaha ka qabsoomay illaa hadda heshiiskii ay wada gaareen madaxdu.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah u ah shirkaas madaxdu waxay ku go’aamiyeen in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay shir isugu yimaadaan, kaas oo ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Shirkaas waxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban ra’iisul Wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoominaha gobolka Banaadir uga wadahadli doonaan dardar gelinta doorashada dalka.

Shirka Sabtiga ka furmaya Muqdisho waxaa hor tegi doona guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la shiri doona dhamaan xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sidoo kale xogta aan ka helnay shirkii Habeen hore waxay sheegeysaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu magacaabi doono guddi dib u heshiisiin ah, kaas oo heer wasiirro ah, waxaana xubnaha guddigaas laga soo kala xuli doonaa xukuumadaha dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland.

Guddigaas wasiirrada ah waxaa loo diri doonaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxayna kasoo tala bixi doonaan qaabka loo xalin karo is-mari waaga maamul ee ka jira gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Lix wareegto oo uu Farmaajo saxiixay oo sharci-darro laga dhigay

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga digay, sharci-darana uga dhigay lix wareegto oo uu sa xiixay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dha maaday, kuwaasi oo qaarkood wax ka bedel uu ku sameeyay.

Waraaq ka soo baxday xa fii ska guddoo miyaha oo si gaar ah ugu socotay R/ wasaaraha, madaxda D/G/dyada, bee sha caalamka, mucaaridka iyo bulshada rayid ka, ayaa waxaa looga horyimid shuruucdaasi oo aan la horgeyn Aqalka Sarre, islamarkaana uu saxiixay Farmaajo.

"Goluhu wuxuu si dhow ula socdaa islama rkaasna diiwan-geliyay dhamaan isku-dayo war eegtooyin ah oo lagu dhaqan-gelinayo shuruuc laguna sameynayo hay’addo khilaafsan Dastu urka KMG ah, kuwaas oo aan soo marin Aqal ka sare,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday ku eedeyay guddoon ku "ku tumasho sharci iyo jabinta hanaanka das tuuriga ah ee xeer-dejinta dalka”.

Lixda sharci ee uu saxiixay Farmaajo, isla markaana uu kasoo horjeedo Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa kamid ah guddiga madax-ba naan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, Ansix inta wax ka beddelida qoddob kamid ah sharci ga lagu dhisay guddiga madaxa-banaan ee doo rashooyinka qaranka.

Golaha Aqalka Sarre ayaa dhamaan hay’a daha dowladda federaalka iyo dowladaha xub naha ka ah DF iyo beesha caalamka ku wargel iyay inay sharci darro tahay la macaamilka ha y’addahaas, kuwaasi oo lagu dhisay hanaan B/ Dastuurka KMG ah, sida uu sheegay.

"Goluhu wuxuu uga digayaa dhammaan hay ’adaha ku magacaaban wareegtooyinkan shar ci-darrada ah inay ku howl-galaan ama ku sha qeeyaan wareegtooyinkaasi ayna ilaaliyaan dastuurka iyo xeerarka dalka,” ayaa ugu dambe yntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska G/iye Cabdi Xaashi.

Hoos ka aqriso wa raaqda uu soo saaray Cabdi Xaashi iyo Lixda Sharci ee uu ka digay

Cabdi Xaashi Oo Ka Digay Ku Dhaqanka Shuruuc Ay Ansixisay Xukuumadda Xilgaarsiinta

Guddoomiyaha Aqalka

Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa digniin ka soo saaray ku dhaqanka shuruuc iyo dhisma ha hey’addo sharci darrro uu ku sheegay, oo aan soo marin Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo saaray Qoraal uu kaga hadlayo arrimahaasi ay aa sheegay in ay jiraan illaa lix sharci iyo hey’ ado la ansixiyay intii ay jirtay Xukuumadda Xil gaarsiinta, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo sharciga baalmar san.

Hoos ka akhriso Qoraalka Guddoomiye Cabdi Xaashi


xaguu marayaa dagaalka culus ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe?

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soom aaliyeed G/Sare Cali Xaashi Cabdi oo warb aahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalka u dhexeeya Militeriga Soomaaliya iyo dagaalamayaa sha Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa haatan guluf dagaal oo xoog leh ka wada gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana ci idanka hor-kacaya Taliyaha guud ee Militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage.

Afhayeenka ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyey ay kooxda ka dileen ku dhawaad 20 dagaalame, isla markaana ay kala wareeg een deegaano dhowr ah, sidoo kale waxa uu sheegay in dad shacab ah oo ay Al-Shabaab dhibaateeyeen ay gargaar u fidiyeen.

"Howlgalladii maalmahaan ka socday Sh/ Dhexe deegano badan ayaan ku xoreynay, Dorraad iyo Shalay dagaalku waxa uu ka socd ay deegaanada Araxley, Cali-fooldheere iyo Qu rac-madoobe, intaas waa dhul keyn ah oo aad ay ugu dhoomaaleysan jirtay kooxdu, waxaan ku dilnay 17 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, welina dagaalku waa socdaa,” ayuu yiri Cali Xaashi Afhayeenka ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu sheegay in hadafkooda uu yahay in guud ahaan gobolka Shabeellada Dhexe laga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in ciidan boolis ah oo ka socda dowlad goboleedka HirShabeelle ay qeyb ka yihiin howlgalka,.

"Go’aanka ay qaadatay wasaaradda gaa shaandhigga, si gaar ah Taliyaha ciidanka xoo gga dalka Odawaa Yuusuf Raage, waa in naba diidka Al-Shabaab laga xoreeyo gobolkaan iyo guud ahaa wadanka oo dhan,” ayuu yiri Afhay eenka Militeriga Soomaaliya G/Sare Cali Xaa shi Cabdi.

Deegaano badan oo muhiim ah oo dhaca G/SH/Dhexe ayaa 7baadyadii u dambeeyey ka baxay gacanta Al-Shabaab, waxaana guud ah aan gobolkaas ka bilaawday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo furimaha hore ee daga alka lagu arkay Odawaa Yuusuf Raage oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidanka xoogga dalka.

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo War Kasoo Saaray Dilkii G/Faarax Diir iyo ahayeen G.Hiiraan oo sheegay in dadloo qabtay

Madaxweynaha D/G/Hirshabeelle Cali C/hi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay dil Habeen hore M/ Baladweyne loogu geystay G/yihii dhalinyarada G/ Hiiraan ee Maamulkaas.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray Ehelada Marxuum Faarax Cabdi Cali Fa arax Diir G/yihii Ururka Dhallinyarada G/Hiiraan oo koox hubeysan ku dileen xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa Tilma amay in marxuum faarax a haa haldoorkii Dhalinyarada iyo isku haye bulsho, isla ma rkaana waxaa uu faray hay’a da Amniga inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambeysay dilka Faarax Diir Raggii ka da mbeeyay dilka Guddoomiyihii dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa falka kadib goobta si dha qsi ah uga baxsaday, waxaana markii dambe halkaas tegay oo qaaday Meydka Ciidanka am niga iyo qaar kamid Eheladiisa.

Dhinaca Kale Wararki ugu danbeeyena EE inaga soo gaara Bladweyne ayaa sheegayaan in Dad la soo qab-qabtay Dilkii Marxuum Faar ax Diir Cabdi sida uu Afhayeenka maamulka GHiiraan, Md.Cabdi Muumin Cilmi ayaa faah fa ahin ka bixiyey howl-gallo ciidamada ammaan ka ay ka sameeyeen magaaladaasi, kadib dilkii Habeen hore loo geystay guddoomiyihii ururka dhalin yarada gobolkaasi, Marxuum Faarax Diir Cabdi, kaas oo ay toogasho ku dileen rag hube ysan oo goobta ka baxsaday.

Muumin ayaa shaaca ka qaaday in tiro dad ah oo tuhun-sanayaal ah loo soo qabtay dilka loo geystay guddoomiyihii hore ee ururka dhali nya rada gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan dad ka lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, kuwaas oo lagu xiray saldhigga Beledweyne. "Mar haddii uu shil meel ka dhaco waxaa loo soo qabtaa cid walbo oo laga shakiyo, balse baaritaanka ayaa lagu kala saaraa, wayna jiraan dad loo soo qab-qabtay dhacdadaasi oo tuhun-sanaya al ah ,” ayuu yiri afhayeenka maamulka G/Hiiraan, Cabdi Muumin.

Allaha u naxariistee Faarax Diir ayaa Shalay Aas loogu sameeyey gudaha M/ Beledweyne, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin kala du wan iyo boqolaal dadweyne ah.

Dilka loo geystay marxuumka ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha M/B/weyne

Soomaaliya oo kaalinta 1aad ka gashay liis cusub oo ay soo saartay QM

Qaramada Midoobay ayaa soo saartay war bixin ay kusoo bandhigtay waddamada ugu hal ista badan oo ay carruurta ku noolaadaan, wa xaana liiska kaalinta koowaad ka galay Soom aaliya, ayada oo ay kusoo xigaan Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu she egay colaadaha ugu halista badan oo ay waja haan carruurta 60% ay ka dhaceyn wadamada Soomaaliya, Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya, waxaana wadamadaan lagu sumtay inay ku jiraan liiska madow, waxaana jiro wadamo kale oo ay ka dhaceyn dhibateynta carruurta 40% si da lagu caddeeyey diiwaan gelinta lasoo uruur iyey.

Sida ku xusan warbixinta, in ka badan 3,200 oo caruur ah ayaa la xaqiijiyay in lagula afduub ay xaaladaha dagaalada sanadkii 2020, ugu ya raan 1,268 waxay ahaayeen dhibanayaal tacad iyada galmada.

Dambiyaddiiugu xumaa ayaa, sida ku cad warbixinta, waxay ka dhaceen Soomaaliya oo ay ka jiraan xadgudubyadii ugu badnaa illaa iyo hadda, iyaddoo Al-Shabaab ay tahay cidda ugu badan. Soomaaliya oo kasoo kabaneysa colaa dda ayay warbixintu si cad u sheegtay in hour mar kooban laga sameeyay gabbaad-siinta dhalinyaradda, balse aysan muuqan dedaalo abaabulan. Myanmar ayaa sidoo kale, kaalinta 1aad kaga jirta liiska xadgudubyada waaweyn, oo ay ku jiraan tirada ugu badan ee carruurta la askareeyay lana isticmaalay, halka Yemen ay ka mid tahay tirada ugu badan ee carruurta la dilo ama la naafeeyo.

Afgaanistaan, waxay sheegtay warbixinta, in Taalibaan ay mas’uul ka tahay saddex-meel ood 2meel xadgudubyada, dowladda iyo malee shiyooyinka dowladda taageera inta kale.

"Carruurtu hadda kadib ma noqon karaan mu dnaanta ugu dambeysa ee ajandaha caalamiga ah ama kooxda ugu yar ee la ilaaliyo ee shakhs iyaadka ku sugan meeraha,” ayay tiri Virginia Gamba, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Mido obay u qaabilsan carruurta xilli ay la hadleysay warbaahinta kadib markii lasoo bandhigay wa rbixintaan.

"Waxaan u baahanahay inaan siinno caruur ta bedelida rabshadaha iyo xadgudubka. Wax aan u baahanahay nabad, ixtiraamka xuquuqda carruurta iyo dimuqraadiyadda.” Ayey markale tiri. Gamba waxay sheegtay in xadgudubyada u gu ballaaran ee dhacay sanadka 2020 ay aha ayeen qorista iyo adeegsiga caruurta ee dhan ka ciidamada iyo dilalka iyo rabshadaha ay sa meeyaan kooxaha hubeysan taasoo ay ku she egtay mid cuuryaamineysa carruurta.

Muxuu yahay heshiiska dhex maray DDS Ethiopia iyo Galmudug iyo HirShabelle?

Heshiis 3 geesood ah oo ay gaareen Galmu dug, Hir-Shabelle iyo DDS ayaa la gaaray, ka as oo ku saabsan in la iska kaashado waxyabo badan oo bulshooyinka3-xda maamul dan u ah

.

3-xdaan maamul ee xuduudda leh ayaa ku heshiiyay iney iska kaashadaan la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, hara adiga TPLF iyo sidoo kale in loo midoobo isku dhacyada beelaha daga xadka saddexda maa mul. MadaxweynahaDDS Mustaf Maxamed Ca gjar ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay heshiiska.

"Wixii is riix-riix ah waa laga hadli karaa, bal se looma dulqaadan doono inay ka faa’ii'deyst aan Al-Shabaab, Haraadiga TPLF & iska hor ke enidda Beelaha, wixii isku qabsi dhul ah waa in si sharci ah loo maro mana aqbali doono gac an-qaad iyo in qalqal la geliyo xasiloonida” ayuu yiri madaxweyne Mustafa Cagjar.

Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri: Waxaa na saa ran mas’uuliyadda amniga, dhowrista Soomaa linimada, sidaas oo ay tahay waa muhiim in xo ogga la saaro ilaalinta xuduudaha oo u baahan in si gaar ah isha loogu hayo, waxaa aad usoo noq-noqonaya isku dayada Al-Shabaab oo dh aq-dhaqaaq xooggan sameynaya oo loo eke ysiinayo dagaal Beeleedyo”

Heshiiskaan 3 gees leh waxaa lagu saxiixay magaalooyinka Feer-Feer & Wardheer, waxaa na si wadajir ah u saxiixay madaxweyne Mustaf Maxamed Cagjar, madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle Yuusuf Dabageed iyo wasiirka Amniga DG/Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ballan-qaaday runta kiiska askarta la geeyey Eritrea

Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay askarta Soomaaliyeed ee tababarka loo gu qaaday dalka Eritrea iyo waxa ka jira in ci idamadaas ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dow ladda Itoobiya ku qaaday Go bolka Tigreyga.

Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World ayaa beeniyey in ciidamada Soomaaliya ay ka dagaalameen waqooyiga Itoobiya.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in nati ijada saxda ah ee ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea laga sugayo guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xuk uumadda xil-gaarsiinta M/Xuseen Rooble.

"Marin-habaabino badan way jiraan. Qaddiyada an waanu kaga hadalnay madalo kala duwan.

Si loo xaqiijiyo tani, ra’iisul wasaaraha wux uu magacaabay guddi ka kooban milatari iyo diblumaasiyiin si ay u eegaan dhacdadan ayna runta u soo bandhigaan shacabka Soomaaliy eed,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loo gu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan Q/ Mido obay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigrayga.

Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Maga alada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waq tigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan.

Dhanka kale, intii wareysiga uu socday, Ca bdirisaaq oo wax laga waydiiyey xiriirka xum aadey Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya ayaa tibaaxay in isu-soo-dhowaanshiyihii u dambeey ay ay astaan u tahay in hogaanka labada dal ay bog cusub furayaan.

"Waxa aan hadda rajeynayno waa in aan sii wanaajiyo xiriirkeena kana wadahadalno am niga, ganacsiga, isu-socodka labada shacab; labadan dal waa kuwa waligood sii ahaan do ona deris mana sii yeelan karno xiriir aan shaq aynayn. Qadiyadaha aan rabno in aan kawada hadalno waa in aan u wajahnaa si dhab ah,” ayuu yiri.

Guddoomiyihii hore ee Gedo oo shaaci yey inuu Muqdisho ugu xiran yahay hay’ada NISA

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaciyey inuu ku xayiran yahay M/Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo baaq u diray Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble. Macalimu ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda NISA ay ka dambeeyaan xayiraadiisa, isla-markaana laga hor istaagay inuu aado gobolka Gedo iyo qoyskiisa. "Waxaa nasiib daro ah ani goo ah masuul heer Jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweey ay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaa nkaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan og ahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan mad axda hayada NISA,” ayuu yiri guddoomiyihii ee maamulka gobolka Gedo.

Cismaan Nuux Xaaji ayaa xusay in tani ay muujineyso in amniga dalka aan si sax ah loogu wareejin ra’iisul wasaaraha, taasina ay beenowday, sida uu hadalka u dhigay.

"Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaa na Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nab adgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay ay san jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoo gan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii ka soo jeeday Gobolka Gedo,”.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray R//wasa are Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu guddi gaar ah u xil-saaro dhibaato uu sheegay inay ka jirto garoonka Aadan Cadde, taas oo lagu hayo mas’uuliyiinta Gedo, xildhibaanada iyo sidoo kale Senatorada kasoo jeeda gobolkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

FARRIIN KU SOCOTO XAFIISKA RW ROOBLE

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan gaar ahaan shacabka Jubaland waxaan u rajaynayaa guul barwaaqo, nabad midnimo iyo dooraaho xor ah. Waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan shac abka Gedo iyo Soomaalida ku sugan Nayroobi oo ay u dambaysay dilal qorshaysan iyo qafa alashada dad shacab u badan, kenya ha og aato in Soomaali tashan doonto oo iska caabin doonto gardaradooda haddii aysan joojin. Looma dulqaadan karo xasuuqooda, aduunki ina waa ka aamusay.

Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii naba dgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay R/ Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay bee nowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sab abtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo ha yada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jee day Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Sara akiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo.

Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul he er jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay do wladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay ha ykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtay dii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA.

BAAQ = RW ROOBLE waxaan ugu baaqa yaa in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

Sidee garbahaaray doorasho uga dhici kar taa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka aad an cade ?

Yaa masuul ka ah amniga dalka ?

Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ?

Ma Raysalwasaare Rooble baa am niga dalka masuul ka ah ?

Mise Cabdulahi Kulane ?

Jawaab baan ka rabaa xafiiska pm Rooble. Waxaana bixin doonaa waraysiyo dheeraad ah iyo macluumaad dherraad ah oo aan saxaafa da la wadaagi doono maalmaha soo socda insha allah.

Madaxweyne Saciid Deni Oo Amar Cusub Dul-Dhigay Hay’addaha Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Amar cusub oo ku socda dhammaan Golihiisa Wasiirada, Hay’addaha kala duwan ee Madaxa banaan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo kuwa degmooyinka Maamulka.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa waxaa Hay’addaha Puntland uu ku faray inay si buuxa u dhaqan-geliyaan Adeegsiga Afka Soomaaliga, isla markaana loo isticmaalo Qoraalada loo gudbinayo Bulshada.

Deni ayaa wareegtada ku caddeeyay in Adeegsiga Afka Soomaaliga loo isticmaalayo Qoraalada Xafiisyada, boorarka Shirkaddaha iyo farriimaha la gudbinayo , iyadoona amarkaas uu ku socdo Wasaaraddaha Hay’addaha kala iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo kuwa degmooyinka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay waajib tahay dhaqan-gelinta sharciga Ilaalinta Af-Soomaaliga, isla markaana muhiim ay tahay in la fuliyo amarka lasoo saaray.

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Saciid Deni.


DANAB ‘oo bur-buriyey’ saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen SH/DHEXE

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa Shalay howl-gallo ballaaran ka sa meeyeey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, iyaga oo guullo ka sheegtay.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay ku beegsadeen deegaano ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shaba ab oo ku yaalla gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in ho wl-galladaasi lagu burburiyey saldhigyo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ciidanka Danab oo hog gaaminayey dhaq-dhaqaaqyadan ayaa shaaca ka qaaday inay la wareegeen tuulooyinka Gaa leef, War Ciise, Wararaxley, Leba Buraale, Aq ab-duco iyo Galgoof oo dhammaan ka wada tir san gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyn waxay saraakiishu hoosta ka xariiqeen inay sii wadayaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan Shabeelaha Dhexe oo hoostaga maamulka HirShabelle.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheeg een ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanadaasi ay cabsi ka muujinayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay soo qaada an dagaal rogaal celis ah.

7/yadii lasoo dhaafay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qa ad ay howl-gallada ka dhanka ah Shabaab ee ay ka wadaan gobolada Shabeelooyinka.

Faah Faahin:-Haweeney Ka Tirsan Maamul Degmo Oo Lagu Dilay Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa Shalay gudaha deg mada Kaaraan ee G/Banaadir ku dilay Hawee ney la sheegay inay la shaqeyneysay Maamul ka degmadaas, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Rag watay Bastoolad ayaa la sheegay inay dileen Haweeneyda oo magaceeda lagu soo ga abiyay Suldaano, isla markaana waxaa goobta si deg deg ah uga baxsaday dadkii ka dambeey ay falkaas dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hawee neyda ay sigaar ah uga tirsaneyd Guddiga khil aafaadka Maxkamadda degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka degmada.

Habeen hore aheyd markii kooxo ku hubeysnaa Ba stoolado ay agagaarka Aargada Deyniile ku dil een Guddoomiyihii Waaxda Kurdamac ee Deyn iile oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cabdulle Cis maan (Cabdi Juge).Ciidamo ka tirsan kuwa BDF oo ku sugnaa meel ku dhow goobta uu di lka ka dha cay ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah rag gii dilay Cabdi Juge isaga oo dha awac ah, kadib markii Ciidanka ay Ninka rasas ku fureen.

Gudoomiyaha iyo labada ku-xigeen ee golaha wakiilada Somaliland oo la shaaciyey

Isbahaysiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa Shalay si rasmi ah u shaaciyey xildhibaannada ay ku heshiiyeen inay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo loolankiisa uu socday maalmihii u dambeeyay.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa isku raacay in guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland uu qaato xisbiga Waddani, halka labada kuxigeen ayagana la siiyey xisbiga Ucid.

Waxay arrintaan imaneysa shirar isdaba joog ah oo socday maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay xisbiyada mucaaridka kal hore ku kala baxeen xilalkii golaha deegaanka ee maayirada iyo ku-xigeenadooda.

Hoos ka aqriso magacyada mudaneyaasha loo doortay guddonka golaha wakiilada;

1. Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed = Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaa laga soo doortay gobolka Sool – xisbiga Waddani.

2. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax = Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha, waxaa laga soo doortay gobolka Sanaag – xisbiga Ucid.

3- Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil = Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha, laga soo doortay gobolka Awdal – xisbiga Ucid

Isbaheysiga xisbiyada mucaaradka ayaa meesha ka saaray in xisbul xaakimka Kulmiye uu xilal muuqda ku yeesho golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee Somaliland, oo aqlabiyada u badan ay lahaayeen mucaaradka.

185 Milyan oo dollar oo la siinayo Soomaali ya oo la ansixiyey iyo shacab heli doona

Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey 185 mily an oo dollar oo la siinayo Soomaaliya, ayada oo la marinayo dowladda federaalka, lacagt aas oo badankeed ay heli doonaan dadka taba aleysan ee dalka, .Mashruuca Baxnaano ee uu horey u ansixi yey Bankiga Adduunka ee lagu taageero dadka saboolka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu kordhin doonaa taageero 110 milyan oo dollar ah, taasi oo dheeri ku noqon doonta 65 milyan oo dollar oo la ansixiyey bishii August ee 2019.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Ba nkiga Adduunka, ujeedka ayaa ah in lasii wado dadaallada ay Soomaaliya ku maal-gelineyso horumarinta raasumaalka aadanaha ee dadke eda ugu baylahan.

"Taageeradeena mashruuca shabakadda ba dbaadada ee Baxnaano waxay dhameystiray saa faro-gelinta aadannimo ee lagu dhisayo adkeysiga dadka saboolka ah ee miyiga ku nool,” ayey tiri Kristina Svensson oo ah maamul aha Bankiga Adduunka ee qeybta Soomaaliya.

"Tani waxay gacan ka gaysaneysaa in la yare eyo kasoo barakaca miyiga xilliyada ay jiraan xasaradaha, taasi oo la filayo inay qafiifiso culeyska kaalmada bani’aadannimo ee xilliyada soke iyo kuwa fog,” ayey tiri.

Mashruuca Baxnaano ayaa waxaa ka faa’iideysta 200,000 oo ah qoysas sabool ah oo ay u joogaan caruur da’dooda ay ka yar tahay shan jirka, kuwaasi oo bil walba hela 20 dollar qoyskiiba, si gacan looga siiyo inay helaan cu nno, daryeel caafimaad iyo waxbarasho.

Ka sokow 185-ka milyan ee loogu talo-gal ay barnaamijka Baxnaano, Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey 75 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo lagu kordhiyey 40 milyan oo la meel-mariyey bishii June 2020 oo lagu taageerayo Soomaaliya si ay sare ugu qaaddo jawaabaha ay ka bixineyso dhibaatada ka dhalatay ayaxa ku habsaday.

Sida lagu sheegay bayaanka Bankiga Ad dduunka, ujeedada guud ee mashruucan ayaa ah in la ilaaliyo amniga cunada iyo nolosha dad ka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay ayaxa.

Lacagta loogu talo-galay jawaabaha laga bixinyo dhibaatada ayaxa ayaa waxaa la siin doonaa 150,000 oo qoys, kuwaas oo bil walba heli doona 60 dollar, qoyskiiba.

Maydka Nin u dhashay Mareykanka oo laga helay Hotel uu ku yaal Addis Ababa

Afhayeen u hadlay booliska isku dhafka ah ee Fedraalka Itoobiya ayaa sheegay in meydka muwaadinka laga helay hotel uu ka daganaa M/Addis Ababa ee Caasima dda Itoobiya.

Baaritaan ay sameeyeen ay eey sidoo kale ku heleen kaa rar cadaynaya inuu ka ga qayb galay doorasha taa soo la she egay inuu kamid ahaa korjoog tadii ka qayb gashay doorashada

Waxay kaloo heleen mid kamida sharciyadiisa gaar ahaan sharciga wadista gawaarida ama (Driving Licence) ku suntan gobolka California ee Mareekanka.

Ma jiraan summad cadayneesa dilkiisa ama jir dil ku yaal sida ay sheegeen booliska is ku dhafka balse waxay heleen dawooyin uu ist icmaali jiray ninka dhintay.

hay’adda amaanka ayaa wada baaritaano dheeraad ah oo la xiriira sababta ka dambey say dilka muwadinkan u dhashay marekanka.


Sacuudiga oo qorsheynaya isbeddel lama filaan ah oo la xiriira xeerka xilliyada salaadda

Golaha Shuurada Dowladda Sacuudi Car abiya ayaa qorsheynaya cod u qaadista ka no qoshada go’aanka ah in la xiro meelaha gana csiga ah inta lagu jiri xilliyada salaa daha sida lagu daa bacay warg eysyada ka soo baxo dalkaas.

Wargayska Okaz oo soo xiganaya ilo aan la magacaabin ayaa sheegay in talo bixinta ah inaan goobaha ganacsiga la xirin waqtiyada salaad ay soo gudbiyeen wakiilada kala ah Atta Al-Subaiti, Faysal Al-Fadil iyo Latifa Abdul Karim.

Talo soo jeedintaan ayaa waxaa wasaarad da wasaaradda Arrimaha Diinta ee Dowladda Sacuudiga looga codsaday inaysan ku qasbin goobaha ganacsiga, xurumaha Shidaalka iyo farmashiyaasha in la xiro xilliyada saalada, ma alin kasta marka laga reebo Saalada Jimcaha.

Dadka talo soo jeedintaan soo gudbiyey ay aa cuksaday dhowr sababood oo ay kamid ta hay in xiridda xarumaha ganacsiga xilliyada sal aadda ay tahay nidaam cusub oo u gaar ah bo qortooyada, taasoo aysan la wadaagin dham maan wadamada carabta iyo kuwa Islaamka intaba.

Talada ayaa lagu sheegay in go’aanka ay Boqortooyada hirgelineysay muddo tobanaan sano ah, uu ku saleysnaa sharciga mid ka mid ah hay’adaha dowladda, iyadoo talada lagu xu say in aysan jirin Aayad qur’aan ah ama Xadiith waajib ka dhigayo arrintaan.

Sidoo kale talo soo jeedintaas ayaa lagu sheegay in go’aanka ah in la xiro dukaamada in ta lagu jiro waqtiga salaadda uu dhaawacayo danaha dadka, taasoo ay ku sheegeyn inay ka soo horjeeddo nuxurka diinta.

Talooyinkaasi waxay ku yimaadeen macna ha guud ee geeddi-socodka "dib-u-habeynta” ee uu bilaabay Amiir Maxamed bin Salmaan, waxaana isbadal lagu sameeyey dhowr waxy aabood tan iyo markii uu Maxamed Bin Salman qabtay xilka loo magacaabay ee Dhaxalsugaha Boqortooyada sanadkii 2017.

Dib u habeynta uu Maxamed Bin Salman ku sameeyey Sacuudiga ayaa waxaa kamid ah in la yareeyey awooddii Hey’adda Faridda wana agga oo aheyd hey’ad awood buuxda ku leh ful inta waxyaabaha la xiriira dhanka Diinta, waxa ana laga takhalusay waxyaabo badan oo u ga ar ahaa boqortooyada oo ay ugu horeyso xag ga xorriyadda Haweenka.

Wax ka yar bil ka hor, Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay go’aan lagu xaddidayo adee gsiga sameecadaha Masaajidda, taasoo khilaaf weyn ka dhex dhalisay Sacuudiga, laakiin dowl adda ayaa ku doodday in dheereynta sameec adaha asaajidda aysan ahayn waajib, laakiin ay tahay dadaal.

WAA CUSUB OO U BILLOWDAY TURKIGA IYO MAREYKANKA

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdo gan ayaa Isniintii sheegay in Turkey iyo Marey kanka ay gelayaan "waa cusub” oo xiriirkooda ah, kadib markii xiriirka xulufadan NATO uu san adihii dhowaa u xumaaday arrimo dhowr ah.

Isaga oo ka hadlayey kulanka Golaha Wasiira da ayaa Erdogan si kastaba, waxa uu ugu baa qay Mareykanka inay xushmeeyaan xuquuqda madax-banaani ee Turkey – ayada oo ay u muuqata inuu ula jeedo go’aanka ay kusoo iib satay gantaallada Ruushka.

Erdogan ayaa hadalkan jeediyey maalmo ka dib markii uu kulankiisii ugu horreeyey ee weji-ka-weji ah la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden tan iyo markii uu xafiis ka yimid. Labada nin, oo muddo isgaranayey, ayaa ku doc kulmay shir madaxeedkii NATO ee Brussels.

"Waxaan aaminsannahay inaan xallin doon no arrimaha dhibaatada leh ee inoo dhaxeeya, ayada oo lagu saleynayo filashooyinka iyo dar eenada labada dhinac,” ayuu yiri Erdogan. "Waxaan isku racanay inaysan jirin arrimo ayn an ka gudbi karin, islamarkaana arrimaha aan iska kaashan karno ay ballaaran yihiin oo ay faa’iido badan yihiin.”

Erdogan ayaa wada-hadalladii uu la yee shay Biden ku qeexay kuwa dhameystiran oo miro-dhal ah, wuxuuna sheegay in labadooda ay isku raaceen inay mar kale kulmaan.

"Waxaan aaminsanahay inaan albaabada u furnay waa cusub oo ku saleysan niyad wana ag iyo wax dhis,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Erdogan ayaa yiri "Dalabka kaliya ee Turkey waa in la ixtiraamaa xuquuqdeeda madax-bana ani ee dhaqaale, lagana taageeraa halganka ay kula jirto ururada argagixisada ah ee ku sugan gudaha iyo dibedda xuduudaheeda.”

Abiy oo sheegay in ciidamada Eritrea & Sudan laga saarayo Itoobiya

R/wasaaraha Itooobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in ciidamada dalalka Sudan iyo Eritrea ay ka shaqeynayaan sidii looga saari lahaa dalkiisa.

Kal hore waxaa laga war qabey un in guda ha Itoobiya ay kusugan yihiin ciidamo ka socda Eritrea, kuwaasoo ka bar bar dagaalamayey ciida mada dowladda Itoobiya.

Waxaa haatan soo shaac baxay in ciidamo kale oo ka socda dalka Sudan iney iyaguna kusugan yihiin gudaha wadanka Itoobiya.

Khilaafka soohdinta ee labadda dal ee Sud an iyo Ethiopia, ayaa cirka isku shareerey, ka dib markii sidoo kale dowladda Sudan ay cod satey in ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobi yaanka ah, ee kusugan gudaha dalkeeda lagu badalo ciidamo kale.

Xilliga La Aasayo Madaxweynihii Hore Ee Zambia Oo La Shaaciyey

Madaxweynihii asaasay dalkaasi, Kenneth Kaunda oo Khamiistii hore geeriyooday ayaa la filayaa in la aaso bilowga bisha soo socota ee July.

Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda dalka Zambia waxaa lagu shee gay in Maydka Madaxw eynihii hore la aasi doono bisha July 7-da oo ku be egan 3 isbuuc kadib gee ridiisa.

Khudbad ay Madax weyne-ku-xigeen ka dalk aasi, Innonge Wina ka jeedisay Telefish inka dalkaasi waxay tilmaamay inuu Kenneth Kau nda ahaa Geesi halgan kaga soo horjees tay Gumeystihii Caddaanka ee xukumayey dalk aasi.

Waxay intaasi ku dartay in Munaasabad kha as u ah Qoyskiisa iyo xubno la soo xulay ka qe yb geli doonaan Aaska Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Kenneth Kaunda oo da’da 97 jirka ku geeriyooday.

Waxaa lagu aasi doonaa Qabuuraha Mada xtooyadda oo u dhow Xafiiska Golaha Wasiir adda ee Zambia oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee LuShalay.

Sidoo kale waxaa la dhigi doonaa Munaasab ad Xasuus iyo Baroor-diiq oo bisha July 2-da la gu qaban doono Garoonka Geesiyaasha Qar anka oo qaadi karta 60,000 oo kursi

Hoggaamiyayaal Shisheeye ayaa laga ya abaa inay ka qeyb galaan Aaska Madaxweyni hii hore ee dalkaasi, Kenneth Kaunda.

Trump Oo La Ogaaday Inuu Qaadi Rabay Ta llaabo Ka Dhan Ah Bukaanada COVID-19

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay inuu garwaaqsaday in uu Muwaadiniinta dalkiisa ee uu haleelay Xa nuunka COVID 19 in loo diro Xerada dadka la gu hayo oo ku taalla Jesiiradda Guwatanamo Bay.

Go’aankii uu Trump ku gaaray in dadka uu ku dhacay COVID 19 loo weeciyo Xeradaasi waxaa lagu soo bandhigay Buug cusub oo dhawaan la daabacay.

Buuga oo ay qoreen 2 ka tir san Suxufiyiinta Wargeyska Washjington Post waxaa lagu muujiyey inuu Donald Trump weydiiyey Shaqaalaha Qolka Xaalladda inaysan Maraykan ka lahayn Jesiirad iyo arrinta Guwatanamo Bay bishii Feberaayo ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Xeradaasi oo ku taalla dalka Kuuba waxay Maraykanka u adeegsadaan in Hoy looga dhi go dadka ku eedeysan Dembiyada Khatarta oo ay ka mid yihiin kuwii lagu eedeeyey inay ka da mbeeyeen Weeraradii Diyaaradaha ee lagu qarxiyey Daaraha Mataanaha Maraykanka bi shii September 11-dii ee sanadkii 2011-kii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip