Soomaali lagu xiray dalka Koonfur Afrika

0
Monday June 21, 2021 - 19:36:28 in Wararka by
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali lagu xiray dalka Koonfur Afrika

    Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa xir xiray dhalinyaro Muwaadiniin Soomaali ah oo ku nool magaalada Cape Town, kuwaas oo la sheegay inay jebiyeen amar kasoo baxay dowladda. Muwaadiniintaan Soomaliyeed oo gaaraya laba ayaa waxaa sababt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa xir xiray dhalinyaro Muwaadiniin Soomaali ah oo ku nool magaalada Cape Town, kuwaas oo la sheegay inay jebiyeen amar kasoo baxay dowladda. Muwaadiniintaan Soomaliyeed oo gaaraya laba ayaa waxaa sababta loo xiray ay tahay inay jebiyeen Saacadaha Bandowga Habeenkii ee saaran dalkaasi koonfur Afrika sababo la xiriira Cudurka COVID-19. Ciidamada Booliska gaarka ah ee loo xilsaaray dhaqangelinta Bandowga ayaa habeen walba sameeya howlo xaqiijin ah, kuwaas oo qabtay dhalinyarada Soomaaliyeed ee Bandowga jebiyay, sida uu sheegay mid kamid ah Soomaalida ku nool Magalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Bandowga la saaray Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabanaya 9:00 Habeenimo, hayeeshee dhalinyarada la xiray ayaa Goobahooda Ganaciga ay furnaayeen xilli la dhaafay waqtigii Bandowga. Go'ano horay uga soo baxay laamaha Amniga & Wasaaradda Caafimaadka dalka Koonfur Afrika ayaa dhigaya in qofkii ejbiya Bandowga ee la qabta uu muteysanayo Ganaax lacageed ama xarig maalmo ciqaabeed kooban ah.



 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip