Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Itoobiya

0
Monday June 21, 2021 - 19:31:04 in Wararka by
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Itoobiya

    Madaxda Itoobiya ayaa ku eedeeyey dagaal yahanada la mamnuucay ee OLA weerarka lagu diley sagaal qof daafaha magaalada caasimadda ee Addis Ababa. Dadka la diley ayaa waxaa kamid ahaa shaqaalaha dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte, oo 100km u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Itoobiya ayaa ku eedeeyey dagaal yahanada la mamnuucay ee OLA weerarka lagu diley sagaal qof daafaha magaalada caasimadda ee Addis Ababa. Dadka la diley ayaa waxaa kamid ahaa shaqaalaha dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte, oo 100km u jirta caasimadda, sida uu u sheegay BBC-da madaxa degmada Dirirsa Wakuma. Wuxuu intaa ku darey mas'uulkani in dadka la diley uu kamid ahaa ruux cabitaanka bunka ah ku iibinayey wadada hareeraheedda. Dagaal yahanada ayaa u sheegay shaqaalaha dhismaha buundada iney joojiyaan, laakiin way sii wadeen shaqada, maadaama uu ka baqayey inuu waayo shaqadiisa, sidaasi waxaa sheegay mid kamid ah qaraabada dhibanayaasha. Dhacdooyinkan oo kale maaha kuwo ku cusub ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, maadaama uu wali socdo dagaalka ay kula jiraan kooxaha ka dagaalamaya galbeedka iyo koonfurta gobolka Oromada. Saraakiisha ayaa sheegay in kastoo ay jiraan walaac la qabo oo ku saabsan ammaanka, haddana inaaney saameyneyn doorashada guud ee dhaceysa maanta oo Isniin ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip