Sarkaal ka tirsanaa Gorgor oo xalay lagu dilay Muqdisho

0
Monday June 21, 2021 - 19:18:02 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsanaa Gorgor oo xalay lagu dilay Muqdisho

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxay toogasho xalay magaalada Muqdisho loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay tababartay dowladda Turkiga. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray,Max

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay toogasho xalay magaalada Muqdisho loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay tababartay dowladda Turkiga. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray,Maxamed Cali Yarami ayaa waxaa lagu dilay gudaha degmada Wadajir, sida ayCaasimada Onlineu xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan bistoolado ay marxuumka toogasho ku dileen, iyaga ookadib goobta isaga baxsaday. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in xilliga la dilayey uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo meydka ka qaaday halkaasi. Maxamed Cali Yarami ayaa ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo firircoon, kana tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan falkaasi dilka ah. Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo uu kii ugu dambeeyey xalay ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo geystay khasaare kala duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip