Shir laga yeeshay Amniga doorashada Soomaaliya

0
Monday June 21, 2021 - 18:57:33 in Wararka by
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir laga yeeshay Amniga doorashada Soomaaliya

    Kulan looga hadlayay xoojinta amniga magaalada Dhuusaramreeb gaar ahaan xilliga doorashada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha talisyada Booliiska iyo Nabadsugida Dhuusamareeb, guddiyada Xaafadaha iyo mas'uuliyiinta maamulka ayaa lagu qabtay magaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga magaalada Dhuusaramreeb gaar ahaan xilliga doorashada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha talisyada Booliiska iyo Nabadsugida Dhuusamareeb, guddiyada Xaafadaha iyo mas'uuliyiinta maamulka ayaa lagu qabtay magaaladaas. kulankan oo ku soo beegmay xilli ay socdaan dadaalada lagu sugayo amniga doorashooyinka dhawaan bilaabmaya ee federaalka ayaa laga soo saarey amaro lagu adkeynayo dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya magaalada Dhuusamareeb. Laamaha amniga ayaa farey dadka soo galaya magaalada in ay tagaan xafiiska hubinta dadweynaha kaasi oo bixinaya ogolaanshaha guryaha kirada ah kadib markii laamaha amnigu ay baaraan xogta kireystaha doonaya in uu ku nagaado magaalada. Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ka warbixiyay qodobada kulankan ka soo baxey ayaa sheegay in shirkan uu daba-joogo shaqo muddooyinkanba ay wadajir u wadeen laamaha amniga iyo maamulka caasimada oo lagu diiwaan galinayay goobaha dadweynuhu ku kulmo iyo ganacsiyada waa weyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip