Guddiyada Doorashada oo amar la siiyey iyo guddigii uu magacaabay Rooble oo la kala diray (Daawo)

0
Monday June 21, 2021 - 18:47:54 in Wararka by
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiyada Doorashada oo amar la siiyey iyo guddigii uu magacaabay Rooble oo la kala diray (Daawo)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...


Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray in xubnaha guddiyada doorashooyinku soo xaroodaan ugu dambeyn Khamiista.

Kooxda farsamada ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 24 Juun si rasmi ah loo bilaabi doono tababar ku saabsan sidii ay u shaqeyn lahaayeen.

Tababarka guddiyada ayaa wuxuu socon doonaa muddo todobaad ah, kadibna waxay iska dooran doonaan guddoon sida uu sheegay Guddoomiyaha Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka ay guddiyada doortaan guddoon ay u safri doonaan deegaanada Maamul Goboleedyada dalka si ay doorashada u dhacdo waqtiga loo qorsheeyey.

Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in guddiyadaan ay yihiin kuwo madax banaan oo sharci ahaan soo saari lahaa xildhibannaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya lana baari doono sida ay u shaqeyn lahaayeen.

Dhanka kale, Guddigii Ra’iisal Wasaare Rooble u magacaabay dib u eegista iyo kala shaandheynta Xubnaha Guddiyada Doorashada ee cabashada laga keenay ayaa maanta la kala diray markii shaqadoodii dhammaatay.

Guddigan oo uu madax u ahaa Wasiirka Waxbarashada ayaa xilkii ku wareejiyay guddiga cusub ee Farsamada oo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magaaabay maamulka Doorashooyinka, iyagoo la shaqeyn doona Guddiyada Doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed.

Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa qabashada doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda, waxaana maalmaha soo socda Magaalada muqdisho & Gobolada dalka ka bilaaban doona ololo doorasho oo ay sameeynayaan Musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal iyo kuwa Madaxweynaha.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip