HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 21-JUNE 2021

0
Monday June 21, 2021 - 09:47:28 in Wararka by
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 21-JUNE 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka oo lagu dhowaaqay

R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha guddiga amniga doorashooyinka dalka, kuwaas oo dha maantood sar aakiil ah. Xubnaha uu ka kooban yahay guddig aan ayaa isugu jira taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Ba naadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM. SaraakIi shaan dhammaantood waxay ku shaqeyn doonaan awaamiirta RW/re Rooble oo hogga aminaya doorashooyinka dalka, isla markaana si buuxda loogu xil-saaray inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabdoon ku dhacda.

Waxaa xusid mudan in Madasha Wadatashi ga Qarano oo ay ku bahoobeen R/wasaare Ro oble iyo madaxda D/G/yada ay wada saran ta hay mas’uuliyadda qabsoomidda doorsho lagu wada qarancsan yahay, maadaama ay si wa dajir ah u saxiixeen heshiiskii 27-kii May.

Doorashadaan ayaa laga cabsi qabaa in ma gaalooyinka qaar ay isku qabtaan dhinacyada tartamaya, maadaama uu ka muuqdo loolan ad ag, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Dhuu samareeb, Beledweyne iyo Garbahaarey.

Sheekh Shariif: Maanta waa maalin ku weyn dalkeena, waxaana ballan-qaadayaa…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sh. Shariif Sh/Axmed oo sidoo kale ah guddoomiya ha G/Midowga Musharaxiinta ayaa war kasoo saaray dastuurkii u horeeyay ee Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo ku asteysnaa muddo 60 sanno ka hor maanta oo kale.

Sh/Shariif ayaa maanta oo ku su ntan maalintii ugu horeysay ee ummadda Soo maaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada ayaa ku tilmaamay inay tahay maalin ku weyn dal ke ena. "Maanta oo kale 60 sano ka hor waa maalin ku weyn Da lkeenna, waa maalintii ugu horeeysey ee umad da Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansi xiyeen dastuurkii ugu horeeyey ee J/Soomaal iya – 20-June-1961,” ayuu yiri.

"Waxa uu ahaa mid kamid ah dastuurrada heshiis bulsho ee caalamka ugu fiican, qaarad da Africa oo aan ka tirsannahayna ka ahaa tu saalaha ugu fiican, balse gabi ahaanba la baa’ biyey markii Milatarigu ay afgambi talada Dalka ku qabsadeen 21 October 1969.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Dastuurkii qa byada ahaa ee uu diyaariyey muddo xileedkiisa , in ilaa maanta oo kasoo wareegtay 8-sanno aan wax is bedel ah laga sameyn dhameystirki isa. "60 sano kadib maalintaas qiimaha weyn noogu fadhida, maanta waxaan haysannaa Da stuur qabya ah oo intii aan xafiiska joognay aan diyaarinay, hayeeshee 8 sano kadib oo laba Dowladood ay is bedeleen weli aan la dhamay stirin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday hadduu markale kusoo laabto xafiiska u sareey a dalka in uu dhameystiri doono dastuurka qab yada ah, ayada oo lagu ansixinayo afti dadwey ne, sida uu sheegay.

"Waxaan umadda Soomaaliyeed u xaqiijin aynaa haddii aan xafiiska kusoo noqonno Bi’I dnillah, inay naga go’an tahay sidii aan u dham aystiri lahayn dastuurkaas qabyada ah, Soom aaliyana ugu sameyn lahayn Dastuur rasmi ah, afti dadweyne lagu ansixiyo marka tirakoob sha cab aan sameyno.”

Farmaajo oo soo dhaweeyay ganacsiga Jaa dka iyo Kalluunka la isku weydaarsanayo

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dha maaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay isla markaana bogaadiyay ga nacsiga dalka Ethiopia loogu iibgeynayo kallu unka lagana soo iibsanayo jaadka ama qaadka.

Md.Farmaajo ayaa xafiiskiisa kula kulmay W/ W/daha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda C/hi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faar ax isagoo uga mahadceliyay tal laabada ay ku dhaqaaqeen ee ah in dibadda loo iibgeeyo kall uunka laguna soo bedesho jaa dka laga isticmaalo dalka gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa bogaadi yey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluuma ysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalal ka gobolka wax soo saarka gudaha dalkeenna.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kall uunka maanta loo iib geeyey Itoobiya ee qeyb ta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee 2da dal Max amed Ibraahim Cali (Cajiib).

Faahfaahino kasoo baxaya qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax miino oo Caawa ka dhacay degmada Ho dan ee gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

W ararka qaar ayaa sidoo kale waxay shee gayaan in qaraxa uu ahaa miino lagu xiray ga ariga.

Qaraxa ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir wa xaana la sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay dhaawaca sadax qof oo wa da saarna mooto Bajaaj iyo ruuxa watay gaar iga qarxay ayay dhaawacyo culus kasoo gaare en qaraxa caawa kuwaas oo la geeyay goob aha caafimaadka M/ Muqdisho.

Dhawaqa qaraxyo kale ayaa caawa laga ma qlaya gudaha M/Muqdisho waxaana la sheegay iney ciidamada ammaanka qarxinayeen qar axyo ay gacanta ku dhigeen waa sida ay she egeen ciidmada

R/Wasaare Rooble oo Safiirka Ingiriis ka kala hadlay Arrimaha doorashada R/Wasaaraha XFS 

Md.Maxamed Xuseen Roo ble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Do wladda Ingiriiska ee Soomaali ya Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka 2da dal ka iyo arrimaha doorashooy in ka dalku galayo.

R/W Rooble ayaa Danjire Kate Foster uga ma had celiyay taagee rada ay dowladda Ingiriiska siiso DF/ Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaa na ay ka caawisaa Arrimo ay kamid yihiin doora sho oyinka iyo Amniga.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo dhagax dhigay Dugsi Hoose, Dhexe oo laga hirgeli nayo Deegaanka Bali Guuleed

Wasiir ku xigeenka W/Warfaafinta Dha qanka iyo Dalxiiska XFS oo maalmahaan kor meer shaqo ku marayey Deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagax dhi gay Dugsiga Hoose Dhexe ee loo dhisi doono Deegaanka Bali Guuleed oo ho ostaga Deg madda Bax do ee Gobolka Galgaduud.

Wasiir Cabdiraxmaan Alc ad daala iyo wafdi uu hogaa minn ayo oo gelinkii hore ee maanta lagu soo dhaweeyay Degmadda Baxdo ayaa intii uu hal ka asi joogay kormeer ku sameeyay xarumaha danta guud ee Degmadaas, sida isbitaalka cusub ee Baxdo loo dhisayo, Iskuulo iyo goobo kale.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sidoo kale Degmada Baxdo kulan saacado badan qaatay kula yeeshay Maamulka Degmada iyo Odayaasha Dhaqanka kaa soo looga arrin sanayey baahiyaha ka jira Degmada iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo.

Booqashadan Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa Khamiistii lasoo dhaafay kasoo bilaabatay De gmadda Hobyo oo uu Xariga ka jaray Dugsigii Sare ee ugu horeeyay ee ay Hobyo yeelanayso kaa soo lagu dhisay qarash uu Wasiir Cabd iraxmaan bixiyey.

Sidoo kale waxaa uu lacag ugu deeqay Was iir Alcadaala dhismaha wadada xiriirisa Hobyo iyo Gaalkacyo taasoo ay si isxilqaan ah ku dhis ayaan bulshadda Deegaanku

Ciidanka Jubbaland oo gaaray degaano ay ku dagaallameen beello

Wafti uu hoggaaminayey Wasiirka Was aaradda Amniga Jubbaland Jenraal Yuusuf xu seen Cismaan (Dhuumaal) ayaa gaaray deg aannada Fuumo iyo Bandar Sala am oo dhaca dhanka xeebaha ee degmada kismaayo oo ay ku dagalameen qabaa’ilo wada da ga deganadasii

Wafdigan ayaa isugu jiray G/S Sadiikh Maxamu ud Dhogor , Taliyaha ciidam ada booliska ee G/ J/Hoose ,wasirka w/Arima ha Gudaha iyo dow la daha hoose ee D/Jubal and Md. Darwiish , W/W/ cadalaada iyo arima ha diinta iyo masuliy iin kale Ujeedka wafdigan ayaa darnaa in dib u he shisiin la dhex dhigo beelaha ay dirirtu ku dhex martay degaanadan islamarkana laxaliyo waxyabaha ay kala tabanayaan


Xildhibaan Carabow "Haddaadan Shabaab nugleen, iyagaa ku nugleen doono”

Xildhibaan C/dir Carabow Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Ba arlamaanka Somaliya ayaa ka hadlay gulufka militari ee ka socdo Gobolka Shabellaha Dhe xe Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow Ibraahim oo laga soo doorto Hirshabelle ayaa muujiyay in hawlgalkan uu ka duwan yahay hawlagaladii hore ee gobolka laga samayn jiray.

"Hirshabelle waayad aan dambe wax talla abo ah oo loo qaaday dhanka argagixisada maysan jirin in yar oo kooban mooyee, waxa ana ku xeeran marxaladooyin fara-badan oo amni.

Ilaahay mahadiis hadda waxaa la qaaday hawlgalkii looga hortagayay nimankii nabadiid ka deegaano ka mid ah G/Sh/Dhexe. D/Raage ceelle iyo aaggaas ayay soo buuxdhaafiyeen, marka khasaaro fara-badana waa la gaarsiiyay, waana u mahadcelineynaa Saraakiisha iyo Ci idamada u taagan illaa iyo hadda halkaasi, oo maalin kastana lagu qarxinayo, ayagana jab xo og leh gaarsiiyay. Anaga dhan waxaa waajib na gu ah inaan garab istaagno.” Ayuu yiri Xil/C/dir Carabow oo marti ku ahaa Barnaamijka Mart ida Mikrafoonka ee VOA.

Xildhibaanka ayaa sheegaya haddii aan lala diririn Shabaabka in loo nuglaan doono weera radooda. "Waxyaabaha keenaya in la weeraro waxay tahay, haddii aanan nimankaa ayaga ah lala diririn oo aan gacan la saarin, ayaga ayaa ku soo ciriirin doono.

Waad dareemi kartaa doorashooyina waa loo socdaa, deegaanadaas-na in badanoo ka tir san waxaa dhibaato xoog leh ku hayo kooxah aas nabadiidka.” Ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Xil.Carabow ayaa yiri "Waxaan u maleynayn aa in markaan gacan adag la saari doono, ha ddii Ilaahay yiraahdo, deegaano badanoo in ka badan 12 sano ugu dambeysay xorriyad in ay xor noqon doonaan.”

Mudanaha G/Shacabka ka tirsan ayaa CXD iyo kuwa Hirshabelle ee hawlgalka ka wa do go bolkaasi ugu baaqay inay xoojiyaan guluf ka ay kaga saarayaan maleeshiyada Al Shabaab.

"CDF iyo Ciidamada D/G/Hirshabelle oo isk aashanayo ayaa hawlgalkaasi wado.

Waan garab taaganahay ciidamada, naftee na iyo xoolaheena waxaan awoodnaa la garab taaganahay, waxaan rajeynaynaa inay ciida ma da xorreeeyaan deegaanadooda.” Ayuu yiri Car abow.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray "Deegaan kaas waxaan rabnaa inuu noqdo waqtiga soo socdo xor oo cagaheena aan ku istaagi karno meel walba.

Amni hadduusan jirin dhanka horumarka deegaanada ma shaqayn karaan, marka si hor umar loo helo waa in amni la helo.” Gulufka cii dan ee ka socdo G/Sh/Dhexe ay aa bilowday daba-yaaqadii bishii May, waxaana horkacaya Taliyaha CXD,Gen. Odawaa Yuusuf Raage.

Gabar 14 jir ah oo kufsi wadareed loogu gey stay deegaanka Ceelasha Biyaha

Gabadhan 14 jirka ayaa la sheegay in kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Ceelasha kadib markii la sheegay in qaab afduub ahaan looga kaxeystay wadada. Gabadha hooyadeed oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in gabadheeda aay u dirsatay suuqa kadibna dib u soo laaban weysay markii aay talefankeedii wacdayna uu dansana meel walba oo aay ka raadisayna aay waysay gabadheeda.

"Laba maalin iyo la ba habeen ayaan weysana gabadhey da oo suuqa adeeg uga dirsaday ka dibna la afduubtay, waxaana markii dambe ka helnay meel banaan ah oo lasoo dhigay iyadoo miir daboolan, dhaawacyo badan ayaa jirkeeda ka muuqdo guriga ayaan isaga haysta" ayay tiri hooyada dhashay gabarta yar.

Dhacdadaan ayaa dhacday 17-kii bishan wa xaana la sheegay in gabarta ay kufsadeen rag gaaraya 20 oo mudo laba cisho ah haystay gab adha sida aay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelka gabadha.

Adeerka gabadha la kufsaday oo lagu maga caabo Jabriil Sheekh Maxamed ayaa sheegay in gabadha ragii kufsaday qaarkood lasoo qab tay oo aay ku xiran yihiin xarunta CID-da ilaa 8 ruux islamarkaana tobaneeyo kale aay baxsa deen kuwaas laguna raad joogo soo qaba shadooda.

"Gabadha yar ragga kufsaday wax walbo oo xumaan ah oo diinta, dadnimada, iyo Soomaali nimadaba aysan ogoleen ayay ku sameyeen waxaana dalbaneyna inaan helno Cadaalad" ayuu yiri Jabriil Maxamed Sheekh oo ah gab adha adeerkeed.

Dhacdan ayaa ah mid aad u argagax galisay dadka ku dhaqan deegaanka Ceelsha Biyaha, inkasto aysan aheyn dhacdadii ugu horeysay waase mid kuso kordheysay gudaha Soomaal iya sanadahan dambe.Xigasho:;hiiraan.com

Wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada oo shaaciyey sabab loo haysto askarta la geeyey Eritrea

Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soo maaliya C/dir Sh. Cali Baqdaadi ayaa ka hadlay xaaladda askarta ay Dowladda Soomaaliya ta babar ahaan ugu dirtay dalka Eritrea iyo sabab ta ka dambeysa inay dalka ka maqnaadaan wa qti ka badan intii loogu talagalay inay tababarka ku qaataan.

Baqdaadi ayaa sheegay in dowladda Soo maaliya ay ku guuldareysatay inay xaliso waxy aabo badan oo ka qaldoomay oo sababay in as kartaan Soomaaliyeed ay muddo badan ku xayirmaan dalka Eritrea.

Baqdaadi oo la hadlay Go objoog TV ayaa sheegay in arrimaha ka qaldoomay D/ Soomaaliya ay kamid noq on karaan wararka la hadal hayo ee ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay bixin weysay lacago ay ballan qaaday taa soo keentay in askarta laga qaaday dalka loo heysto rahan ahaan."Askari dable ah in sanad iyo ka badan la ha yo caqliga caadi ga ah ma keenayo, waxaan aa minsanahay in uu jiro arrin ay xalin la’ dahay do wladda hadda jirta, waqtigii loogu talogalay way dhaaftay, qor sheyaashii laga lahaana waa suurageli waaye en,” ayuu yiri Wasiiru dowlihii hore ee Madaxt ooyada.Cabdulqaadir ayaa til maamay in rajo fi ican laga qabo dadaalada uu wado Ra’iisul Wa saare Maxamed Xuseen Roob le iyo guddiga uu magacaabay, wuxuuna rajo weyn ka muujiy ey in xog rasmi ah oo ay ku qancaan waalidiin ta la keeni doono.

Ugu dambeyntii, wasiiru dowlihii hore ee ma daxtooyada ayaa madaxda ugu sarreeyo dalka ka codsaday inaysan ka been sheegin xaal adda ay ku sugan yihiin askarta maqan, ma ad aama waalidiintii dhalay ay ku sugan yihiin xaa lad hubanti la’aan ah.

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loo gu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan qarama da Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga.

Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer di bad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka M/ Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Far maajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo cel iyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan cod siga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan.

Ciidanka DF oo dagaal kula wareegay deega an hoostaga M/Dhuu-samareeb

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidanka milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay howlgal ku qaadeen deegaanka Orshe oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay dagaal kadib la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo hoostaga magaalada Dhu usamareeb ee caasimada Galmudug.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan ciidamadu ay dhaq-dhaq aa qyo ka wadaan gudaha deegaanka, isla-mark aana ay ka sameysteen fariisimo.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana jira cabsi laga muujinayo inay dagaal rogaal celis ah soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo dhinaca Al-Shaba ab kaso baxay oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidama da dowladda Soomaaliya.Si kastaba muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ku hay aan deegaanada Galmudug oo ay ugu horeyso caasimada maamulkaasi ee Dhuusamareeb


Soomaaliya & Turkiga oo ka wada hadlay kordhinta tababarka Ciidamada

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdi risaaq Maxamuud oo ku sugan Magalada Ant alya ee dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay dhi giisa dalka Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu.

Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha iskaa shi ga laba geesoodka ah oo ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyo sidoo kale wadata sh iyo ku saabsan arrimaha danta guud iyo in Tur kiga uu kordhiyo tababarka uu siiyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Soom aaliya iyo Turkiga si loo waafajiyo himilooyinka labada dal.

Soomaaliya iyo Turkiga ay aa waxaa xilligaan ka dha xeeya waxyaaabo badan oo ay kamid yihiin, dowlad da Turkiga oo dowladda Soomaaliya u tababar ta Ciidamo farabadan, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Shir ku saabsan Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho:- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-uheshiisiinta Dalka ayaa Maanta Muqdisho ku daahfurtay Shir looga ha dlaayo Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyin ka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Shirkaan oo muddo sadax maalin socon do ono ayaa looga hadlayaa Xog ururin ku saab san Khilaafyada ka jira Degmooyinka iyo Dee gaanada Gobalka Banaadir.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarad da Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u heshi isiinta Dalka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Mas ’uuliyiinka kasocday Maamulka Gobalka, qaar kamid ah Guddoomiya-yaasha Degmooyinka G/Banaadir, Ururada Bulshada Rayid, Ururada Haweenka iyo Qaar ka mid ah Dhalinyaro ka kala socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Agaasimaha waaxda Dib-u heshiinsiinta ee W/Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u hesh iisiinta Mudane Abdirahman Hashi Faarah (jab iin) oo furey shirka xog uruurinta khilaafyada G/Banaadir ayaa marka ugu hore ugu mahad ciliyay Mas’uulityiintii kasocday Maamulka Gob alka, Kan Degmooyinka iyo dhamaan kasoo qayb galayaashii Shirka, Agaasime Cabdiraxm aan ayaa sheegay in uu Muhiim u yahay Shir kaan Bulshada Ku nool Degmooyinka iyo Dee gaanada G/Banaadir ayna Muhiim tahay ama laga rabo Qofkasta in uu soo bandhigo Caqa badaha kajira Degmooyinka iyo Deegaanada ay kasocdaa in uu Shirka socda.

Sido kale Agasimaha Siyaasadda & Dimo qoraadiyaynta Maamulka Gobalka Banaadir Md.Yuusuf Calasow oo Goobta kahadlaay ay aa- Sida aad la socataan G/ Banaadir 30 kii sa no ee ugu dambaysay waxa uu ahaa mid ay ka dhacaysay dhibaatooyin kala duwan in kastoo uu maalinba maaalinta kale uu Gobolka hor umar ka sameynaayay dhinaca nabada.

Xafsa Maxamed oo laga bad-baadiyey koox dii afduubatay ayada oo meel yaab leh la dhex-geliyey

Xafsa Maxamed Luqmaan oo ah gabar Soo maaliyeed oo 23 jir ah, oo dhowaan lagu waa yey xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo badbaadiyey booliska magaalada Kayole, oo lagu haystay.

Xafsa oo ku nooleyd Xaafada California Es tate ee magaalada Nairobi, waxaana sida la xa qiijiyey la afduubtay Maalintii Talaadada aheyd oo ay taariikhda ku beegneyd 15-ka June 2021

Waxaa laga soo badbaadiyay guri cidlo ah oo ku yaal Matopeni oo ka tirsan xaafadda isku ra ranta ah ee Kayole ee magaalada Nairobi, hal kaas oo lagu khasbay inay gasho Haan loogu talagalay in biyaha lagu keediyo.

Xafsa ayaa laga waayey dukaan ay laheyd oo lagu iibiyo kabaha oo ku yaal xaafadda Islii shan maalmood ka hor, iyada oo afduubayaa shu ay ka dalbadeen reerka madax furasho lac ageed oo gaareysa 5 million oo lacagta Kenya ah.

Xubnaha qoyska oo la hadlay wargeyska The Standard ayaa sheegay in aysan bixin ma dax furashada ay ka dalbadeen afduubayaa sha. Baarayaasha waday howlgalka samata-bix inta ayaa sheegay in baaritaano ay ku hayeen kuwa la tuhunsan yahay, waxayna soo xireen nin 24 jir ah oo kiiskan loo haysto.

Ku xigeenka madaxa warfaafinta ee Kayole Rioba Gisiri ayaa sheegay in haweeneyda la helay maanta abaaro 10-kii subaxnimo, wuxuu na sheegay inay ku jirtay xaalad dagan in kastoo qaar ka mid ah faraha ay nabarro ka soo gaareen.

"Waxaan cunno ka helnay gurigii looga tagay oo ay ku hayeen kuwa afduubayaasha ah, laa kiin marnaba ma cunin wixii ay afduubayaasha u keeneyn,” ayuu yiri taliyaha Booliska.

Gisiri wuxuu sheegay in afduubayaashu ay u ga tageen guriga buug yar oo ay adeegsana yeen xilli ay weydiisanayeen madax furasho, wuxuuna buugaas ku tilmaamay inuu yahay buug xusuus qor ah oo soo jiitay dareenka deriska.

Wuxuu intaas ku daray in markii ay deriska is ku dayeen inay eegaan waxa ku qoran buugga inay mar qura maqleyn dhawaqa Xafsa oo dalb aneyso in caawimaad deg deg ah loo sameeyo taasoo keentay in deriska ay la xiriiran boliska.

Booliska oo sameenayey howlgal wadajir ah ayaa booqday guriga farriinta laga soo gaarsii yey, balse waxay tageyn dembiilayaashii oo ka maqan meesha iyo gabadha la afduubtay oo weli ku xiran guriga, inkasta oo mid ka mid ah ragga afduubka lagu tuhmayo dib laga soo qabtay.

Ugu dambeyntii Booliska oo Xafsa kasoo ba dbaadiyey guriga lagu afduubtay ayaa geeyey saldhigga Booliska ee Kayole halkaas oo ay ku duubtay hadaladeeda.Kahor intaan la waayin, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankee da ayaa muujisay inay dukaanka soo gashay 4:44 pm ee Talaadadii iyada oo ay la socotay haweeney kale oo magaceeda lagu sheegay Hafsa Abdulwahaab.

Booliska ayaa wada baaritaan ku aadan qa abka loo afduubtay Gabadhaan, waxayna shee geyn inay dhawaan saxaafadda la wadaagi doonaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan afduubka Xafsa.

Yuusuf Xasan oo Kenya kala hadlay afduub ka Soomaalida

Xildhibaanada asalkooda uu yahay Soom aalida ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa bil aabay dadaallo xoogan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa afduubka ka dhanka ah Soomaalida ee ka billowday magaalada Nairobi ee dalkaasi.

Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto de egaanka Kamukunji oo ah halka ugu daran oo uu ka jiro afduubka ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka dowladda Kenya uu kala hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey afduubka iyo sidii looga hortegi lahaa.

Sidoo kale wuxuuu tilmaam ay in saraakiisha laamaha am niga uu waajib ka saaran yahay amniga iyo inay tallaabo adag ka qaadaan burcadda afduub ka ka wada Nairobi.

"Laamaha amniga iyo Nabadsugidda Dalka waxa aan kala hadlay badbaadinta iyo xoojinta nabadgalyada Soomaalida ee afduubka loo geysanayo, waa waajib saaran in ay dabagala an oo ay qaadaan tallaabo degdeg ah kuna soo afjaraan raad-raaca burcaddaas” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaalida inay muujiyaan feejignaan dheeri ah iyo taxadar, inta ay ka dageyso xaaladda, is la-markaana laga sugayo amnigooda.

Dhanka kale Soomaalida ku nool dalka Ken ya ayaa cabsi iyo walaac xoogan ka muujiya af duubka Nairobi ee loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada haatan aan laga war heynin illaa afar gabdhood oo la ga afduubtay xaafadda Islii ee magaalada Nai robi, kuwaasoo qaarkood si xun loo jir-dilay, ka dibna laga dalbaday lacag madax furasho ah oo ay doonayaan kooxaha af-duubayaasha.


Fiqi oo ka hadlay heshiiska ay Soomaaliya kalluunka ugu beddelayneyso qaadka

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macal lin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu si yaab leh uga hadlay heshiiskii ay maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kall uunka Soomaaliya.

Heshiiska oo saaka lagu saxi ixay gudaha garoonka M/ Muqdi sho ee Aadan Cade, ayaa waxa uu Fiqi ku tilmaamay mid aan ba ahi bad an loo qabin, marka loo eego faa’iidada labada badeeco ee la isku ba dalay. "Ethiopia wax soo saarkeedii badnaa ee baahida loo qa bay ma waxay dawladeenu noo ga doortay Qa adka inaan ka soo qaadanno, u gu bedelno ka lluun!?,” ayuu yiri Fiqi oo su’aal ka keenay tal laabada ay qaaday dowladd.

Sidoo kale waxa uu shaki galiyay daah-furn aanta ka ganacsiga qaadka oo uu sheegay in ay u xiran yihiin dad gaar ah oo qaraabo dhow la ah madaxda sarre, taasi oo meesha ka saar eysay ganacsiga xorta ah.

"Sheekadu waxay maraysaa "ninkaad jecla anayso qaadkiisaa la jeclaadaa, ka ganacsigiis ana qaraabadaa lala jeclaadaa!,” ayuu ugu da mbeyntiina qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Si kastaba, Heshiiska ay maanta kala saxiix deen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxa uu noqonayaa heshiiskii ugu horeeyey ee noociisa ah, oo horseedaya in Kalluunka So m aaliya uu suuq caalami ah ka helo dalalka deris ka iyo kuwa kale.

24 dagaal-yahan oo ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howl-gal qorsheysan

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howl-gal qorsheysan oo ciidamada XDS saac adihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah G/Baay. Howl-galka ayaa daba socday weeraro ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo CD ay ku leeyihiin D/Diinsoor ee G/Baay, kuwa as oo ay jawaab ka bixiyeen CXDS oo isku fidi yey duleedka mag aaladaasi.

Afhayeenka CXD oo la hadlay Idaa cadda Codka Ciid amada ayaa sheegay in jab xoogan howl-galla daasi lagu gaarsiiyey koooxda Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay illaa 24 xubnood, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale oo in taasi ka badan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hub iyo sa anad milatari ay kasoo furteen kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay goob fagaare ah ku soo bandhigeen. Ugu dambeyn afhayeenka ayaa shaaciyey inay sii socon doonaan dhaq-dhaq aaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka soc da koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Deegaanada uu howl-galku ka dhacay oo dhammaan hoostaga Diinsoor ayaa waxaa weli laga dareemayaa abaabul xooggan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay CXDS iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-ga llada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab. XIGASHO:SONNA.SO

Xisbiyada Wadani iyo UCID oo ku guuleys tay maamullada BURCO iyo Laascaanood

Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa guullo ka soo hoyey doorashada hoggaanka go laha deegaanka ee magaalooyinka Burco iyo La=acsaanood oo ka kala tirsan G/llada Togdh eer & Sool Somalinad

Burco waxaa G/G/De egaanka loo doortay, Ca bdirisaaq Hero, halka ku xigeenkiisana loo door tay Mukhtaar Baaryare, sida uu shaaciyey ma amulka doorashada.

2da mas’uul ayaa ka wada tirsan xisbiga mu caaradka ee UCID, kaas oo si weyn usoo dho weeyey goosha ay kasoo hoyeen M/Burco G/ Togdheer.

Sidoo kale duqa M/Laacsaanood ee xarunta G/Sool ayaa waxaa loo doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Wadani, halka sidoo kale ku xigeenkiisana uu noqday Axmed Maxamud Cumar (Kawte) oo isna ka tirsan xisbiga UCID.

Arrintan ayaa ku timid, kadib heshiis dhex-maray 2da xisbi ee mucaaradka ee Wadani iyo UCID, kuwaas oo dhowaan isbaheysi siyaasad eed uga dhowaaqay M/Hargeysa.

Si kastaba mas’uuliyiinta ku soo baxay do orashadan ee hoggaamin doono Burco iyo Laa scaanood ayaa ah kuwo dhalinyaro ah oo laga sugayo inay hormariyaan deegaanadaasi.

Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii hore ee May ka dhacday doorasho ballaaran oo isugu jirtay tan baarlamaanka iyo mida golaha deega anka oo ay ku tartameen xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ee Somalil and ee Wadani iyo sidoo kale UCID.

Kenya oo sheegtay inay ka hortageyso weerrarada Al-Shabaab

Taliye ku xigeenka Ciidamada Kenya ee KDF Albert Kendagor ayaa booqasho ugu tegay Ciidamada difaaca Kenya & kuwa qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan keynta Boni ismaa mul ka Lamu. Intii lagu guda jiray booqashadiisa 4ta maalmood ahayd ayuu Maj Gen Kendagor wu xuu ku bogaadiyey ciidamada sida ay ugu dad aalayaan waajibaadkooda iyagoo sameynaya roondooyin si ay uga feejignaadaan weeraro ka dhaca aagaga ay masuulka ka yihiin kuwaas oo ka caawiyay inay hoos u dhacaan weerara dii dhici jiray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidama da Kenya ay ka go’an tahay tahay la dagaalan ka kooxaha argagixisada ah, isla markaana at aasi ay keentay in aysan si fu dud ugu dhex soc inin ku wa weerarada geesta de egaannada Gob olka Waqooyi Bari.

Mas’uulkan ayaa ciidamada u xaqiijiyay in la sii wadayo dadaallada lagu xoojinayo waxq abadkooda ugu weyn ee ah ka hortegida falal ka amniga lidiga ku ah gaar ahaan weerarada AL-Shabaab, isaga oo Ciidamada ka dalbaday inay feejigaan muujiyaan.

Warkan kasoo yeeray Ciidamada difaaca da lka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay weeraro isd aba-joog ahaa ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.

BOGGA cAYAARAHA

Xulka kubada cagta Soomaaliya oo guul darro kala kulmay xulka Cumaan

Xulka kubada cagta Soomaaliya ayaa caawa la kulmay guul darro 2-1 ah oo kasoo gaartay cayaar ay la dheeleen xulka dalka Cumaan, cayaar katirsanayd isreebreebka tartanka kubada cagta wadamada Carabta.

Soomaaliya ayaa haddii ay badin lahayd waxay si toos ah uga mid noqon lahayd wadamada ka qeyb galaya tartankaan oo bisha 11-aad ee sanadkan ka bilaaban doona magaalada Doha ee dalka Qatar.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa xulka kubada cagta Soomaaliya oo ay ka muuqatay diyaar garow xooggan, waxaa looga dhaliyay labo gool oo mid kamid ah uu ahaa gool ku laad ama rigoore.

Qeybtii dambe ee cayaarta ayay wiilasha matalayay Soomaaliya la yimaadeen hal gool oo dib usoo nooleeyay rajadooda. Balse kuma guulaysan in ay la yimaadaan goolka labaad ee ay tartanka uga hareen.

Daqiiqadii ugu dambeysay cayaarta, cayaaryahanka numberka 9-aad u xiran Soomaaliya ayaa khasaariyay fursad aad u weyn oo uu gool u bedeli karay, hase yeeshee gool hayaha Cuman ayaa ka badbaadiyay.

Qaab cayaareedka xulka Soomaaliya wuxuu ahaa mid wanaagsan, inkastoo dhameystirkoodu uu liitay, taasoo keentay in ay fursado badan khasaariyaan.

Dalka Cuman ayaa ka qeyb gali doona tartanka FIFA Arab Cup, wuxuuna ku biiridoonaa guruub ay kuwada jiraan, dalalka Qatar iyo Iraq.



BOGGA CAYAARAHA

WAX KA OGAW 10-KA TABABARE EE UGU TAAJIRSAN DUNIDA!!!.



Tababarayaasha ciyaaraha kubadda cagta ayaa ah kuwa go’aanka weyn ku leh mustaqbal ka koo xaha, ciyaaryahanada ayaa ah kuwa ca an ah marka loo barbardhigo tababarayaasha.

Tababarayaasha ayaa mas’uul ka ah hogg aam inta ciyaartooyda iyo tababarkooda si ay u soo ban dhigaan ciyaar wanaagsan.

Waa kuwa mas’uul ka ah inay qiimeyn ku sa meey aan kooxaha uu loolanka kala dhexeeyo si ay u hel aan istaraatijiyad u horseddo gusha.

Si guul loo gaaro,kooxaha waaweyn ee dunIi da waxay dadaal ugu jiraan sidii ay ku heli laha yeen tababarayaal awood u leh maamulka ciyaarta.

Si kastaba, 20kii sano ee la soo dhaafay qa ar ka mid ah tababarayaasha waxay bilaabaan inay qaata an lacag ka badan midda ay qaataan ciyaartooyda.

HADDABA, WAXAAN HALKAN IDIIN KUUGU SOO GUDBINEYNAA 10-KA TABABARE EE UGU TAAJIRSAN DUNIDA.

1. Diego Simeone – wuxuu mushaar ahaan u qaataa 48,50,577 Malyan oo doolar Sanadkiiba

Diego Simione

Diego Simeone waa tababa raha ugu taajirsan dunida.

Wuxuu sanadkiiba qaataa mushaar dhan 48,50,577 Malyan oo doolar, wuxuu kamid yah ay tababare yasha ugu mushaarka fiican sanadkan 2021-ka

Tababarahan u dhashay Argetine wuxuu koo xdiisa Atletico Madrid gaarsiiyay inay qaadaan ko obabka horyaallada La Liga, Copa del Rey iyo hor yaalka Yurub.

2. Antonio Conte – Wuxuu qaataa 35, 593, 020 Malyan oo Doolar Sanadkiiba

Antonio Conte

Wuxuu tababare u dhashay Talyaaniga ah na ciy aartooy hore.

Waa tababaraha kooxda Int er Mil an.

Conte wuxuu xirfaddiisa ku badda cagta kasoo bilaabay Le cce, markii dambe wuxuu noq day ciy aartooyda ugu same ynta badan kooxda Juve ntus.

Wuxuu kooxda InterMilan u horseeday inay gaarto ciyaaraha kama dambeysta ee koobka hor yaalka Yurub.

3. Pep Guardiola -Mushaarkiisa waa 32,027,535 malyan oo doolar sanadkiiba

Pep Guardiola

Pep Guardiola waa tababara ha ugu taajirsan Ingiriiska, wu xuu u dhashay Spain, waana ta babara ha kooxda Manchester City.

Waxaana lagu tiriyaa tababa ra ha soo hoyiyay guusha ugu bad an caala mka.

Markii uu ciyaartooyda ahaa, wuxuu wakhti bad an kusoo qaatay kooxda Barcelona, wuxuu guulo badan u horseeday kooxo badan uu mac alin usoo noqday.

Markii uu meel sare gaarsiiyay kooxaha Bar ce lona iyo Bayern Munich, Pep Guardiola wux uu sa nadkii 2016-kii ku biiray Man United.

Waxaa uu suurogashay in uu soo dhiso xul ka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska inta la ogyahay taariikhda.

Wuxuu sanadkiiba mushaar ahaan u qaataa 32,027, 535 Malyan oo Doolar.

4. Jürgen Klopp – Wuxuu qaataa 28,474,416 malyan oo doolar sanadkiiba

Jurgen Klopp

Jürgen Norbert Klopp wuxuu u dhashay Ja rmalka, waana tababaraha koo xda Liverpool. Waxaana lagu tiriyaa tababaraha ugu wanaag san.

Wuxuu kooxda Liverpool u hors eeday inay ku guuleysta an koobka horyaalka Ingiriiska iyo horyaalka Yurub.

5. José Mourinho – wuxuu mushaar ahaan u qaataa 27.29 malyan oo doolar sanadkiiba

Jose Mourinho

Jose Mourinho wuxuu kamid yahay tabab areya asha ugu wanaagsan uguna taajirsan dunida.

José Mário dos Sant os Mour inho Félix wux uu u dhashay dal ka Bor tuqi iska waana tababari hii hore ee koox da ka dhisan In giriiska ee Tott enham Hots purs.

Waxaa shaqada tabab arimo ee kooxda Manches ter United laga ceey riyay sanadkii 2018-kii.

Wuxuu dhowr jeer ku gacan seyray codsiyo uga yimid dhowr kooxood ah in uu tababaro ka noqdo kooxaas.

Jose Mourinho wuxuu ku guuleystay koobab ba dan intii uu macalinka ahaa, wuxuu qaataa mushaar ahaan u qaataa 27.29 Malyan oo Doo lar.

6.Zinedine Zidane -wuxuu qaataa 27,287,982 Malyan oo Doolar Sanadkiiba

Zidane

Zidane wuxuu kamid yahay tobanka taba bare ee ugu taajir san dunida, wuxuu ahaan jir ay ciya artooy dunida caan ka ah oo u dheeli ji rayxulkaqaranka Faransiiska.

Wuxuu ahaa tababar aha kooxda Realma rid ee ka dhi san Spain tan iyo ma rkii uu is ka cas ilay dhawa an, wuxuu qaadanay ay mushaar dhan 27,287,982 Malyan oo Dolar.

Ciyaartooyda khadka dhe xe ka dheeli jiray wuxuu kamid yahay ciyaarto oyda fara ku tir iska ah ee ku guuleystay koobka horyaalka Yur ub isaga oo tababare ah ama ciyaartooy ah.

7. Ernesto Valverde – mushaarkiisa wuxu dhan yahay 22,537.9 Malyan oo $ Sanadkiba

Ernesto

Ernesto Valverde waa weerarya han u dheeli jiray xulka Talyaani ga, haat an waa tabab are.

Markii uu ka dheeli jiray hory aalka La Liga ee Spain, wuxuu dhaliyay 68 gool mar kii uu kasoo muuqday 264 ciyaarood.

Markii uu howlgab noqday wuxuu noqday tabab are, wuxuu macalin usoo noqday koo xaha Olympia cos 2008-09 iyo Barcelona.

Valverde ayaa sanadkan laga ceyriyays sha qada tababaranimada ee kooxda Barcelona ka dib markii kooxda Bayern Munich ay 8-2 ku dhu fatay Barcel ona.

8. Fabio Cannavaro, mushaarkiisa wuxuu gaar aya, 16.79 malyan oo doolar sanadkiiba

Canavaro

Fabio Cannavaro wux uu kamid yahay taba bare yaasha ugu taajirsan dun ida.

Cannavaro wuxuu u dheeli jiray xulka Talya aniga, haa tana waa tab abara ha koox da Guangzhou Eve rgrande. Wuxuu difaac usoo aha a koo xo badan oo ka dhisan Taly aani ga, waa daafa ca kaliya ah ee heysta abaalmarinta Balon d’Or.

9.Massimiliano Allegri -Wuxuu qaataa 16,013,767.50 Malyan oo Doolar Sanadkiiba

Allegri

Allegri wuxuu kamid yahay taba barayaasha ugu taajirsan dunida.

Massimiliano "Max” All egri wuxuu usoo dheelay Talyaani ga, markii ugu da mbeysay koo xda Juventus

Allegri wuxuu guulo u horseeda y kooxdiisa, wux uu mushaarkiisa gaaraya 16,013,767.50 Malyan oo doolar.

Massimiliano Allegri wuxuu kamid yahay 10-ka tababare ee ugu wanaagsan dunida.

10. Rafael Benítez – musharkiisa waa 15,423,642 Malyan oo Doolar Sanadkiiba

Raphael Benitez

Rafael Benítez oo hor raan ta babare u soo noqday koo xaha Real Madrid iyo Liver pool ayaa kaalin ta 10-aad ka galay liiska tababarayaasha ugu taaji rsan dunida.

Haatan wuxuu leyliyaa kooxda Dalian Proffe ssionals ee ka dhisan Shii naha.

Mushaarkiisa wuxuu gaaraya 15,423,642 Malyan oo Doolar.

Benitez waxaa sanadkii 2016-kii loo magic aabay tababaraha cusub ee kooxda Everton. wuxuu kooxda ka tagey 2019-kii, wuxuu ku biiray kooxda Shiinaha ka dhisan.

Rafael Benitez ayaa soo caanbaxay sanad kii 2005 markii kooxdii uu tababaraha u ahaa ee Liverpool ay qaaday kobka horyaalka Yurub.

Xigasho: BBCSomali

MA ABOOTAA KUU SHEEGTAY, MISE ISAGA?=FAALLO=

Markii Isticmaarku ey yimideen Afrika, Gumeysiga Dalka iyo Fidinta Diinta Masiixiyadda, waxaa dhinac socday.

Gumeeysi Maskaxeed oo ah in ilmaha yar yar isguulada ama Fadhiyada qaar lagu baro, Taariikhda Reer galbeedka iyo in loo sheego in iyagu eynan Taariikh leheeyn. ( F.S: 1aad).

Casharkaa ayaa Caruurtii loogu sheekeeyay oo awoowa yaal ah Haatan, waxey u soo gudbiyeen ku wa ey awoowaya al u yihiin Haatan.

iska jirhee, haddii Taariikh malihid uu kuu sheego Professor Reer Galbeed ah ama Ajnabi kale.

haka aaminin, weeydii Ayeeydaa iyadaa kuu she egee Taariikh run ah in aad leedahay. ha yareeysan Aqoonta Ayeeyo. kadibna wajiga ka shumi Abooto Runleey ( F.S: 2aad).

Ha aaminin Qofkii ku yiraa Taariikh ma lihid ee tan Awoowgeey aan ku baro, Xattaa Qofkaasi haduu yahay Afrikaan kale ama Somali.

waa Aragti isticmaari ah in hal wadan Dad ku wa da nool la yiraa Dad ka qaar taariikh ma lihidiin, ee iskuulada ku Barta tan awoowgeey oo laga yaabo in ey tahay Been la buunbuuniyay ee Dhowr jeer lagu celcelyay.

Taariikhdeena dhabta ah aan wada barano. Dal ka Somaliya kama jiro deegaan aan leheeyn Taari ikh Halgan Gobanimo doon,Taariikh Daqan, Diin fidin, Cilmi, Suugaan, iwm.

Taariikh malihid macnaheedu waa Dad ma tihid.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip