Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo dhagax dhigay Dugsi Hoose, Dhexe oo laga hirgelinayo Deegaanka Bali Guuleed "SAWIRRO"

0
Sunday June 20, 2021 - 22:20:48 in Wararka by
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo dhagax dhigay Dugsi Hoose, Dhexe oo laga hirgelinayo Deegaanka Bali Guuleed "SAWIRRO"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya oo maalmahaan kormeer shaqo ku marayey Deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagax dhigay Dugsiga Hoose Dhexe ee loo dhisi doono Deegaanka Bali Guuleed oo hoostaga Degmadda Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala iyo wafdi uu hogaaminnayo oo gelinkii hore ee maanta lagu soo dhaweeyay Degmadda Baxdo ayaa intii uu halkaasi joogay kormeer ku sameeyay xarumaha danta guud ee Degmadaas, sida isbitaalka cusub ee Baxdo loo dhisayo, Iskuulo iyo goobo kale.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sidoo kale Degmada Baxdo kulan saacado badan qaatay kula yeeshay Maamulka Degmada iyo Odayaasha Dhaqanka kaa soo looga arrinsanayey baahiyaha ka jira Degmada iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo.

Booqashadan Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa Khamiistii lasoo dhaafay kasoo bilaabatay Degmadda Hobyo oo uu Xariga ka jaray Dugsigii Sare ee ugu horeeyay ee ay Hobyo yeelanayso kaa soo lagu dhisay qarash uu Wasiir Cabdiraxmaan bixiyey.

Sidoo kale waxaa uu lacag ugu deeqay Wasiir Alcadaala dhismaha wadada xiriirisa Hobyo iyo Gaalkacyo taasoo ay si isxilqaan ah ku dhisayaan bulshadda Deegaanku

XIGASHO:SONNA.SO


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip