Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Gorgor Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
Monday June 21, 2021 - 10:12:32 in Wararka by
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Gorgor Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya koox hubeysan oo xalay gudaha degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya.

     Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Sarkaalka ay toogasho ku dileen rag ku hubeysnaa Bastoolado, xili uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla xaafad ka tirsan Wadajir, isagoona u geeriyooday rasaas ku dhacday.

     Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Yarami, isla markaana waxaa uu kamid ahaa Ciidanka kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya ee dalka Turkiga lagu soo tababaray.

    Raggii ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,
     waxaana  halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo qaaday Meydka Marxuum Maxamed Cali.

   mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laammaha amniga DFS oo ay uga hadlayaan dilkii xalay gudaha degmada Wadajir Gobolka Banaadir loogu geystay Maxamed Cali Yarami oo ka tirsanaa Ciidanka Gorgor.

      Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag ku hubeysan bastoolado, waxaana inta badan falalkaas dilalka ah  sheegta Xarrakada  Al-shabaab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip