Doorashada Guud ee Itoobiya oo saaka bilaabatay

0
Monday June 21, 2021 - 09:43:43 in Wararka by
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Guud ee Itoobiya oo saaka bilaabatay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Doorashadii 6-aad ee guud ee Itoobiya ayaa ka bilaabatay subaxnimadii hore ee saaka meelo badan oo dalkaas, marka lag reebo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadweyne farabadan ayaa buux dhaafiyay goobaha codbixinta laga bilaabo subaxa hore, waxayna sugayeen markooda si ay uga qeyb galaan howlaha codbixinta taariikhiga ah.

 

Dadka ku nool magaalooyinka Jimma iyo Agaro ayaa durba bilaabay inay codkooda dhiibtaan iyadoo degmooyin badan ay durba albaabada u fureen codbixiyeyaasha. Codbixiyaasha magaalooyinka Adama iyo Debre Birhan iyo Waqooyiga Shewa Zone ayaa bilaabay inay dhiibtaan codkooda.

Boqolaal kun oo cod bixiyayaal ah oo ku nool magaalooyinka waaweyn oo ay ka mid yihiin Addis Ababa iyo Dire Dawa ayaa dhiibtay codadkooda, iyada oo Caalamka uu isha ku haayo ka qaybqaadashada doorashada ka socota Itoobiya.

Kormeerayaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo warbaahinta ayaa jooga goobaha codbixinta ee dalka Itoobiya oo dhan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip