Madaxweyne Museveni oo xayiraad cusub ku soo rogay dalka Uganda

0
Sunday June 20, 2021 - 20:33:23 in Wararka by
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Museveni oo xayiraad cusub ku soo rogay dalka Uganda

    Madaxweynaha Uganda Yowreri Museveni ayaa jimcihii soo saaray tallaabooyin cusub oo looga hortagayo Coronavirus oo ay ka mid tahay mamnuucidda dhammaan socodka gawaarida, marka laga reebo shaqaalaha muhiimka ah si ay gacan uga geystaan xakameynta maw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Uganda Yowreri Museveni ayaa jimcihii soo saaray tallaabooyin cusub oo looga hortagayo Coronavirus oo ay ka mid tahay mamnuucidda dhammaan socodka gawaarida, marka laga reebo shaqaalaha muhiimka ah si ay gacan uga geystaan xakameynta mawjadda labaad ee COVID-19. Waddanka bariga Afrika ayaa sida dalal kale oo Afrikaanka ah waxaa dul maray mowjaddii hore ee xanuunkan, waxaase si lama filaan ah si weyn kor ugu kacay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, kaddib markii masuuliyiinta dalkaas ay xaqiijiyeen inuu soo gaaray bishii hore nuuca xanuunka ka soo billowday India. "Dalka waxaa la soo gudboonaaday koro ka sii daraya ee xanuunka faafa ee COVID-19" ayuu Museveni ku ku yiri khudbad telefishinka laga sii daayay. Waxa uu sheegay in tirada maalinlaha ah ee dadka uu soo ridanayo xanuunkan ay kor ugu kacday 1,700, halka ay saddex todobaad kahor ay tiradani ka yareyd 100. "Waxaan wajaheynaa dhimasho badan iyo bukaanno badan oo isbitaalada la dhigagay COVID-19 daraadiis, kuwaas oo isku jira da' kasta" ayuu yiri madaxweyne Museveni. Tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo aafadan, ayaa mamnuuceysa dhaqdhaqaaqa gawaarida dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, marka laga reebo kuwa qaada bukaanada iyo kuwa ay u isticmaalaan shaqaalaha muhiimka ah sida kuwa caafimaadka. Bandowgii hore u saarnaa Uganda oo billaaban jiray sagaalka fiidnimo ayaa sidoo kale la soo hormariyay, kaas oo hadda billaaban doonaa todobada fiidnimo, halka la xiri doono goobaha ganacsiga, kuwa cibaarada iyo garoomada ciyaaraha. Xayiraadaha cusub ayuu sheegay Museveni inay socon doonaan muddo 42 maalmood ah. Uganda, ayaa ilaa iyo maanta diiwaangalisay 68,778 wadarta guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan, halka ay geeriyoodeen 542 qof.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip