Yuusuf Xasan oo Kenya kala hadlay afduubka Soomaalida

0
Sunday June 20, 2021 - 20:10:39 in Wararka by
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Xasan oo Kenya kala hadlay afduubka Soomaalida

    Xildhibaanada asalkooda uu yahay Soomaalida ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa bilaabay dadaallo xoogan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa afduubka ka dhanka ah Soomaalida ee ka billowday magaalada Nairobi ee dalkaasi. Yuusuf Xasan Cabdi oo lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada asalkooda uu yahay Soomaalida ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa bilaabay dadaallo xoogan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa afduubka ka dhanka ah Soomaalida ee ka billowday magaalada Nairobi ee dalkaasi. Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto deegaanka Kamukunji oo ah halka ugu daran oo uu ka jiro afduubka ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka dowladda Kenya uu kala hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey afduubka iyo sidii looga hortegi lahaa. Sidoo kale wuxuuu tilmaamay in saraakiisha laamaha amniga uu waajib ka saaran yahay amniga iyo inay tallaabo adag ka qaadaan burcadda afduubka ka wada Nairobi. "Laamaha amniga iyo Nabadsugidda Dalka waxa aan kala hadlay badbaadinta iyo xoojinta nabadgalyada Soomaalida ee afduubka loo geysanayo, waa waajib saaran in ay dabagalaan oo ay qaadaan tallaabo degdeg ah kuna soo afjaraan raad-raaca burcaddaas" ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaalida inay muujiyaan feejignaan dheeri ah iyo taxadar, inta ay ka dageyso xaaladda, isla-markaana laga sugayo amnigooda. Dhanka kale Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa cabsi iyo walaac xoogan ka muujiya afduubka Nairobi ee loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada haatan aan laga war heynin illaa afar gabdhood oo laga afduubtay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kuwaasoo qaarkood si xun loo jir-dilay, kadibna laga dalbaday lacag madax furasho ah oo ay doonayaan kooxaha af-duubayaasha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip