Soomaalida ku nool Kenya oo cabsi iyo walaac ka muujiyay gabdhaha la afduubanayo

0
Sunday June 20, 2021 - 09:20:24 in Wararka by
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida ku nool Kenya oo cabsi iyo walaac ka muujiyay gabdhaha la afduubanayo

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa cabsi iyo walaac xoog leh ka muujiyay afduubka loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed iyadoo weli aan  xaaladooda laga warheyn gabdho la afduubtay.

       Gabdhaha lagu afduubtay magaalada Nairobi ayaa tiradoodu gaareysaa illaa afar halka mid ka mid ah gabdhahaasna la helay xalay ka dib markii ay ka soo baxsatay kooxdii afduubatay.

      Mid ka mid ah gabdhaha la afduubtay ee dib loo helay Hibo Faarax ayaa wararka qaar ay sheegayaan in lacag madax furasho ah la bixiyay hase yeeshee Hibo aabbaheed ayaa beeniyay in madax furasho la bixiyay balse gabadheeda ay ka soo baxsatay kooxda afduubka u geysatay.

       Hase yeeshee Najmo Cabdulaahi oo ka mid ahayd gabdhaha la afduubtay ayaa meydkeeda la helay.

     Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Kamukunji ayaa sheegay in maalmihii dambe ay soo bateen tacadiyadda ka dhanka ah gabdhaha Soomaalida.

     Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Kenya oo ku saabsan sidii ay wax uga qaban lahaayeen falkan afduubka ah oo cabsida ku beeray dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip