Saddex Dowlad Goboleed oo laga hirgelinaya Xarun lagu haayo dadka ka soo goosta Al-Shabaab.

0
Sunday June 20, 2021 - 09:13:42 in Wararka by
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Dowlad Goboleed oo laga hirgelinaya Xarun lagu haayo dadka ka soo goosta Al-Shabaab.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Caadil Sheegow Sagaar iyo Wasiiru dowlaha Amniga ee Soomaaliya Farxaan Cali Axmed ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Dhaqan celinta isa soo dhiibayaasha ka soo tegay Al-Shabaab.

Wasiirada oo kormeerka ahaa mid ay ugu kuurgalayeen baahiyaha ka jirta xarunta, taasi oo dadka ku jira ay ka faa’iideysteen cafiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa indho indheeyeen qeybaha kala duwan ee xarunta oo ay ku jiraan Maktabad ay yaalaan buugaag wacyigelin ah, goob lagu qabto shirarka lagu wacyigelinayo isa soo dhiibayaasha iyo goobo kale.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Caadil Sheegow Sagaar ayaa warbixinno ku saabsan baahiyaha ka jirta xarunta iyo qorshayaasha ka dhageystay Agaasinka iyo saraakiisha ku sugan xarunta, waxaana uu balan qaaday in kan Wasaarad ahaan ay dabooli doonaan baahiyaha ay soo gudbiyeen maamulka xarunta oo ay ka jawaabi doonaan.

Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa shaaca ka qaaday in xarumo dhaqan celin oo horleh ay ka furi doonaan Dowlad Goboleedyada aan lahayn xarumaha nuucaani oo kale ah, kuwaasi oo kala ah, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip