Maxaa ka soo kordhay kiiska dacwada loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar?

0
Saturday June 19, 2021 - 19:23:23 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka soo kordhay kiiska dacwada loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar?

    Xeer ilaalinta guud ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay dacwadda ka dhanka ah madaxweyinihii hore ee dowad deegaankaasi, kaas oo haatan ku jiro xabsi ku taallka magaalada Addis Ababa. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa qor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer ilaalinta guud ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay dacwadda ka dhanka ah madaxweyinihii hore ee dowad deegaankaasi, kaas oo haatan ku jiro xabsi ku taallka magaalada Addis Ababa. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa qoraalkan ku sheegay in haatan la soo gaba-gabeeyey dhammaan baaritaanadii socda ee ku aadanaa tacadiyadii uu geystay Cabdi Maxamuud Cumar, xilligii uu hoggaanka u hayey maamulka Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida. Sidoo kale qoraalka kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa waxaa lagu shaaciyey in natiijada baaritaankan ay u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud ee dawladda Itoobiya. Dhanka kale xeer ilaaliyaha dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac oo wareysi siiyey laanta afka Soomalaiga ah ee BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey baaritaankaasi, wuxuuna sheegay inuu salka ku hayo dambiyadii la galay tobankii sano ee la soo dhaafay. Cabdiweli Jaamac ayaa sidoo kale intaasi ku daray in kiiskan uu qeyb ka yahay musuq-maasuq ay gashay dowladdii xilligaas jirtay. "Tobankii sano dhibaatooyin badan ayaa dhacay, tacaddiyo ballaadhan oo umadda Soomaaliyeed loo geystay, waxa kaloo jira musuq-maasuq badan oo dawladdii xilligaa jirtay samaysay baa jirta, dawladda oo keliya maaha waxaa jira dad kale jeneraalladii halkan ka shaqayn jirey oo dhibaato badan dadka u geystay baa jira." ayuu yidhi Cabdiweli Jaamac. Cabdi Maxamuud Cumar oo xukumayey dowlad deegaanka laga soo bilaabo 2010-kii illaa 2018-kii ayaa haatan wajahaya dambiyo culus, isaga oo loo heysto tacadiyo uu geystay maamulkiisii, wuxuuna marar badan kasoo muuqday maxkamad ku taalla dalka Itoobiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip