Cabdiraxmaan Cabdishakuur: "Taageerayaasha Farmaajo ayaa weli ku jira guddiga doorashada"

0
Saturday June 19, 2021 - 19:18:12 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur: "Taageerayaasha Farmaajo ayaa weli ku jira guddiga doorashada"

    Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa eedeyn u jeediyay guddiga doorashada Soomaaliya, oo uu sheegay inay weli ku jiraan xubno taageerayaal u ah dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in guddiga laga saaray Xaawo Aadan Ya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa eedeyn u jeediyay guddiga doorashada Soomaaliya, oo uu sheegay inay weli ku jiraan xubno taageerayaal u ah dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in guddiga laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo sida uu sheegay lagu eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeeday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka. Wuxuu intaas ku daray in ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah, iyo tobaneeyo dharcad ah ayaa weli guddiga ku jiraan. "Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble." Ayuu yiri. Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay in la tixgeliyay cabashaidi mucaaradka ee ku aaddaneyd in qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada oo ay shegeen inay shaqaale dowladeed yihiin laga saaro guddiga. Balse mucaaradka ayaa qaarkood waxay sheegeen inaysan weli ku qanacsaneyn guddiga oo sida ay sheegeen ay weli ka dhex muuqdaan xubno dowladda ka tirsan.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip