Tababare Luis Enrique Oo Si Xoogan U Difaacay Gooldhaliyaha Kooxdiisa Ee Luis Suarez Kadib Eedayntii Loogu Soo Jeediyay Kulankii Atletico Madrid Iyo Suarez Oo Kulanka Real Sociedad Seegaya

0
Friday April 08, 2016 - 23:20:03 in Sports News by
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Luis Enrique Oo Si Xoogan U Difaacay Gooldhaliyaha Kooxdiisa Ee Luis Suarez Kadib Eedayntii Loogu Soo Jeediyay Kulankii Atletico Madrid Iyo Suarez Oo Kulanka Real Sociedad Seegaya

    Tababaraha kooxda Barcelona eeLuis Enrique ayaa si wayn u difaacay gooldhalyaha kooxdiisa Barcelona ee Luis Suarez kadib markii xidiga ree Uruguay eedayn loogu soo jeediyay kulankii Atletico Madrid ee lugtii hore ee Champions Leaque-ga. Enrique oo si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Barcelona eeLuis Enrique ayaa si wayn u difaacay gooldhalyaha kooxdiisa Barcelona ee Luis Suarez kadib markii xidiga ree Uruguay eedayn loogu soo jeediyay kulankii Atletico Madrid ee lugtii hore ee Champions Leaque-ga. Enrique oo si wayn u amaanay Suarez ayaa su'aal ka keenay sababta loola yaabo marka uu ciyaartoy weerarka ka ciyaaraa uu ciyaatoy laago halka difaacyada loo ogolaaday.

Luis Enrique oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka adag ee Real Sociedad ayaa isaga oo ka hadlaya arinta Suarez yidhi: "Anigu waxaan jecelahay nooca ciyaartoy ee uu Luis Suarez yahay, aduunka kama jiro gooldhaliye kale oo isaga la mid ahi. Kubbada cagta difaacyada oo kaliya ayaa loo ogolaaday in ay ciyaartoyda kale laagaan. Haddii uu goolhaye si lama filaan ah usameeyo, kadib dadka badan ayaa qasmaya”.Suarez and Messi

 

Tababare Luis Enrique ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay waxa uu Luis Suarez ku soo kordhiyay kooxdiisa Barcelona wuxuuna cadeeyay in Suarez uu markii uu yimid Barcelona uu ogaa in indho duufaan ah lagu fiirinayo wax kasta oo uu sameeyo wuxuuna yidhi: "Anaga Luis Suarez wax aad u fiican ayuu noo qabanayaa,ciyaartoy muhiim ah ayuu noo yahay waana nin maskax badan. Markii uu Suarez halkan soo gaadhay waxa uu sii ogaa in wax kasta oo uu sameeeyo ay indho duufaan ah lagu fiirin doono”.Luis Suarez ayaa ganaax ku seegi doona kulanka ay Barcelona booqan doonto kooxda Real Sociedad

.suarez

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip