Liverpool Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Dhaawicii Jordan Henderson Ku Soo Gaadhay Kulankii Dortmund Ee Europa Leaque-ga Iyo Waqtiga Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Shaaciyay

0
Friday April 08, 2016 - 23:18:30 in Sports News by
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Dhaawicii Jordan Henderson Ku Soo Gaadhay Kulankii Dortmund Ee Europa Leaque-ga Iyo Waqtiga Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Shaaciyay

    Kooxda Liverpool ayaa baadhitaan ku samaysay dhaawicii kabtankeeda Jordan Henderson ku soo gaadhay kulankii lugta hore ee Europa Leaque-ga ee ay Reds barbaraha 1:1 ka ahaa la soo gashay kooxdaBorussia Dortmund ee xalay ka dhacaySignal Iduna Park, wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Liverpool ayaa baadhitaan ku samaysay dhaawicii kabtankeeda Jordan Henderson ku soo gaadhay kulankii lugta hore ee Europa Leaque-ga ee ay Reds barbaraha 1:1 ka ahaa la soo gashay kooxdaBorussia Dortmund ee xalay ka dhacaySignal Iduna Park, waxayna Liverpool soo saartay warbixin rasmi ah oo ay kaga hadashay inta uu leeg yahay dhawaac soo gaadhay Henderson iyo muddada uu garoomada ka maqnaan doono.

Jordan Henderson ayuu dhaawacani soo gaadhay dhamadkii qaybtii hore ee kulankii Dortmund waxaana waqtigii nasashada lagu soo badalay Joe Allen, laakiin baadhitaan galinkii danbe ee maanta oo jimcaha ah lagu sameeyay xaalada Henderson ayaa muujiiyay in uu xidigani garoomada ka maqnaan doono muddo saddex bilood ah.

Henderson

Laakiin Liverpool ayaa cadaysay in Henderson aanu u baahnayn in qaliin lagu sameeyo balse guud ahaan xili ciyaareedkii Hederson ee kooxdiisa Liverpool ayaa gabi ahaanba soo dhamaaday isaga oo ku biiray Gomez iyo Danny Ings oo xili hore oo xili ciyaareedkan ahaa ay soo gaadheen dhawaacyo u diiday in ay xili ciyaareedkan u ciyaaraan Reds.

Liverpool ayaa rajo fiican ka muujisay in Henderson uu dhawacyada uga soo kabsado si ka deg deg badan ciyaartoyda kale isla markaana uu dhaawac kaga soo kabsan doono muddo u dhexaysa lix ilaa sideed todobaad balse aanu 25 jirkani u baahnayn wax qaliin ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip