HALKAAN KA KHRISO:- WAA WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO SABTI 19-KA JUUN 2021-KA

0
Saturday June 19, 2021 - 08:37:29 in Wararka by
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA KHRISO:- WAA WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO SABTI 19-KA JUUN 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...


SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA OO LOOGA HADLAY DOORASHOOYINKA, AMNIGA, GURMADKA FATAADAHA IYO CAABUQA COVID19

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey kulanka 7laha ah ee G/wasiirrada oo looga hadlayay Doorashooyinka, Gurmadka Fatahaadaha iyo Xaaladda Caabuqa Covid19, iyadoo la ansixiyay habraaca shaqosii nta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaal iyeed.

Ugu horreyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Golaha siiyey warbxin kooban oo ku aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, waxa uuna sheegay in xubnihii guddiyada ee wax ka badalka lagu soo sameeyay oo ahaa 34 la soo wada dha mmeystiray, isagoo xusay in dhawaan la shaacin doono liiska guddiyada doorashooyinka heer Fed eraal iyo heer Dowlad Goboleed.

R/ Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay ka dhici doonto doorasho hufan oo daah furan. Iy adoo la ilaalinayo qoondada haweenka Soomaali yeed ay ku leeyihiin goleyaasha qaran ee la soo dooranayo.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka ka dhageystay W/Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in howl aha lagu xaqiijinayo amniga ay si wanaagsan soc onayaan, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed ay sii wadaan xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, jab xooggan na ay gaarsiiyeen.

Dhanka kale, Wasiirka W/Gargaarka iyo Maare ynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Dii riye ayaa Golaha u soo bandhigtay xaaladda deeg annada ay saameeyeen fatahaaduhu iyadoo xust ay dadaallada dowladdu ay hoggaaminayso ee gur madka loogu fidinayo dadkeenna ay saameeyeen fatahaaduhu.

Ugu danbeyn Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyey Habraac Shaqo siinta dibadda ee Shaqaalaha Xoogsatada Soomaaliyeed oo ay soo diyaarisay, golahana horkeentay W/Shaqada & Shaqaalaha.

DF OO QAADAY TALLAABO DIB LOOGU SOO CELINAYO ‘HESHIIS AY HORE U BAABI’ISEY’

D/F/Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ay dib u gu fasaxeyso dhamaan shirkadaha shatiyada loo siiyey inay shaqaalaha Soomaaliyeed u dhoofin karaan dibedda.

Wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulsh ada xukuumadda xilgaarsiinta, Cabdiwahaab Uga as Xus een ayaa qaaday tallaabadaas, kadib markii uu Wa siirudowlaha wasaaradda uu baabi’iyey he shiiskii hore loola galay shirkadahaas, ayada oo wasiirka uu markale dib u soo celiyay Dorraad.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wa siir Cabdiw ahaab ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib markii ay saameyn dhaqaale ku yeela tay shirkad aha shatiyada u haysta shaqosiinta dib edda iyo shaqaalihii loo dhoofin jirey dalka dibed iisa.

Wasiirka ayaa xusay in soo celinta heshiiskan ee ay kal hore wasaaraddu laashay ku timid tixgeli nta cabashada xoogsata Soomaaliyeed oo heysta ruqsad shaqo siin dibedeed iyo dal kugalka (VISA) si ay ugu dhoofaan, ugana soo xoogsadaan dalalka ay kal hore ka heleen ogolaanshaha sha qo.Go’aanka dib loogu furayo dhoofinta shaqa alaha dibedda ayaa imanaya iyada oo muddo bil ka hor uu Wasiirudowlaha wasaaradaas, Cabdi Ax med Qaasim uu baabi’iyey heshiiska shirkadaha, is la maalinkii xilka loo dhaariyey wasiirka cusub, ta asi oo shaki badan uu xiligaas ka dhashay.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta xukuumadda ayaa inta badan lagu eedeya inaysan ka madhneyn mas aalix shaqsiyadeed heshiisyada ay la galayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa kale ee ay saxiixan intaba.

FAAH FAAHIN KU SAABSAN QARAXII ISMIIDA AMI NTA AHAA EE KA DHACAY SALDHI GA AY CIIDANKA XOOGGA KU LEEYIHIIN SH/DHEXE.

Wararka naga soo gaaraya G/Sh/dhexe ayaa sheegaya in gaari qarax laga soo buuxiyay lagu we eraray saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa, iyadoona la soo werinayo in saraakiil ciidan ay ku dhaawacmeen weerarka.

Warar hor u dhac ah oo soo baxaya ayaa sheeg aya in Korneyl Saney Cabdulle uu ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray saldhigga ay ciidamada xo ogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gob olka shabeellada dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar askari ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale maalmahaan dambe waxaa soo xoogaysanaaya weerarda Qaraxyada ah ee AlShabaab Saldhigyada Ciidamada iyo Goobaha dadku ku badan yahay, iyadoo Nabad sugida Dalka ay howshooda ka gaabi yeen si ay ula socdaan Falalka AlShabaab ka fulinaayaan dalka, inkas too ciidamada Xoogga dalka Dhowr jeer AlShabaab ka dileen Maleeshiyaad fara badan.

GENERAL ODOWAA OO KA HADLAY QARAX ISMIIDAA MIN AH OO KA DHACAY BIYO CADDE

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Saldhig ciidanka dowla dda ay ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde Sh/ Dhexe.

General Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in ciidamada ay hayeen xogta Qaraxa ayna ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen Alshab aab. "Qarax Naftii halignimo ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay banaanka hore saldhig ay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin degaan ka Biyacade ee gobalka Shabeellaha Dhexe .”ayuu yiri Generalka oo dhowaan ka soo laabtay howlgalo uu hoggaaminayay oo ka dhacay deeg aano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

General Odowaa ayaa beeniy ay warar sheegayay in ay ciidamo ay ku dhinteen weerarkan ismiid aaminta ah.

"Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi”

QOOR QOOR IYO MUCAARADKA OO HESHIIS CUSUB GALAY – XOG

Xogo ay heshay Caasimada Online ayaa shee geysa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu heshiis la galay Murashaxiinta Madaxweynaha So omaaliya ee ka soo jeedo Galmudug, Xildhibaan ada labada Gole ee hadda ku jira baarlamaanka kana soo jeeda Galmudug iyo siyaasiyiinta kale ee degaanka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Qoor Qoor uu dhe xdhexaad ka noqdo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Galmudug, oo la filayo inay ku loo lamaan siyaasiyiin miisaan culus oo ka kala socda dowladda dhexe iyo mucaaradka.

Xogta ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Qoor Qoor loo sheegay in kursigiisa uu ku weyn doono haddii uu doorashada Xildhibaanada u boobo Musharax gaar ah, sidoo kalane uu la safto dhinac kamid ah kooxaha siyaasadda Soomaaliya.

Goobta Qoor Qoor lagula balamay waxaa ku sug naa guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug, sidoo kale goob joog ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsa me.

Kulankan ayaa Muqdisho ka dhacay todobaad ka hor intuu uu Muqdisho joo gay Qoor Qoor waxaana xogta aan he lay saacadihii la soo dhaafay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasi mada Online u sheegay in Madaxweyne Qoor Qo or uu ballan qaaday in uusan cidna taageeri doonin islamarkaana uu ka shaqeyn doono in si cadaalad ah doorashada ku dhacdo isagoo wadashaqeyn ka dalbaday xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda degaanka.

Qoor Qoor ayaa qaaday tallaabadii ugu horreys ay ee heshiiskan isaga oo soo magacaabay xubno guddi doorasho oo aysan ku jirin cid lagu xiriirinayo madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashada baarlamaanka ee dhinaca Galmu dug ayaa sanadkaan loo arkaa in ay wajihi doonto tartan adag waxaana lagu hayaa il gaar ah.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

SABABTA DIB U DHIGTAY IN ROOBLE UU SHAACIYO LIISKA GUDDIYADA DOORASHOOYINKa

Waxaa ilaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin liiska guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaasi oo xubno kamid ah guddiyadaas laga keenay cabasho, ayada oo qaarkoodna la bedalay.

R/ wasaare Rooble ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono liiska guddiyadaas, hase yeeshe si cad uma sheegin sababta ka dambeysa in ilaa had da uusan si rasmi ah u shaacin.

Xog ay heshay Caasimada Onl ine, ayaa sheegaysa in sababta u weyn ee dib u dhaca ku keentay in liiska guddiyada doorashooyinka uu shaaciyo ra’iisal wasaaraha ay tahay guux iyo tabasho weli ka taagan guddiyada doora shooyinka ee wax ka bedelka lagu saameeyay.

Waxaa taagan qeylo dhaanka iyo cabashada ay dhinacyada qaar ka qabaan Guddiyada Somali land, Galmudug iyo xubno kamid ah Guddiyada HirShabelle, oo qeyb ka yihiin xubno ay saam eysay eedeynta mucaaridka.

R/wasaare Rooble ayaa isku dayaya in ka hor inta uu shaacin liiska guddiyada doorashooyinka uu meesha ka saaro diidmo hor leh oo dhinacyada qaar kaga falceliyaan liiska, midaasi oo uga sii dari karta xaalada cakiran ee dalka.

Waxaa gebi ahaanba xafiiska Rooble loo gud biyay xubnihii guddiyada doorashooyinka ee wax ka badalka lagu soo sameeyay oo ahaa 34 xubn ood, islamarkaana hadda waxa harsan ay tahay kaliya in liiska guud uu shaaciyo xafiiskiisa, kadib marka si buuxda loo xaliyo cabashada taagan.

WASIIR ALCADAALA OO GAARAY MAGAALADA GAALKACYO (SAWIRRO)

Wasiir Kuxigeenka W/Warfaafinta Somaliya, Md.Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa gelinkii dambe ee Shalay gaa ray Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka G/Mudug ee Gal mudug, kan degmada iyo qay baha bulshada ayaa wafdiga Wasiirka si weyn ugu soo dhaweeyay magaal adaasi.

Wasiirka oo dhexgalay dadkii soo dhaweynayay ayaa la arkayay, isagoo mid mid u gacanqaadaya qaarkood. Alcadaala oo Warbaahinta la hadlay ay aa ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaw eeyay Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Alcadaala ayaa sheegay muddada uu ku su gan yahay magaalada inuu kulamo la qaadan doo no masuuliyiinta, odayaasha, waxgaradka, haween ka iyo dhalinyarada, islamarkaana uu kala hadli do ono, sidii bulshada iyo dowladda isaga kaashan lahaayen amaanka iyo weliba horumarka dalka.

MUXUU XAFIISKII KHEYRE KA OGAA QORSHAHA LAGU QAADAY DHALINTA LA GEEYAY ERITREA?

Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn isku soo tareysay xiisada ka dhalatay dhalintii kal ho re tobabarka ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasi oo laga deyrinayo xaaladooda caafimaad tan iyo markii laga dejiyay dalka as.

Hannaanka loo maray qorista Ask arta tobabarka loogu qaaday Eritrea ay aa la isku raacay inuu ahaa mid baalmarsan nidaam ka ay dowladda ku qorto Askarta ay tobabar ka ugu qaadeyso dalalka der iska, ayada oo qaabka loo maray qaadistooda uu ku daboolna mugdi iyo shaki badan. Haddaba, kaalin ma ku lahaa xafiiskii ra’iisal wasaare Kheyre oo xiliga uu socday qorsha ha la gu qaadayo Askartaas joogay xafiiska?

Samiira Axmed Gaydh oo aheyd Lataliyihii dha nka Amniga Qaranka ee xiligii ra’iisal wasaare Xa san Cali Kheyre, ayaa sheegtay xafiiska Kheyre uu xiligaas waxba kala socon qorshaha lagu qaaday Askartaas.

Samiira oo la hadashay idaacada VOAda ayaa waxay sheegtay inuusan jirin heshiis rasmi ah oo xukuumadda saxiixay, kaasi oo dhigaya in dhalinya ro Soomaaliy eed tobabar loogu qaado dalka Eri trea. "Heshiis kasta oo ciidan dal kale loogu qaadayo waxaa la keena golaha wasiiradda oo meeshaasa lagu faahfaahiya oo tallo la ga bixiyaa. Ciidamada loo qaaday Eritreana majiro xataa Wasiir saxiixay, anagana nama soo marin,” ayey tiri Samiira Gaydh oo hore u aheyd Lataliyihii dhanka Amniga Qaran ka ee ra’iisal wasaarihii hore ee dalka.

Sidoo kale waxay sheegtay in qorshaha lagu qaaday dhallintaas iyo qaabka qoristoo daba ay si gaar ah uga wadashaqeyna yeen xafiiska madaxw eynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Hay’adda Nabadsugidda NISA.

Si kastaba, dhalinyarada tobabarka ciidan imo loogu qaaday dalka Eritrea ayaa waxaa laga deyrin ayaa xaaladooda nololeeda, ayada oo ay soo bax day in qaar kamid ah dhalinyaradaas ay kasoo bax sadeen xeryihii lagu tobabaray, halka kuwa kalena ay wajahayaan tacadiyo ka baxsan tobabarkii la sheegay in loo qaaday.

NABDOON XAAD OO SHAACIYEY HABKII LOO QORAY DHALLINYARADA LOO QAADAY ERITREA IYO TIRADA UU BEEL AHAAN U DAMIINTAY Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha wax ka qoray ciidamada Soomaaliya ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa mar kii ugu horeysay ka hadlay arrintaan iyo halka loo sheegay in markii hore ciidamadaan loo qaadayo.

Nabadoonka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa qir tay inuu damiin ka ahaa 44 dhallinyaro oo kamid ah ciidamada ay hey’adda Nabad sugidda iyo Sird oonka Qaranka u sheegtay in tababar ciidan loogu qaadayo dalka Turkiga.

Xaad ayaa sheegay in marki uu damiinta ka no qonayey dhallinyaradaan loo sheegay in loo soo ta babari doono inay kamid noqdaan aasaaska ci idanka Nabadsugidda Galmudug sida uu hadalka u dhigay inkastoo aysan jirin illi madax banaan oo arrintaan xaqiijiyey.

"Inta aan xusuusto illaa 44 Wiil oo dhallinyaro ah ayaan aruuriyey, waxa aan geeyey taliska Nab adsugidda xarun uu leeyahay oo lagu qoro dhall inyarada taas oo aan filayo in ay ku tiil degmada Shangaani, dhallinyaradaasi waxa ay ahaayeen qaybta ay ka heshay beesheyda ho ose ee aan Nabaddoonka u ahay, balse waxa naloo sheegay oo keli ah waxa ay ahaayeen laba arrimood, ku waas oo kala ah In lagu Asaasayo Nabadsugidda Galmudug iyo in lagu soo tababarayo Turkiga,” ayuu yiri Nabadoon Xa ad. Nabadoon Xaad ayaa meesha ka saaray in ma rnaba loo sheegay in ciidamadaan loo qaadayo da lka Eritrea oo ay hadda ku heysato nolol xumo iyo jirdil, iyadoo la sheegay in qaar ka tirsan ciidam adaas ay u geeriyoodeen jirdil loo geystay.

Habka loo diiwaangeliyey ayuu sheegay in Saw irada Dhallinyarada iyo Sawirkiisa iyo macluumaa dka kale lagu dhejiyey xaashiyaha lagu diiwaangel inayey dhallinyarada.

Qaar kamid ah dhalinyarada loo qaaday Eritrea oo wareysi siiyey VOA ayaa ka sheekeyay xaalad nololeed oo aad u liidata oo ku haysata xeryaha la gu hayo, halka qaarkood ay ku dhinteen.

Waxay sheegen in qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, oo dhalinyarada qaarkood ay ku indhobeelen, halka kuwa kale aysan helin wax daryeel caafimaad ah, islamarkaana ay ilaa hadda la jiifan xanuuno sababsan kara geeridooda, sida ay sheegen.

"Nolol bini’aadanimo ah kuma noolin, guryaha ayaa nalagu dhistaa, beeraha falnaa, tobabar wax aa noogu dambeysay bishii 9aad, intaas wixii ka dambeysay waa nala adoonsadaa,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada.

Waxay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in laga soo gaaro xaalada halista ah ku haysata dalka Eritrea, oo markii hore loogu qaa day tobabar ciidanimo.

GUUDLAAWE IYO A/MADOOBE OO SAMEYSTAY ISBAH EYSI WAX LOOGA BEDDALAYO HESHIISKA DOORASHOOYINKA + SABABTA

Xubno muhiim ah oo ka tirsan xafiisyada Mada xweynayaasha HirShabelle iyo Jubaland iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaa liya ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Maxamed Islaaam iyo Cali Cabdull aahi Xuseen Guudlaawe ay wada an dadaalo wax looga beddelayo heshiiskii doorashada.

Sida aan ogaanay, labadan mada xweyne goboleed ayaa wada qorshe ay xubnaha beesha caalamka uga dhaadhicinayaan in doorash ada baarlamaanka lagu qabto min hal magaalo, maamul goboleedkiiba. Labadan Madaxweyne oo dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa shirka Kismaayo horgeyn doona aj ando ah in la beddalo qorshaha doorashada ee min laba magaalo, haddii aan sidaas la sameyn kar inna daruuf gaar ah loo eego labadaan maamul, isl aamrkaana doorashada lagu qabto Jowhar iyo Kis maayo oo kaliya.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballa daas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa damacs an in ay saameyn ku yeeshaan baarlamaanka ka imaan doono magaalooyinka Garbahaareey iyo Bel adweyne, waxaase muuqata in haddii lagu qabto aysan ku yeelan doonin awood lamid ah sida mag aalooyinka kale ee Jowhar iyo Kismaayo.

Lama oga sida ay ku suurta geli doonto qorsha haan uu ka fulo dhinaca beesha caalamka iyo si doo kale dhinaca ra’iisul wasaare Rooble, maadaa ma uu dhaawacayo heeshiiskii 17kii September ee doorashada Soomaaliya.

M/Kismaayo ayaa 7baadkaan marti gelin doon to shirkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib heshiiskii doorasha da Soomaaliya ee lagu gaaray Muqdisho, waxaana ka qeyb geli doono wakiilada beesha caalamka.

XARIGA ROOBOW OO SAAMEYN XOOGAN KU YEE SHAY QORSHE AY DF ‘UGU GACAN GELI LAHAYEN’ SARAAKIIL ALSHABAAB

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay isagoo Musharax madaxweyne ah dabayaaqada sanadkii 2018kii, xiligaas oo waqti kooban uu ka har sanaa doorashadii madax weynaha Koonfur Galbeed, oo uu kamid ahaa mushara xiinta ugu saameynta culus.

Xariga Roobow ayaa horseeday in qalaalase amni ka dhaco Baydhabo oo xiligaasku jirtay doora sho, ayada oo kacdoonka ka dhashay xariga ay do wladda kula kacday uu sababay dhimasho iyo dhaawac hor leh.

Haddaba, xariga ay dowladda kula kacday Mu khtaar Roobow ayaa saameyn xoogan ku yeeshay furfurkii AlShabaab iyo Saraakiil sarre oo ka tirs an oo suurtagal ahaan laheyd inay dowladda isku soo dhiiban, sida uu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka oo ka qeybgalay ay barnaamij lagu qabtay barta Twitter Space, ay aa sheegay in qaabka loola tacaalay Mukhtaar Ro obow aysan sax aheyn, marka loo fiiriyo sharciyan.

"Dadka waa in la dhiirogeliyaa, gaar ahaan ku wa Shabaab ka soo goosta. Mukhtaar Roobow wa a la afduubtay, waxaana ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed uma na xirno arrin amni,” ayuu yiri.

Md.Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in xariga Roobow uu curyaamiyay go’aannada laga yaabo inay qaataan saraakiisha sarsare ee ka tir san Al Shabaab, ee ku saabsan in dowladda ay is ku soo dhiibaan.

Waxa uu DFS ku eedeyay inay xirtay albaab mu hiim u ahaa ladagaalanka argagixisada, islamarka ana Saraakiil sare oo ka tirsan Shabaab ay isagu soo dhiibi lahaayeen, sida u sheegay. "Waxay gebi ahaanba xirtay (Dowladda) in Shabaab ay hogga amiyeyaal kale ka yimaadaan.

Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo Shalay waxay albaabka ka soo oodday dad muhiim ah oo hogga amiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noq daan,” ayuu yiri.Xigasho:Caasimadda.Net


KAALIYAHA WASIIRKA ARRIMAHA DIBBADA QATAR OO LA KULANTAY JAMES SWAN

Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada ahna Afha yeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Luul Bint Rashid AlKhater ayaa Shalay oo Jimco ah kula ku lantay magaalada Antalya ee dalka Turkiga Ergeyga Gaarka ah ee Xo ghayaha Guud ee Qaramada

Midoobay ee Soomaaliya James Sw an kulan dhinac socday Madasha Di blomaasiyadda, kaas lagu qabtay maagalada Ant alya dalka Turkiga.

2da Mas’uul ayaa iska xog waraysatay xaaladi hii ugu dambeeyay Arrimaha Soomaaliya gaar ah aan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibad da ahna afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxay caddeeysay in dowladda Qadar ay si joogto ah u garab taagan yihiin Soom aaliya, taas oo ahaan doonta mid joogto ah sidoo kale ay qayb ka ahaan doonaam arimaha la xiriira amniga, horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

AQRISO: SHAN ARRIMOOD OO MAAYAR CABDIK ARIIM AXMED MOOGE UU BALLANQAADAY

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa Dorraad ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas oo maalmihii dambe si weyn la’isugu hayay.

Cabdikariin Mooge ayaa ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka Somaliland, gaar ahaan kuwii go layaasha deegaanka,wuxuna he lay codad kor u dhaafay 26kun.

"Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaa liya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yiri duqa cus ub oo la hadlay Wariyeyaasha kadib doorashada.

Cabdikariin Axmed Mooge oo si aqlabiyad leh u gu doorteen duqa Hargeysa xubnaha 17ka ah ee golaha deegaanka ayaa waxa uu ballanqaaday shan arrimood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ahaa;

Cadaaladda iyo Sinaanta Shacabka Cabdikariin Mooge ayaa horeyntii markii la doortaykhubad uu jeediyay ku sheegay in shacabka magaalada Harg eysa ay u sinnaan doonaan, kuwii doortay iyo ku wa aan dooranba, isagoona ballanqaaday in sinaa nta iyo caddaalada uu xoojin doono, islamarkaana uu kor yeeli doono wadanoolaashaha reer Harg eysanimada

Qurxinta bilicda Hargeysa

Cabdikariim ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu M/Hargeysa aad u qurxin doono oo uu bilicdeeda baddeli doono, taasi oo ugu yeeray magaalada ca gaaran ee caasimada, wuxuuna xusay in uu hirge lin doono barnaamij dhir beeris ah, kaasi oo ah "qof iyo geed, Guri iyo geed.” Biyaha, korontada, iskuul lada iyo caafimaadka

Maayirka cusub ayaa waxaa ballanqaadkiisa 3aad ahaa waxa ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan biyaha iyo korontada, oo ay reer Hargeysa ku qabaan dhib weyn, wuxuuna carabka ku adkee yay inuu ka shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa. Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu ka howlgali doono sidii ay hooyada iyo ilmaheeda u heli la haayeen xarun caafimaad oo aan gurigeeda ka fo geyn oo ay ka hesho caafimaadka aasaasiga ah oo bilaash ah.Ilaalinta hantida shacabka iyo kucel intooda Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waxa kale oo ballanqaadyadiisa ugu weyna ilaalinta hantida shacabka, ayada oo uu sheegay inay khasab tahay in la ilaaliyo hantida dadweynaha, islamarka ana la dhageysto dhawaaqa kasoo baxaya dadwe ynaha oo dib loogu celiyo canshuurtooda.

Kubadda cagta iyo ciyaaraha

Ballanqaadka u dambeeya ee uu sameeyay Ca bdikariin Mooge ayaa si gaar ah u taabanaya ba ahiyaha dhalinyarada, gaar ahaan dhanka Kubad da cagta oo ay dhalinyarada reer Hargeysa ku dhib an yihiin.

Waxa uu ballanqaaday in maamulkiisa uu wax ka baddali doono garoomada kubadda cagta lagu dheelo iyo guud ahaan cayaaraha, oo hanaankee da uu xiligan aad u liito.

MAXAA LOOGA HADLAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA GALMUDUG?

Shirka 7laha ah ee G/Wasiirrada oo uu shir gud doomiyay Madaxweynaha Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye, ayaa looga hadlay u diyaarga rowga doorashooyin ka, Dardargelinta Amniga, Xaal adda Caabuqa Covid19.Shirkan oo uu ka qeybg alay madaxwey ne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa sidoo kale lagu ansixiyay miisaa niyad sanadeedka 2021 oo ay soo gudbisay was aaradda maaliyadda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xaa lad amni xumo ay kusoo korortay degaanada Galm udug loona baahan yahay in ciidanka Ammaanka ay gutaan waajibaadka saran.

Waxaa uu sidoo kale u sheegay golaha wasira da in uu magacaabay taliyaha xasilinta Galmudug iyo sidoo kale Amniga doorashooyinka loona baah an yahay in si wanaagsan loola shaqeeyo si ay u guuleystaan howlaha Amniga.

TURKIGA OO DIB U DHISAYA MASAAJIDKA TAARII KHIGA AH EE ALNEJASHI OO KU YAALA DALKA ITOOBIYA.

Dawladda Turkiga ayaa dib u dhisaysa masaa ji dka qaddiimiga ah ee AlNejashi oo ku yaala wa qooyiga gobolka Tigray, kaasi oo bu rbur laxaad leh ay u gaysteen iska hor imaadkii dhex maray TPLF iyo xukuumadda Abiy.

Masaajidka AlNejashi waa kii ugu horreeyay ee laga dhisay Itoobiya qarnigii toddobaad, waxaana dhisay Saxaabadii Nebi Muxamed NNKHA ka dib markii ay ka soo ha ajireen magaalada barakaysan ee Makka, iyaga oo soo dhoweyn weyn ka heley boqorkii xukum ayey xilligaasi Itoobiya Axmed Najashi oo loogu agac daray masaajidka.

Dhawr madfac oo ku dhacay masaajidka bishii November ayaa burbur weyn gaadhsiiyey.

Hay’adda gargaarka Turkiga ee TIKA ayaa Arbaca dii ku dhawaaqday in ay dhisayso.

MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY DALKA ZAMBIA KENNETH KAUNDA OO GEERIYOODAY

Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Zambia Kenneth Kaunda ayaa geeriyooday, isagoo jira 97 Kaunda, sida ay xaqiijeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Madaxweyne Kenneth oo ahaa halyeeygii xorriyadda ee Zambia ay aa ku dhintay isbitaal milatari oo ku yaal magaalada Lusaka halkaas oo lagu daweynayay oof wareen.

Kaunda wuxuu xukumayay Zambiya laga soo bilaabo 1964, markii wadamada koonfurta afrika uu xornimadooda ka qaateen ingiriiska ilaa 1991, in taa kadibna wuxuu noqday mid ka mid ah dadka u gu firfircoon afrika ee u ololeeya ladagaalanka HIV / AIDS.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee Zambia ayaa si wa yn uga hadlay geerida madaxweynahii hore, iyag oona ku tilmaamay aabihii Zambia.

Intii uu xukunka hayey, Kaunda waxa uu Zamb ia ka dhigey xarun kooxaha gumeysi diidka ah ee u dagaallama sidii loo soo afjari lahaa xukunkii cad daankii tirada yaraa ee ka jirey dalalka Koonfurta Afrika, oo ay ka mid yihiin Namibia, South Africa iyo Zimbabwe. Kaunda ayaa u oggolaaday ururada hubeysan inay dalkiisa ka sameystaan saldhigyada militariga, xeryaha tababarka, xarumaha qaxootiga iyo xafiisyada maamulkaba.Kaunda waxaa loo yaq aan "KK”, sidoo kale waxaa lagu naaneysi jirey Ga ndhigii Afrika wuxuu madax ka ahaa xisbigii wadani ee ugu weynaa, bidixdhexe ee Xarunta Xoriyadda Qaranka ee Midnimada (UNIP).

ANTONIO GUTERRES OO MARKALE LOO DHAARI YAY XILKA XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ant onio Guterres waxaa loo dhaariyay xilli labaad oo shan sano Shalay iyadoo ay goobjoog ka ahaayen 193ka xubnood ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Khudbad uu jeediyay Guter res ayuu ballanqaaday markale inuu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doono xilka loo dhii bay.

"Waxaan ku bixin doonaa wax walba oo aan ku xaqiijinayo inuu soo ifbaxayo kalsoonida u dhax eysa iyo umadaha waaweyn iyo yar yar, si loo dhi so buundooyin, iyo inaan si hagar la’aan ah uga qe ybqaato dhismaha kalsoonida,” ayuu Guterres u sheegay Golaha Guud kadib markii loo dhaariyay xafiiska.

15ka xubnood ee Golaha Ammaanku ayaa ho raantii bishaan ku taliyeen in dib loogu magacaabo Guterres. Muddoxileedkiisa labaad oo bilaabma yaa Jan. 1, 2022.

Guterres wuxuu xilka kala wareegay Ban Kimo on bishii Janaayo 2017, toddobaadyo uun ka hor markii Donald Trump uu noqday madaxweynaha Mareykanka. Inta badan Guterres xilligiisii ​​ugu hor reeyay wuxuu diiradda saaray sidii uu u dejin lahaa Trump, kaasoo su’aal ka keenay qiimaha Qaram ada Midoobay iyo dhinacyada badan.

Mareykanka waa kan ugu weyn ee qaramada mi doobay ku tabaruca maaliyaddiisa, wuxuu mas’uul ka yahay 22% miisaaniyadda caadiga ah iyo ku dh owaad rubuc miisaaniyadda nabad ilaalinta. Mad axweyne Joe Biden, oo xafiiska la wareegay bishii Janaayo, ayaa bilaabay dib u soo celinta lacagaha dhimista ee uu Trump u sameeyay hay’adaha UNka.

Danjiraha Mareykanka Linda ThomasGreenf ield waxay sheegtay in Qaramada Midoobay ay la kulantay caqabado taariikhi ah, laakiin waxay rajey neysaa in iyadoo Guterres uu hogaanka hayo sha nta sano ee soo socota ay arki doonaan nabad ka sii badan, amni badan, iyo barwaaqo ka badan tii hore.

Guterres, oo 72 jir ah, wuxuu ahaa ra’iisul wasa araha Boortaqiiska intii u dhaxeysay 1995 ilaa 20 02 wuxuuna madax ka ahaa hay’ada Qaxootiga ee UNka intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2015.

Markii uu xilka qabtay oo uu noqday madaxa UNka, hay’adda adduunka waxay la halgameysay joojinta dagaallada iyo la tacaalida dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee Suuriya iyo Yemen Colaad ahaas wali lama xalin, Guterres sidoo kale wuxuu hada wajahayaa xaalado deg deg ah Myanmar iyo gobolka Tigray ee Ethiopia.

XOG: FARMAAJO OO AWOOD LOO SIIYAY SOO XULA SHADA SAGAAL XUBIN OO KA MID AH GUDDIGA DOORASHADA EE G/WAQOOYI

Xog: Farmaajo oo awood loo siiyay soo xulashada sagaal xubin oo ka mid ah guddiga doorashada ee G/Waqooyi

Sida ay Caasimada Online ku heshay xog la isku haleyn karo, madaxweyne Farmaajo ayaa wali farogelin ku haya soo magacaabista guddiyada doorashada ee gobalada Waqooyi.

Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlama anka Soomaaliya islamarkaana laga soo doorto Go balada Waqooyi ayaa Caasimada Online u shee gay 15ka xubnood ee gobalada Waqooyi ay 9 ka mid ah ku imaan doonaan rabitaanka Farmaajo, halka 6da kale uu soo gudbin doono Guddoomiy aha Aqalka Sare ee baarlamanka Cabdi Xaashi.

Xogta ayaa tilmaameysa in 6da Xubnood ee la siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed laga soo gudbin doono xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, xogta ayaa tilmaameysa in 3da xub nood ee kalana oo uu soo magacaabi doono Ra’ iisul Wasaare Rooble, iyagana ay Villa Somalia ku heyso farogelin, waxaana arrintaan qeyla dhaan ka muujiyay siyaasiinta gobalada Waqooyi.

Xildhibaano Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Xildhibaanada laga soo doorto gobalada Waqooyi iyo kuwa kale ayaa Dorraad Muqdisho ka sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wali maamulayo soo magacaabista guddiyada ka imaanaya gobalada Waqooyi ee Soomaaliya iyagoona baaq u diray RW Rooble.

Ka sokow xubnaha gobollada waqooyi, madax weyne Farmaajo ayaa saameyn xooggan ku yee shay xubnihii laga soo xulay HirShabeelle, oo ba dankood la sheegay inay ku yimaadeen rabitaankii sa, sida ay xaqiijisay Caasimada Online.

XIGASHO:CAASIMADA.NET

MIDOWGA YURUB OO QAADAY TALLAABO KA DHAN AH CIIDANKA KENYA EE JOOGA SOOMAALIYA

Sida laga soo xigtay qaar ka tirsan warb aahinta dalka Kenya, Midowga Yurub ayaa dhimay lacagtii uu siin jiray ciidamada Ken ya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasoo wax ka badan 10 sano ka socda gudaha Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa dhimay 66% oo kamid ah lacagihii uu siin jiray howlgalka lagula dagaalamo ururka AlShabaab ee awoodda ku leh gudaha So omaaliya, waxayna gaareysaa lacagta la dhimay in ka badan $45 Milyan.

Lacag dhimista uu sameeyey Midowga Yurub ayaa dhaqan geli doonto sanad maaliyadeedka cu sub oo ka bilaaban doonta Bisha Luulyo ee sanadk aan, maadaama ay soo dhawaatay waqtigii loogu talagalay in AMISOM ay guud ahaan isaga baxdo Soomaaliya.

Sida qorshaha yahay, Howlgalka Midowga Afri ka ee Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeyn rabay Bisha December ee sanadkaan, iyadoo amniga da lka lagu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya inka stoo aysan hadda muuqan ififaalo muujinayo arrant aan, waxaana qorshahaan horey shaki u geliyey khubaro dhanka amniga ah.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sana dkii 2011kii gudaha u galay Soomaaliya si ay hal kaas ugula dagaallamaan xooggaga AlShabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gud aha Kenya.

Ciidamada Kenya ee ka howlgalo Soomaaliya ayaa inta badan Fariisimahooda Militari ku leh de egaanada uu ka arrimiyo maamul Goboleedyada Jubbaland, waxayna Dowladda Soomaaliya dhowr jeer ku eedeysay Kenya in ciidamadeeda ay farage lin qaawan ku hayaan madaxbanaanida Soomaa liya.

AlShabaab ayaa iydana dhankeeda ku dhawaq day isla waqtigaas inay gudaha u geli doonto Ke nya, waxaana kooxdaan u suurta gashay inay wee raro khasaaro geystay ka fuliso gudaha Kenya iya doo ku hanjabtay inay sii wadi doonto inta ciidama da Kenya laga saarayo Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar aj aaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal ku la jiray ururka AlShabaab inkastoo weli lagu guul eysan la’yahay in la ciribtiro kooxdaan.

MADAXWEYNAHA NIGERIA OO KU BAAQAY DAGAAL KA DHAN AH BOKO XAARAAM

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Bu khari ayaa ku baaqay in ciidamada dalkiisa ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah kooxda maleeshi yaadka ee Boko Xaaraam.

Madaxweynaha oo booqasho ku tagay magaal ada Mayduguri ee xarunta gobolka Borno, oo dhacda waqooyigabari dal ka Nigeria , halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxda Boko Haram, waana go obaha ay inta badan ka sameeyaan dhaq dhaqaaqyada.

Sidoo kale Muhammadu Bukhari ayaa Dorraad khudbad ka hor jeediyay cutubyo ka tir san ciidanka Nigeria, kuwaasoo dhawaanbilaabi doona Hawlgallo ka dhan ah kooxda maleeshiyaad ka ee Boko Xaraam gaar ahaan,kuwa ku sugan gobolka Borno.

Madaxweynaha aya muujiyay sida uu u daney nayo in la soo afjaro dagaalka ka dhanka ah koo xa Boko Xaraam iyadoo la soo celinayo nabadda iyo dib u dhiska dhamaan goobihii ay dhibaatadu ka dhacday, "Dagaalkan ma joogsan doono ilaa iyo inta nabad buuxda laga helayo Gobolka Bor no”,ayuu yiri,Isaga oo la hadlaayey ciidamada amn iga.

KIM JONGUN OO DIYAAR U AH INUU WAD AHADAL LA YEESHO MARAYKANKA

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jongun ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in wa dahadal la yeesho Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Joe Biden.

Kim ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga hadlo maamulka madaxweyne Joe Biden.

Waqooyiga Kuuriya waxay horey u diidday da dallada dowladda cusub ee Maraykanka ay ku do onayso inay ku dhisto xiriir diblomaasiyadeed.

Maraykanka wuxuu ugu baaqay Kuuriyada Wa qooyi inay ka tanaasusho hubkeeda Niyukleerka. Laakiin Pyongyang si isdaba joog ah ayey u di idday, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobayna wuxuu cunaqabateyn adag oo xagga dhaqaalaha ah ku soo rogay gobolka Bariga Aasiya ee tijaaboo yay Niyukleerka. Mr Kim wuxuu hadalkiisii ​​ugu dambeeyay ka sheegay shirkii hogaamiya asha sarsare oo tod obaadkan ka bilowday caasimada Pyongyang.

Waxa uu sheegay inay u baahan yihiin gaar ahaan inay si buuxda ugu diyaar garoobaan iska hor imaad si loo ilaaliyo sharafta dawladnimadeena iyo danaheeda ku aaddan horumarinta madaxban naan iyo sidoo kale inay damaanad qaadaan jawi nabdoon iyo nabadgelyada Kuuriyada Waqooyi, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda ee KCNA.

Waxa kale oo uu sheegay in Kuuriyada Woq ooyi ay si dhakhso leh oo dhakhso leh uga falcelin doonto wax kasta oo soo kordha isla markaana ay xoogga saari doonto dadaallada ay kula wareegey so gacan ku haynta xaaladda ee gacanka Kuuriya.

Wararkan ​​ugu dambeeyay waxay yimaadeen maalmo kadib markii uu si rasmi ah u qiray in Kuu riyada Waqooyi ay soo food saartay walaac la xiri ira cunno yari.

Horraantii toddobaadkan hoggaamiyeyaa sha dalalka G7, oo uu ka mid yahay Mr Biden, ayaa ugu yeeray Kuuriyada Waqooyi inay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliy eerka iyo gantaalaha oo ay dib u bilowdo wadahadalka.

KENYA OO MARKII UGU HORAYSAY SAMAYSAY GAARI CASRI AH

Kenya ayaa 2014 bilowday soo saarista gaari maxalli ah oo la yiraahdo Mobius 3, kaasoo ay Ke nya ku sheegtay kii ugu horreeyey ee ay sancayso.

Sharikadda Mobius Motors ayaa ilaa waqtigaas soo saartay ugu yaraan ilaa 80 ga ari oo weli ku jira marxaladda tija abada.

Agaasimaha Howlmaalmeed ka Mobius, Nicolas Guibert ayaa sheegay in wershadda oo ku taa lla jidka Mombasa Road ay doonayso inay si caadi ah usoo saarto gawaari tayo leh.

Shirkadda oo ka sheeganaysa dhaqaale xumi uu keenay cudurka Covid19 ayaa Dowladda Ken ya ka heleeysa Sh600 milyan oo shilin oo lagaga iibsanayo gaadiidkan ay samayso. Qaaradda Afr ika ayaa guud ahaan ku liidata ama aad ugu dam baysa dhanka farsamada iyo tiknolojiyadda, waxaa na ugu wacan siyaasado han yar oo qaaradda ka hana qaaday kaddib xornimadii 1960meeyadii.

BOKO HARAM OO DOORATAY HOGGAMIYE CUSUB

Muuqaal Video ah oo ay Kooxda Boko Haram soo saartay waxay si rasmi ahaan u xaqiijiyeen in uu geeriyooday Hoggaamiyahoodii hore, Abuuba kar Sheku, kaasi oo ay sheegeen in lagu dilay Iska horimaad ay la galeen Maleeshiyo taabacsan Ko oxda Daacishta ee Galbeedka Afrika ka dagaa lanta.

Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP oo la soo garsiiyey Fariinta Muuqaalka ee Boko Haram waxaa lagu sheegay inay Hoggaamiyaha Cusub u doorteen Bakura Madu, kaasi oo ka soo muuqday Muuqaalkaasi oo aan Taariikh lahayn.

Hoggaamiyaha cusub waxa uu u gu baaqay Mal ee shiyada Boko Har am inay ka soo hor jeest aan Taliyaha Kooxda Daacish, Abu Muscab AlBarnaa wi, kaasi oo hore u shaaciyey inuu isagu dilay Ho ggaami yihii hore ee Boko Haram, Abuubakar She kau.In ka badan 400,000 oo qof ayaa lagu di lay Dagaal ka ay K/Boko Haram ka wadaan W/bari ee dalka Nigeria, kaasi oo socday tan iyo sanaadkii 2009kii.


UNOPS JOBS

Operations Senior Assistant

 

Job categories Project Management, Programme Management

Vacancy code VA/2021/B5001/21947

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station Mogadishu, Somalia

Contract type Local ICA Support

Contract level LICA5

Duration Ongoing contract (Openended, subject to organizational

requirements, availability of funds and satisfactory performance)

Application period 15Jun2021 to 29Jun2021

 

Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.



Background Information PSC


Peace and Security Cluster

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mineaffected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the daytoday management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Nonlethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

Functional Responsibilities


The Operations Senior Assistant works under the direct supervision of the Oper...

Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

Education/Experience/Language requirements


*CANDIDATES WITH NO UN OR UNOPS EXPERIENCE ARE ENCOURAGED TO APPLY *Qualified fe...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information UNOPS


UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp..

 

 

 

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip