SAWIRO: Wayne Rooney, Ashley Young Iyo Phil Jones Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Manchester United Iyo Van Gaal Oo Ka Hadlayay Xaalada Rooney, Miyuu Kulanka Tottenham Ciyaari Karaa?

0
Friday April 08, 2016 - 23:15:59 in Sports News by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: Wayne Rooney, Ashley Young Iyo Phil Jones Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Manchester United Iyo Van Gaal Oo Ka Hadlayay Xaalada Rooney, Miyuu Kulanka Tottenham Ciyaari Karaa?

    Kabtanka Manchester United ee Wayne Rooney ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac ka soo gaadhay guuldaradii Red Devils ka soo gaadhay kooxda Sunderland ee bishii February. Rooney ayaa seegay 11 kulan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka Manchester United ee Wayne Rooney ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac ka soo gaadhay guuldaradii Red Devils ka soo gaadhay kooxda Sunderland ee bishii February. Rooney ayaa seegay 11 kulan oo ay Man United ciyaartay tan iyo markii uu dhawacani soo gaadhay, waxaana jiray walaac laga qabay in dhaawaca Rooney uu saamayn ku yeesho mustaqbalkiisa England iyo tartanka qaramada Yurub ee Euro2016.Ashley Young iyo Phil Jones ayaa sidoo kale u soo laabtay Red Devils.

Laakiin soo laabashada Wayne Rooney ayaa aad muhiim ugu ah Manchester United oo doonaysa in ay u tartanto kaalinta afraad ee horyaalka Ingiriiska iyo waliba tartanka FA Cupka oo ay marka hore kulan ku celis ah la yeelan doonto kooxda West Ham United, laakiin Rooney ayaan wali taam u ahayn in uu ciyaaro kulanka muhiimka ah ee ay Man United la booqan doonto kooxda Tottenham.Rooney last made a first-team appearance in Manchester United's 2-1 defeat by Sunderland in FebruaryRooney's return to fitness is a boost for Manchester United and England ahead of Euro 2016 this summer

 

Louis Van Gaal oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Tottenham ayaa xaqiijiyay in Rooney uu ku soo laabtay tababarka isla markaana uu u ciyaari doono kooxda da’yarta Man United ee U21 wuxuuna yidhi: "Si aad iyo aad u fiican ayay u socotaa, waxa uu Rooney u ciyaari doonaa da’yarka U21 ka, ka soo kabsashadiisu si aad u fiican ayay u socotaa. Laba jeer ayuu anaga tababarka nala qaatay, laakiin waxaa qasab ah in uu taam ahaanshiisa soo dhiso”.

rooney and Van GaalRooney was all smiles as he trained alongside Michael Carrick, Ashley Young, Juan Mata and othersRooney will make his return to action for the first time in two months in an Under 21 clash with Middlesbrough

Waxa kale oo tababarka Manchester United dib ugu soo laabtay xidigaha waqtiga dheer maqnaa ee Ashley Young iyo Phil Jones laakiin sida la filan karo wali taam u maha aha kulanka Tottenham. Dhaawacyadii Man United ayaa hadda ku soo yaraaday saddex ciyaartoy oo kaliya waxaana wali sii maqnaan doona Bastian Schweinsteiger, Luke Shaw iyo Adnan Januzaj.

The Dutchman addresses his players during a training session at the AON Complex on Friday afternoonAnthony Martial, Ander Herera and Ashley Young share a joke during training on Friday afternoon

KULAMADA MANCHESTER UNITED UGA HADHAY PREMIER LEAQUE:

Sun Apr 10:Tottenham (marti)

Wed Apr 13:West Ham (marti ku celiska FA Cupka )

Sat Apr 16:Aston Villa (minan)

Wed Apr 20:Crystal Palace (minan)

Sun May 1:Leicester (minan)

Sat May 7:Norwich (marti)

Tues May 10:West Ham (marti)

Sun May 15:Bournemouth (minan)

Van Gaal shares a joke with Phil Jones as United continue their quest for a top four finish at end of the season

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip