Tababare Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Waqtiga Uu Shaqada Tababaranimo Ku Soo Laaban Doono Iyo Mourinho Oo Si Adag U Sheegay In Uu Qaban Doono Koox Isaga Si Wayn U Doonaysa

0
Friday April 08, 2016 - 23:14:07 in Sports News by
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Waqtiga Uu Shaqada Tababaranimo Ku Soo Laaban Doono Iyo Mourinho Oo Si Adag U Sheegay In Uu Qaban Doono Koox Isaga Si Wayn U Doonaysa

    Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Jose Mourinho oo ka hadlay mustaqbalkiisa iyo waqtiga uu ku soo laaban doono shaqada tababaranimo ee uu mudooyinkii ugu danbeeyay ka maqnaa ayaa qirtay in uu ugu dhawaan damaanad qaadi karo in uu dhamaadka xili c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Jose Mourinho oo ka hadlay mustaqbalkiisa iyo waqtiga uu ku soo laaban doono shaqada tababaranimo ee uu mudooyinkii ugu danbeeyay ka maqnaa ayaa qirtay in uu ugu dhawaan damaanad qaadi karo in uu dhamaadka xili ciyaareedkan dib u bilaabi doono shaqadiisa tababaranimo wuxuuna si adag u sheegay in uu qaban doono koox si wayn isaga u doonaysa balse aanu magaceeda sheegin.

Tababaraha ree Portugal ayaa waraysi uu siiyay jariirada dalkiisa eeO Jogoayaa sheegay in haddaba ay miiska u saaran yihiin dalabyo isla markaana uu ka fiirsano wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu qaadan doono kooxda sida ugu wayn u doonaysa. Kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ayaa ah kooxaha sida wayn loola xidhiidhinayo Mourinho inkasta oo Red Devils ay tahay kooxda ugu dhaw ee uu Mourinho qaban doono.The former Chelsea boss is also keeping a close eye on managerial developments at Real Madrid

Laakiin sida ay sheegeen saxaada Spain, madax waynaha Real Madrid eeFlorentino Perez ayaa Mourinho ka doonaya Santiago Bernabeu haddii kooxdiisa Real Madrid ay ka hadho Champions Leaque, wuxuuna doonayaa in uu 53 jirkan dib uga shaqaalaysiiyo kooxdiisa kadib markii uu sanadkii 

2013 kii ka baxay Real Madrid

.Mourinho won one league title during his three-year spell at Real Madrid between 2010 and 2013

 

Tababare Mourinho oo mustaqbalkiisa ka hadlaya ayaa yidhi:"Anigu waxaan awoodaa in aan ugu dhawaan idinka aan idiin damaanad qaado in aan xagaagan shaqada dib ugu soo laban doono, waxaa miiska ii saaran dalabyo, waxa ka hadhsan in aan ka fikiro oo aan la imaado go’aan fiican si aan u dhamaystirno. Xagaaga, dhamaadka xili ciyaareedkan qof kastaaba waxa uu ogaan doonaa kooxdayda xigtaa tay noqon doonto”.Jose Mourinho is hoping to return to work this summer with Manchester United his preferred option


Mourinho oo ka sii hadlaya kooxda doonaysa ayaa yidhi:"Waxaan qaadan doonaa fikradahayga halka ay iga doonayaan, waxaan doonayaa in aan ahaado halka anaga si dhab ah layga doonayo. Kadib dhawr bilood oo aan baytariyadayda dabaystay waxaan diyaar u noqon doonaa in aan bixiyo wax kasta oo la isiiyo”

.Mourinho12

Mourinho ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono koox masuuliyadi saaran tahay oo ka tartamaysa horyaal aad u adag isla markaana ayna u jeedooyinku ahayn kuwo sahlan taas oo laga fahmi karo in ay tahayManchester United ama Real Madrid wuxuuna yidhi:"Anigu waxaan doonayaa in aan ka shaqeeyo koox ay masuuliyadi saaran tahay oo ku jirta hoyaal adag halkaas oo ayna jirin ujeedooyin sahlani, taas oo aan lahayn doorashooyin badan”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip