Qaniinyo qaniinyaa kaa fujiso. Su'aalna su'aal.=Faallo=

1
Wednesday June 16, 2021 - 08:26:01 in Wararka by
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaniinyo qaniinyaa kaa fujiso. Su'aalna su'aal.=Faallo=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wiil ayaa Maanta Wadada iiga hor yimid, ma aheyn mid aan hore u aqiin. waxa uu igu yiri: Yaxya ma tahay? waxaan ku iri: waa magaceeyga. waxa uu igu yiri: Su’aal ayaan ku weeydiinayaa, ee ma iiga jawaabi kartaa ? waxaan ku iri: Haddii aan aqaan.

 
Saddax Farood ayuu kor u taagay, ( F.S: 1aad), waxa uuna igu yiri: Sheeg Magaca Gabar Somali ah, oo Aabaheed, Walaalkeed iyo Ninkeedu ey Janaraalo wada yihiin?
 
Waan Fekeray, waxaan ku iri: waa badanaan karaan, Gabdhaha Somaliyeed oo Sifadaa leh. Laakin Annigu mid aan Jaamacadda isku Fasal aheeyn ayaan aqaan, Qof wanaagsan ayeey aheyd, laakin muddo ma arag, Abaal ayeeyba igu leheyd.
 
Aniguna Afar Far ayaan kor u tagay, ( F. S: 2aad) waxaan ku iri: waan kaaga jawaabayaa Su’aashaada, ee inta Aanan kaaga jawaabin, Adiguna Su’aal ayaan ku weeydiinayaa, ma iiga jawaabi kartaa. waxa uu igu yiri: Haa.
 
Waxaa ku iri: ii Sheeg Magaca Haweeneey, Aabaheed Nabi yahay. Walaalkeed Nabi yahay, Ninkeedu Nabi yahay, Wiilkeeduna Nabi yahay?.
 
Wuu fikiray, waxa uu igu yiri: Run ma rabtaa, ma aqaan. kadibna ” Labadii Magac ayaan uga jawaabay” . Wiilkii sidaa ayaan Galabta isku baranay, kadibna Shaah ayaan wada cabnay, Telefonada ayaan kala qaadanay, Runtii Wiil wanaagsan ayuu iigu muuqday.
Qaniinyo qaniinyaa kaa fujiso, Su’aalna Su’aal.
 
Adigu Akhristoow, ma noo sheegi kartaa Magacyada Labadaa Haweenka ah ?.
 
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip