HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 14-JUNE 2021

0
Monday June 14, 2021 - 09:50:05 in Wararka by
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 14-JUNE 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Maraykanka Yamamoto

R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeesh ay safiirka Mareykanka. Kulanka R/Wasaaruhu la qaatay Danjire Yamamoto, ayaa looga hadlay xiriirka 2da dal iyo sii xoojintiisa, arrimaha doora shooyinka dalka, la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo arimaha banii’aadminimada.

 

R/Wasaare Rooble ayaa sheegay inay ka go ’an tahay in doorasho daahfurani dalka ka qabst oonto si dhaqsi ah , isagoo tilmaamay in aanu dan gaar ah ka lahayn doorashada isla markaa na uusan kala xigsan doonin musharraxiinta, ba lse taas baddelkeeda ay ka shaqeynayo sidii dalka doorasho hufan oo nabad ahi uga dhici lahayd.

Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in dowlad da in ay garab taagan tahay dadaaladda hirgalin ta doorashada ee uu hormuudka ka yahay R/Wa saaraha ,sidoo kalana ay D/Mareykanka ka go’ an tahay sidii Soomaaliya ay ku gaari laheyd nab ad iyo xasillooni waarta.

Ayna si xoojineyso taageerada ay DFS ka sii so la dagaalanka kooxda xajirka ah ee Alshaba ab iyaga oo amaanay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobollada qaar sida Sha beellooyinka kuwaas oo ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxaa kaloo si qoto dheer looga hadlay arrim aha baniiaadminimada , gaar ahaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay daadadka ka jira Hirshabelle iyo Aafada Ayaxa oo ku soo noqnoqtay Soomaaliya.

Kulanka ay waxa dib uga soo biiray Madaxwe ynayaasha Galmudug iyo Hirshab elle Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Cali Guudlaawe.

Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saar tay Duulimaadyada Ka Imaanaya Kenya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS ee xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax oo warba ahinta la hadlay ayaa sheegay in farsamo ahaan loo furey hawada Soomaaliya duulimaadda ka imanaya Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in iyagu ay ku eg yihiin awood ah aan dhanka farsamada, halka jaan goynta siya asadda ay dowladda u qaabil san tahay Wasaaradda Arrim aha Dibadda.

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa dib u bilowd ay duulimaadyadii tooska ahaa ee labada wadd an ee Kenya iyo Soomaaliya, kadib markii dawlad da Kenya ay qa aday xayiraadii ay ku soo rog tay bishii May.

Xiligaa wixii ka danbeeyey duulimaadyada ka imanayey Soomaaliya ama ka tagayey Kenya waxaa lasoo darsey caqabad weyn, dadweyne si yaabo kala duwan u socdaali jirey ayaaney u su uroobin safaradoodii. Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey dhawrkii sano ee uggu dambeeyay, iyadoo 2da dhinac midba midka kale uu ku eed eynayey Mas’uliyada dhibaatada ka dhex alosanSomalia Iyo Suudan Oo Kulan Ka Yeesh ay Dhacdooyinka Gudaha Dalka

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Maryama Saadaq Al-Mahdi ayaa waxaa Xafiisk eeda ku qaabishay Danjiraha Somalia u jooga Khartoum, Anbassador Maxamed Sheekh Isxa aq. Wasiirada iyo Danjiraha waxay ka wada xaa joodeen Xiriirka soo-jireenka ee Labada dal, Dib-u-eegista horumarada Siyaasadeed ee Somalia, Shaqada Golaha KMG ee haya Talada Sudan, Mowqifka Sudan ee Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD iyo qoddob kale.

Drs. Maryama Saadaq Al-Mahdi ayaa waxaa soo dhaweysay Danjiraha, waxayna Warbixin ka siisay Mowqifka Sudan ee Muranka Ethiopia ee dhinacyada Biyo-xireenka GERD iyo Khilaafka Xuduudka ee Labada dal.

Danjiraha Somalia u jooga Sudan, Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq waxaa uu ka mahad celiyey Taageerada Sudan ee Hoggaaminta Ur ur-gobaleedka IGAD ee Arrimaha Somalia.

Wasiirada iyo Danjiraha waxay kaloo isku waafa qeen inay Dowladaha So malia iyo Suudan iska ka ashadaan Ammaanka, horumarinta iyo Degan aanshaha.

W/Gaashaandhigga "Waxaan Ka Shaqeynay Ka Hortega Askareynta Carruurta”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Md.Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay muhiim ada ay leedahay ka hortega Askareynta Carruur ta. Waxaa uu sheegay Wasiir Xasan Xuseen in sharciyada Caalamiga ah iyo xeerarka u yaalla dalka ay mamnuu ceen in Carruurta la Askaree yo, isla markaana muhiim ay tahay in la dho wro Xuquuqda Carruurta ay leeyih iin.Wasiirka W/Ga ashaandhigga ayaa tilmaamay inay aad uga shaqeeyeen ka hortega Ask areynta Carruurta Soomaaliyeed, ay na horey uga soo saareen Habraacyo laga dhaqan geliyay Talisyada Ciidan ka Xoogga dalka.

"Diinteenna islaamka ayaa na fareysa in la dhowro xuquuqda Caruurta, ka Wasaarad ahaan waxaan aad ugu shaqeynay ka hortagga Askare ynta Caruurta, waxaan ka soo saarnay Habraac yo laga dhaqan-galiyay Talisyada Ciidanka XDS ,dalka waxaa uu leeyahay sharciyadii ilaalin la haa Xuquuqda Caruurta” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen oo ka hadlaayay Munaasabad lagu xus ayay Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga shaqaaleysiinta Carruurta 12 June.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka in Hay’ adaha dowladda iyo Wasaaradaha Xukuumadda looga baahan yahay in ay iska kaashadaan ka hortega Askareynta Carruurta, ayna dhankooda diyaar u yihiin ilaalinta xuquuqda Carruurta.

Guddiga uu magacaabay ROOBLE oo bal lan-qaad muhiim ah ka helay QM

Guddigii Farsamada arrimaha doorashooyin ka ee uu dhawaan magacaabay R/wasaaraha xu kuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Ro oble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiil sare oo ka socota Q/Mid oobay. Guddiga Farsamada iyo Kooxda ka soc otay QM ayaa ka wada-hadlay arrimaha doora shooyinka, gaar ahaan isu-duwida iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaalada R/wasaare Rooble ee hirgelinta doorasho daah-furan oo u dhacda si xor iyo xalaal ah.

2da dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay xil igan leedahay dar-dar gelinta hanaanka doo rashada, maadama uu heshiiskii dhawawan lagu saxiixay M/Muqdisho dhigayay in muddo ku sim an lixdan maalmood ay ku dhacdo doorashada.

Kooxda ka socotay Q/Midoobay ayaa xubna ha Guddiga u ballan-qaaday inay kala shaqeyn doonaan howlahooda ku aadan hirgelinta arrima ha doorashooyinka ee uu u igmaday ra’iisal wasaare Rooble.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ay Guddi ga farsamada ka bilaabeen M/ Muqdisho, kaasi oo lagu dar-dar gelinayo howlaha doorasho ee loo xil-saaray.

Guddiga ayaa farsamo ahaan ka shaqeyn doona sida uu kal hore sheegay xafiiska R/wa saaraha doorasho xor iyo xal aal ah oo ku sal eysan heshiiskii 27-kii May, ayaga oo qeyb wey na ka qaadan doona xiriirnta Golaha Wadata shiga Qaran, Beesha Caalamka, iyagoo sidoo ka le taage ero farsamo siin doona guddiyada mad axa bannaan ee doorashooyinka.

Wafdi Ka Socda D/Soomaaliya Oo Shir Uga Qeyb Galay Masar Guddoomiyaha

Maxkamada Sare ee dalka Garyqaan Baa she Yuusuf Axmed ayaa dalka Masar uga qeyb galay shirka 5-aad Guddoomiyeyaasha Maxka madaha Sare iyo Goleyaasha Dastuuriga ee Afr ika oo sanad kasta la qabta.

Shirkaan oo ka dha cay Magaalada Qaah ira ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin caqa badaha la dagaalanka waxa loogu yeero argagi xisada, kobcinta dhaqaalaha cagaaran iyo cadd aalada elektroonik ah ( E-Justice).

Madaxda ka qeyb gashay shirka Guddoomiy eyaasha Maxkamaddaha Sare, Maxkamaddaha Dasruuriga iyo Goleyaasha Dastuuriga ee Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhaqanka wanaagsan ee Garsoorka iyo caddaaladda doorashooyinka la xiriira.

"Kulanka waxa looga hadlayaa caqabadaha la dagaalanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha cagaaran, caddaalada elektroonik ah ( E-Justi ce)” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya.

Garyqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa kula mo gaar gaar ah M/Qaahira ee dalka Masar ku lan qaadan doona qaar kamid ah Madaxda ka qeyb gashay Shirkii ka dhacay halkaas.


Midowga Musharaxiinta oo Rooble u gudbiyey dalab xasaasi ah

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray dalab deg-deg ah oo la xiriira guddigii uu ra’iisal wasaare Rooble u xil saaray baarista Askartii ay dowladda u qaaday dalka Eritrea, oo ay ku dalbanayeen in uu dib usoo magacaabo Ra’iisal wasaara ha gudd igaas.

Bayaan ay soo saareen Golaha ayaa ugu ho rey ntii lagu soo dhaweeyay tallaabada uu qaad ay R/wasaare Rooble, oo uu guddi heer qaran ah u gu magacaabay sidii ay baaritaan ugu sam eyn lahaayeen cabashada Waalidiinta dhalintoo da tobabarka loogu qaaday Eritrea ee ku aadan xaalada ubadkooda.

"Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka uu qaatay Ra’iisal was aare Maxamed Xuseen Rooble oo ah in uu mag acaabo guddi heer qaran ah oo baaritaan ku sa meeya dacwooyinka ay soo jeediyeen waalidiin ta ee la xiriira xaalada ubadkooda oo tobabar ci idan ugu maqan dalka Eritrea iyo eedeymo ay baahisay Hay’adda xuquuql insaanka QM oo ah in ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen dagaalada sokeeye ee dalka Ethiopia,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Golaha ayaa sidoo kale lagu she egay in guddiga uu magacaabay ra’iisal wasaare Rooble uusan ka turjumeyn guddi xaqiiqo raadin sax ah, maadama ay qeyb ka yihiin guddigaas wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda ku eedeysan arrintaas.

Golaha ayaa ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in si umadda Soomaaliyeed ay ugu kalsoonada an guddigaan uu sida ugu dhaqsaha badan dib u soo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah, asaga oo ka saaraya mas’uuliyiinta dowladda ee qeyb ta ka ah.

"Dowladda Soomaaliya waa inay ka waantoo wdaa jahwareerka iyo marin-habaabinta ay ku hayso umadda oo ah inay mar walba gacan-bid ixeeyaan oo aaney si xalaal ah u gudaneyn how laha qaran sida dacwadda waalidiinta iyo door ashooyinka dalka,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

"Golaha wuxuu mar labaad ku boorinayaa Md. Rooble inuu si deg-deg ah usoo magacaabo gu ddi hor leh oo raali laga wada-noqon karo oo ha nan kara kalsoonida waalidiinta dacwada qaba iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.”

Booliska Soomaaliya oo shaaciyey xogta dha linyaro si qarsoodi ah lagu dhoofi rabay iyo gabar la dilay

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana warb aahinta la hadlay Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Afhayeenka ayaa ka hadlay laba kiis oo kala ah dad lagu soo qabtay iyagoo dhalinyaro u qal qaalinaaya safarro dibadda ah iyo gabar dhaw aan meydkeeda laga helay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Afhayeenka ayaa sheegay in 8-dii bishaan June ay hoggaanka baarista dembiy ada ee booliska Soomaaliya ay soo qabteen 27 qof oo lagu eedeeyey inay si qarsoodi ah dalka uga dhoofinayeen dhalinyaro Soomaaliyeed, ku waas oo aan ilaa hadda la xaqiijin halka loo wa day iyo qorshaha ka dambeeyey, sida uu shee gay Afhayeenku.

23 ka mid ah dadkaas waa du mar, waxuuna sheegay Afhaye enku in dhammaan dhalinyarad aas la dhoofinayey aysan gara neyn halka loo waday markii ay su’aalo ka wey diiyeen, waxuuna ugu baaqay waalidiinta Sooma aliyeed inay ka war hayaan carruurtooda.

Dhanka kale Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan ayaa sheegay in xalay xaafadda Galmud ug ee degmada Dharkenley lagu arkay meydka gabar lagu magacaabi jiray Caasho Maxamed Cabdicasiis oo aheyd Hooyo 20-sano jir aheyd.

Waxa uu sheegay in illaa hadda aan lagu guu leysan in la qabto cid ku eedeysan kiiska gab adhaas la dilay, isla markaana ay wadaan baarit aano xoog leh, si cadaaladda loo hor keeno dad kii geystay dilka gabadhaas.

Galmudug oo ku dhawaaqday in dib heshiis laga sameyn doono degaanadeeda

Ku simaha maxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Md. Cali Daahir Ciid ayaa furay Shirka wadatashiga isku-duwidda wasaaradaha ee siyaasadda ma amul baahinta iyo aasaasida xafiiska xariirka oo ka dhacay Xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo agaasimay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshisiinta Galmudug.

Shirka waxaa kasoo qeyb ga lay Wasiiradda 9ka wasaara dood agaasimayaasha wasaa radaha iyo xafiiska madaxw eyne ku xigeenka Galmudug.

Si loo daadajiyo loona kor joogteeyo shaqada wasaaradaha ee Galmudug waxaa muhiim ah in la aasaaso xafiiska xariirka wasaaradaha kaas oo kor joogteyn doona howlaha wasaaradaha Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa tiba axay in Maamul Daadajinta ay Galmudug ugu jirto arrimaha horutabinta u leh, asago hadalkiisa sii wata ayaa waxa u yiri waxan sido kale Galmu dug dhawan ka bilaabi doona Barnamij Dhab u heshiisin oo Galmudug ay baahi wayn u qabto.

Maxkamad sare ee Somaliland oo dalbat ay muddada la ansixinayo golayaasha la soo doortay

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa soo saartay warqad ay ku dalbaneyso in muddo cay iman loo qabto xilliga la ansix inayo xubnaha

golayaasha deegaanada So maliland ee la soo doortay iyo wakhtiga ay yeelan karaan fadh iyadooda ugu horreeya.

Maxkamadda oo warqad toos ugu soc oto wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland soo saartay ayaa sheegtay wasaaraddu iney soo sheegtay wakhti la ansixinayo xubnaha lagu soo doortay doorashadi ka dhacday Somaliland 31-kii bishii May.

Doorashada Somaliland ka dhacday bishii May oo baaqatay laba jeer oo hore ayaa waxa ay noqotay tii todobaad ee Somaliland ka dhacdo tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 30 sanadood ka hor. Doorashada Golayaasha wakiillada iyo Dee gaannada Somaliland ayaa ku soo dhammaatay si nabad gelyo ah sida ay sheegeen xukuumad da iyo guddiga doorashooyinka.

Pakistan Oo Diidday Inuu Mareykanka Dalkee da Saldhig Ciidan Ku Yeesho

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Shaah Maxamed Qureyshi ayaa sheegay dalkiisa inuu u oggolaaneyn Mareykanka inuu Saldhig ciidan ama mid diyaaradeed uu ku yeesho.

Qureyshi wuxuu sida oo kale sheegay Marey kanka inaan loo oggolaan doonin inuu duqeymo uu ka geysto bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Pakistan. Hadalka Pakistan ka soo yeeray ayaa ku soo beegmaya xilli uu Mareykanka uu iisu diyaar inayo sidii kumannaan askari ee ka jooga Afgha anistaan uu u la bixi lahaa.

Warar kale ayaa sheegaya inuu Mareykanka uu ka fiirsanayo inuu taageera dhanka cirka ah uu siin karo ciidamada Afghanistaan haddii cada adis xooggan uu uga yimaaddo ururka Taalibaan marka uu ciidamadiisu la baxo.

Mareykanka ayaa 2016-kii joojiyey duqeyma ha diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn ay ku ba rtilmaameedsadaan ururka Taalibaan iyo Koox aha kale ee Islaamiga ee dalkaasi ku sugan.

Milkiilayaal Diiday Inay Diplomaasi U Dha shay Israa’iil Ka Kireeyaan Guryo

Ku-dhawaad 6 bilood kadib, markii David Govrin loo soo magacaabay Madaxa Xafiiska Xi riirinta Israel u jooga dalka Moroko waxa uu weli ku dhex shaqeeya Hot elka uu deggan yahjay. Milkiilayaasha Morookaanka wa xay diideen inay Diplomaasiga Israel ka kireeyaan Guri ay adeegsadaan Ergada Dip lo maasiyiinta Israel ee ku sugan Moro ko.David Govrin waxa Madaxa Xafii ska Xiriirinta Israel eeu jooga Moroko loo soo magacaabay bishii Janaayo ee sanadk an, kadib, markii ay Do wladda Moroko iyo Israel kala saxiixdeen daba yaaqadii sanadkii hore He shiis lagu caadiy eynayey Xiriirkooda.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta dalka Mor oko, dadka ku nool Caasimadda waxay ku gac an-sayreen inay Guri ka kireeyaan Ergada Israel.

Shabakadda Wararka ee Asaxiifa ayaa qortay in Dulaalinta Guryaha ay marar badan ku hungo obeen inay Milkiilayaasha ka dhaadhiciyaan inay Diplomaasiga Israel ka kireeyaan Guryaha, bal se ay dhamaantooda ka biyo diideen.

David Govrin oo horey u ahaa Safiirka Israel u jo ogay Masar waxaa la sheegay inuu weli iska dhe xjoogo Hotelka uu ka deggan yahay M/Rabaad


Gaadiid Fara badan Oo Ku Xaniban Deg aan Ka Tirsan Puntland

Gaadiid farabadan oo nooca xamuulka qaada ayaa waxaa maalmo dhowr ah ku xanib an yihiin Kastamka deegaan lagu magacaabo Alxmadulilaah oo ka tirsan Gobalka Karkaar ee Maamulka Puntland.

Qaar kamid ah gaadiidleyda oo la hadlay war baahinta ayaa u sheegay in shan maalmood ay ku xariyan yihiin Kastamka, isla markaana gaadi idka oo wada agaybyo kala duwan ay geli la yih iin guadaha Magaalada Qardho.

Sababta gaadiidka xamuulka qaado u xaniban yihiin ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in weli la isku fahmi la’ yahay cabashada la xiriirta qiimo ko ror lagu sameeyey canshu ur ay horay u bixin jireen Ganac satada gaadiidkan u raran yihiin.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la til maamay in Magaalada Qardho ee Xarunta Gob alka Karkaar ee Maamulka Puntland uusan gelin gaadiid sida adeeggyada ganacsi ee looga ba ahan yahay halkaas.

Ganacsatada gaadiidkan u raran yihiin qaar kood ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in loogu sii daayo gaadiidkooda ku xaniban deegaan lagu magacaabo Alxmadulil aah oo ka tirsan Gobalka Karkaar.

Ciidamada Haramcad oo sameeyay howlgal dad lagu qabqabtay

Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababa ran ee Haramcad ayaa howlgallo kala duwan wa xaa ay kas ameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Magalada Jowhar ee

Caasimadda D/G/Hir-Shabe elle

Saraakiisha holwgalka hoggaamineysay ayaa ka hor howlgalka Ciida mada kula dardaarmay inay si wanaagsan u fu liyaan howlgalka, isla markaana dadka Shacabka ah ay dhowraan.

Xidigle Muxudiin Calsow oo howlgalka hogga aminayay ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinyaya Amniga Hir-Shabeelle oo dhowr jeer ay ka dhaceenb falal Amni darro.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku daray in howlgalka ay ku qabteen dad ay uga shakiyeen inay yihiin kuwa falalka Amni darro ka geystaan M/Jowhar, isla markaana ay ku wareejinayaan Booliska Magalada Jowhar ka howlgalla.

Ammaanka M/Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u wanaagsanaa, waxaana laga dar eemayaa qaban qaabada Maalmaah Xuriiyada ee 26- June iyo 1-da luulyo.

Khamri Fara badan Oo Maanta Lagu Burburi yey Goob Fagaare Ah

Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Ba ri ayaa Maanta meel fagaare ah ku gubay dha looyin ay ku jiraan maa ndoo riyaha Khamriga oo hor ay ciidamada Booliska ay ku gu leesteen in ay soo qabtaan. Ciidamada ammaanka oo Ho wlgalo ay ka sameeyeen Magaalada iyo baraha Ka ntaroolada ayaa kham rigan gacanta ku dhi gay, xili la qorshe eyay in la si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/ G/ Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in khamriga la gubay oo kaartoono lagu soo dhex qariyey lagu qabtay baraha Kantaroolada laga soo galo Magaalada.

Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa bogga adiyay howlgalada looga hortegayo waxyaabaha maandooriya ee Khamriga, wuxuuna si Cad u sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabtay falkaas.

Goobta lagu gubaayay Khamriga lagu qab tay M/Boosaas ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha G/Maxka madda, Xeer ilaalinta iyo Saraakiil Ciidan.

Jabuuti Oo War Kasoo Saartay Go’aankii Ay Ku Dhawaaqday Dowladda Somaliya

Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay Go’ aankii xalay ay ku dhawaaqday dowladda Feder aalka Soomaaliya oo mar kale dib ugu soo celin eyso xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeey ay dowladda Kenya oo horey dowladda Qatar u soo celisay

Qoraal uu soo saaray Wasii rka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay Go’aanka dowladda Federaalka ay ku dooneyso dib u soo celinta xiriirkii Kenya oo bilooyin kahor lasoo celiyay, balse xumaaday.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf ayaa horumar weyn ku tilmaamay tallaabada ay DFS, isagoona xusay in arrintaas ay muhiim u tahay nabada iyo xasilloonida Gobolka.

"Jabuuti waxay soo dhaweyneysaa dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soom aaliya iyo Jamhuuriyadda Walaalaha ah ee Ken ya. Runtii waa horumar weyn oo ka jirta gobolk eenna IGAD nabad iyo xasillooni darteed” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.

D/Federaalka ayaa ku dhawaaqday inay soo celineyso xiriirkii Kenya, iyadoo ugu baaqday Kenya inay dib u furto Safaaradeeda Soomaal iya, halka dowladda ay sheegtay inay furi doonto Safaarada ay ku leedahay Nairobi.

Kenya ayaa shaacisay inay qaaday xayiraad dii ay bishii lasoo dhaafay ee May kusoo rogtay Duulimaadyadii diyaaradeed ee tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray dalalka Kenya iyo Sooma aliya, kadib markii muddo bil ah ay xayirnaaye en safarada labada dal.

Dowlada Ethiopia oo ku eedeysay hay’a daha gargaarka inay hub gelinayaan gobolka Tigray

Dowlada Ethiopia ayaa ku eedeysay hay’ad aha gargaarka inay hub geliyaan deegaano ka mid ah gobolka Tigray oo macluul ay ka jirto.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah hay’adaha ka howlgala gobolka Tigraay inay isku dayayaan inay hub si sharci darro ah ku ge liyaan gobolkaas.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka walaacsan tahay olole ka dhan ah sida ay ula tacaaleyso xaaladda gobolka Tigraay. Demeke ayaa ugu ba aqay shakhsiyaadka iyo saaxibada beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha gu daha Itoobiya. "Waa wax aad looga walaaco in qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka ay bil aabeen olole ay ku wiiqayaan midnimada, mada xbanaanida iyo isku duubnimada iyagoo ku ma rmarsiinyo ka dhiganayo inay wadaan gargaar banii’aadanimo”

Wuxuu intaas ku daray "Itoobiya waxay hey saa caddeymo muujinaya inay isku dayayeen in hub si sharci darro ah ay ku siiyaan kooxaha ar gagixisada ah iyagoo ku marmarsiiyoonayo gar gaar banii’aadanimo, arrintaasina lama aqbali doono”

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegay dowladda Itoobiya inay ka go’antahay inay la shaqeyso beesha caalamka si wax looga qabto dhibaatada banii’aadanimo ee ka taagan Tigray.

Mareykanka Oo Kenya U Diraya Ciidamo La Dagaalama Al-Shabaab

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Bid en ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah uu u dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan daga alka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidankan gaar ah oo iskaashi xagga dagaalka iyo xogaha kale la wadaagi doona Millatariga dalka Kenya ayaanan la sha acin tiradooda iyo xilliga ay tagayaan Gudaha Magaalo oyinka Kenya.

Ciidanka Maraykanka uu u dirayo Kenya ay aa la filayaa inuu wax badan ka qabto sare u qa adista ammaanka dalka Kenya, halkaas oo ay mararka qaarkood weerarro gaadma ah ka geys taan Al-Shabaab.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Mareykanka ayaa Saldhigyo Ciidan ku leh Gacan-biyoodka Manda Bay ee Gobalka Laamu ee dalka Kenya, waxaana bishii Janaayo 5-dii ee sanadkii 2020-kii weerar ku qaaday Al-shabaab.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay 3 Mareyk an, halka 3 kalena lagu dhaawacay, iyadoo la gu day 6 Diyaaradood isugu jiray Helikoptaro iyo ku wa wax lagu basaaso iyo Gaadiid kale oo yaa llay Saldhigaasi

12 Sano Kadib Yahuudda Oo Ra’iisul Wasaare Cusub Yeelatay

Naftali Bennett ayaa goordhaweyd loo dhaar iyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Yahuudda, waxaana uu Baddalayaa Ra’iisul Wasaarihii ka horreeyay ee Beyimin Netanyahu.

 

Baarlamanka Yahuudda ayaa u coddeyay Naf tali Bennett inuu noqdo Ra’I isul Wasaaraha cu sub, ka dib 12 sano oo uu xukun hayay Netanta hu. Isra’el ayaa waxaa ku dhacay isbeddel dhina cyo badan taabanaya oo ah dhanka hoggaanka, iyadoo dhawaan waxlaag baddalay hoggaan Ha y’adda Mosad oo ah sirdoonka ugu weyn ee

yahuudda.



WAALIDIINTA AY CARRUURTOODA ERITREA KU MAQAN YIHIIN OO FARRIIN U DIRAY R/W ROOBLE


Qaar ka mid ah waalidiinta ay ka maqan yihiin carruur ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay tababar ciidan dibadda ugu qaadday, ayaa she egay inay wajahaan walwal aan dhammaad lahayn.

Waalidiintaas oo qaarkood BBCda ugu warramay khadka taleefanka ayaa sheegay in carruurtooda oo ay khadka taleefanka dhowr jeer kula xiri ireen ay u sheegeen inay ku tabaalaysan yihiin waddanka Eritrea.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib ay dhawaan soo baxday warar sheegaya in Askar Soomaali ah oo tababar loo geeyay waddanka Eritrea ay ka qey bqaateen dagaalka ka soconaya gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.

Hasayeeshee waalidiinta BBCda la hadlay ayaa sheegay in carruurtoo da aanay u sheegin wax dagaal ah oo ay galeen, iyagoo ku adkaystay in aanay ka bixin xeryaha lagu tababaro halkaas oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan.

Maxaa ugu daran oo ay dhalinyaradaas wajahaan?

Hooyo Foos Xasan oo ka mid ah walaadiinta ay carruurta ka maqan yih iin ayaa sheegtay in wiil uu ka maqan yahay uuna ka tagay bishii Febra ayo ee 2020-kii, iyadoo markii ugu horraysayna uu la soo xiriiray bishii Jan aayo ee sanadkan markaas oo uu u sheegay inuu Eritrea joogo.

"Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, oo la tu may, oo la xabbadeeyay, oo caddib intii qof bini'aadam ah la marsiiyo intii ugu badnayd ay haysato, wax ay xal ka gaari karaanna aysan jirin," ayey tiri hooyo Foos Xasan.

"Dhibaato badan ayey sheeganayaan, Ilaahay subxaanahu watacaalaa ka socokow cid kale oo bini'aadam ah oo noo doodaysa oo aan sugayno ma jirto ayuu igu dhahay,"

Hooyo Foos ayaa intaas ku dartay in wiilkeeda oo 10 maalmood ka hor ay ugu dambaysay uu u ka dayriyay xaaladda ay ku nool yihiin, ayey she egtay inuu ku calaacalay: "Ma hayno dowlad na soo doonto iyo wax noo doono midna ayuu igu yiri markii ugu dambaysay xilli dhibaatada ay qa baan ay aad u badan tahay,"

Dhankiisa Saleebaan Cali oo isna BBCda u warramay ayaa sheegay in walaalkii iyo dhowr wiil oo kale oo uu adeer u yahay ay ku dhibaataysan yi hiin waddanka Eritrea halkaas oo tababar loo geeyay bilowgii sanadkii ho re. "Wiilashan Eritrea loo qaaday baa 10 wiil iiga jirto, mid walaalkey wa aye, shanna adeer ayaan u ahay, afarna adeer ayaan u ahay, mar ay ila soo hadleen waxay ii sheegeen in 24-kii saacba afar xabbo oo rooti ah oo qalayl ah in la siinaayo, dhar aysan haysan, bannaan ay seexdaan, maa lintiina dabayl iyo kulayl aan la joogi karin, habeenkiina dhaxanta ay daran tahay, aad inay u dhibaataysan yihiin," Saleebaan Cali ayaa sheegay in wiilasha ay xiriirkooda ugu dambay say saddex bilood ah uu marwalba ka walwalo xaaladda ay ku sugan yi hiin ay dhibaatada ay Eritrea ku wajahaan.

"Cunto ma haystaan, hoy ma haystaan, dhar ma haystaan, wax alaale iyo wixii dhibaata ah oo bini'aadam qabsan lahaa meesha waa ku haysta an, naftoodaaba halis ku jirta, xaaladdooda raggaas ma sahlana oo sida ay ii sheegeen aad bay u dhibaataysan yihiin," ayuu yiri Saleebaan.

'Dagaal kamaynaan qaybgalinee xeryahaan ku dhibaataysannahay'

Waalidiinta ayaa sheegay in carruurta dhowr jeer oo ay xariir la sameey een aanay u sheegin wax dagaal ah oo ay ka qeybqaateen.

Hooyo Foos ayaa sheegtay in wiilkeeda ay waydiisay in dagaal ay ka qeybgaleen wuxuuna ugu jawaabay: "Annaga khaasatan waxaan nahay 900 oo askari oo xearadan ku jirto. Qof nalagama qaadin, xataa maanan maqal meel wax laga qaaday laakiin annaga xerada gudaheeda ayaa nag alu dhibaateeyay," ayey tiri Hooyo Foos.

Saleebaan Cali ayaa isna intaas oo kale BBCda u sheegay.Dowladda fedaraalka ee Soomalaiya ayaa beenisay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joo gay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya. Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.

"Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaa liyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Togrey, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,," ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Mr Dubbe ayaa warar been abuu ah ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomalaiya ay ka dagaalameen gobolka Tigre, islamarka na la doonayo sida uu hadalka u dhigay in lagu wiiqo awoodda ciidamada Soomaaliya.

"Waa warar borobagaandho oo markii la arkay in ciidamada xoogga dal ka Soomaaliyeed ay dhismayaan oo xoogeysnayaan oo ay isu taagayaan inay ka adkaadaan amniga ayaa la doonayaa in lagu qalqal galiyo hooyo oyiinka iyo maatida,," ayuu intaa ku daray.

Iskudhac ay dhalinyaro ku dhinteen

Waalidiinta ayaa dhanka kale sheegay in carruurtooda ay u sheegeen in bishii Sibteembar ee sanadkii hore mar ay ka gadoodeen dhibaatada la gu hayo ay isku dhaceen ciidammadii tababaray kaddibna ay gacanta isk ula tageen arrintaas oo ay sheegeen inay sababtay in carruurtooda awood loo adeegsado halkaasna ay dhowr ku dhinteen halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Hooyo Foos Xasan ayaa sheegtay in wiilkeeda uu u sheegay: "Waan bannaan baxnay oo waxaan dhahnay buu yiri meeshan mana anfacdee hanalaga wado oo dalkeenna noo dira waxba idinkama faa'iidaynee, ulo iyo biro ayey nagu tumeen ayuu yiri, kaddibna waan iska difaacnay ayuu yiri, markaan iska difaacnayse xabbadihii ayey soo qaateen maadaama ay ulihii iyo birihii ay nooga adkaan waayeen ayuu igu yiri," ayey tiri Foos.

Halka Saleebaan Cali ayaa sheegay in markii uu wiilasha la hadlay ay u sheegeen: "Inay mudaharaad qaadeen, tababarkeennii waa dhammaaday maxaa meesha naloogu hayaa, dowladda Soomaaliya ma joogtee idinkaa afduub noo haysto inay yiraahdeen markaas rasaas lala dhacay," ayuu yiri Saleebaan.

Ra'iisul Wasaare carruuteenna noo celi

R/Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay M/Muqdisho ku magacaa bay guddi soo baara cabashada ay waalidiinta ka qabaan ubadkooda ka maqan.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood ayaa waxa ay soo baari doonaan cabashooyinka ay walaadiintu ka qabaan carruurtooda tababarka loogu qa aday waddanka Eritrea. Hasayeeshee Hooyo Foos Xasan oo ka mid waal idiintaas ayaa waxa ay BBCda u sheegtay: "Waxaan dhihi lahaa ra'iisul wa saaraha wax uusan samayn karin yuusan duudka saaraninee arrintaas gu ddi ayadoon loo bixin si toos ah asaga hadduu wax noo qaban rabo ha u aado ee warbixin cad ha inaga soo siiyo,"

"Guddigan hadda waa la dooranayaa la leeyahayna anniga aslanba ma u haayo inay wax rajo ah noo hayaan, waxaan u malaynayaa inay isleeyih iin inyar ha aamusaano, wax kale oo natiijo ah ma u malaynaayo in laga helaayo." ayey tiri hooyo Foos.

Saleebaan Cali ayaa isna dhankiisa sheegay in dhibaatada wiilashoo da haysato aysan u dulqaadan karin: "Dhibaato badan ayaa na haysata, hooyaday 24 saac way isoo wacaysaa, wiilkii meel ku sheeg ayey i leedah ay, meel kuma ogi ani, ma seexanayso oo hooyooyinka oo dhan ayaa sa as ah, marka waxaan ka codsanaynaa in wiilasho na loo soo celiyo oo naloo keeno. ayuu yiri Saleebaan

XIGASHO:-BBC

Boqolaal Muhaajiriin Oo Lagu Qabtay Ho wlgal Laga Sameeyay Xeebaha

Hay’adda Muhaajriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegtay inay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Liibiya ay qaadeen Hawlgalo lagu soo qabtay in ka badan Kun Muhaajiriin 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Qoraal ay Afhayeenada IOM uga wakiilka ahj dalka Libiya, Safa Masahli soo dhigtay Barteeda Twitterka ayey ku sheegtay in ka badan Kun Muhaajiriin laga hor-joogsaday inay Doonyo kaga tahriibaan Xeebaha Libiya, kuwaasi oo qorshahoodu ahaa inay u socdaalaan Xeebaha Talyaaniga.

Afhayeenada ma aysan shey.egin Dalalka ay ka soo kala jeedaan Muhaajiriinta laga soo qabtay Xeebaha dalka Libiya ee labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Waddanka Libiya waxa uu marin muhiim u yahay Tahriibayaasha ka soo kala jeeda dalalka Afrikaanka iyo shisheeyaha kale ee doonaya inay u sii tahriibaan Xeebaa Dalalka Europe,si ay Nolol iyo Dhalasho uga helaan dalalka ay iska dhiibaan ama ay ka helaan Magangelyada Qaxootinimo.


 


SHIINAHA: LAMA JOOGO XILLI KOOXO YAR AY DUNIDU MAAMULAAN


Shiinaha ayaa uga digay hoggaamiyeyaasha dalalka dhaqaalahoodu horumaray ee G7 in aanan la joogin xilliggii kooxo yar ay maamuli lah aayeen dunida isla markaana tallaabadaas ay tahay mid laga soo tegay.

Shirkada madaxda G7XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka, Shirkada madaxda G7

"Maalmihii ay kooxo yar dunida u meerin lahaayeen go'aannada caal amka waa laga soo tagey" ayuu yiri afhayeen u hadlay safaaradda Shiin aha ee London.

Wuxuu intaas ku daray in go'aanada saameynaya dunida ay tahay in lagala tashado dalalka caalamka.

"Waxaan mar kasta rumeysanahay in dalalka adduunka ha yaraadaan ama ha weynaadaan, sabool ama qani dhammaantood wey siman yihiin, waa in go'aanada adduunka ay ka wadatashadaan dhammaan dalalka"

Hadalka afhayeenka safaaradda Shiinaha ee London ayaa imaanaya xilli madaxdii G7 ee ku shireysay Ingiriiska ay soo jeediyeen in mowqif mid eysan laga qaato saameynta Shiinaha ee sii kordheyso.

Dalalka G7 waxay bilaabeen qorshe ay kaga jawaabayaan waxa ay ku til maameen barnaamijyada ballaaran ee Shiinaha iyo saameyntiisa.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in mada xweynaha Mareykanka Joe Biden iyo quwadaha reer galbeedka ay ka go' antahay baahida loo qabo in haatan wax laga qabto saameynta Shiinaha ee sii ballaaraneyso.

Waxaa lasoo gabagabeeyay shirkii Ingiriiska uga socday madaxda dal alka G7, waxaana kasoo baxay ballaanqaad ah in dalalka dhaqaalahooda soo korayo laga caawiyo wax ka qabashada isbaddalada cimilada, cudur ka Karoona iyo maalgelinta mashaariicda la xiriira kaabayaasha dhaqaale si looga maarmo barnaamijyada horumarineed ee Shiinaha.

Waxay hoggaamiyeyaasha ballan qaadeen in ka badan balaayiin tallaalka karoona ah oo la gaarsiin doono dalalka saboolka ah balse xoghayaha gu ud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo wax ku ool ah oo ku aadan wax ka qabashada arrimahaas.

Biden iyo MacronXIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Weriyaha BBC ee qaabilsan arrimaha siyaasadda Rob Watson oo ku sugnaa shirka ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu isku dayayo in uu kaalin ka qaato go'aanada adduunka kadib saameynta cudurka Covid-19 isla markaana uu ku dagaallamo dimuqraadiyiinta iyo diktatooriyadda.

Balse waxay u muuqataa in dalalka G7 aanay wax is-afgarad ah ka gaarin in Shiinaha uu yahay saaxib, dal loolan kula jira ama in uu yahay halis amni, sida uu sheegayo weriyaha BBC-da.

Shiinaha oo hanjabaad kasoo saaray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan Huteel uu leeyahay Trump oo lagu qabanayo shirka G7

Shiinaha: Cimilo galaafatay noolasha 21 oradyahan

G7 (Kooxda Toddobada) waa urur ay ku mideysan yihiin toddobada dal ee la sheego inay yihiin kuwa ugu tunka roon dhanka dhaqaalaha. Waxay ka la yihiin Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, UK iyo Mar eykanka.

Ruushka wuxuu kooxdaas ku biiray sanadkii 1998, markaas oo uu urur ku isku beddelay G8, balse waxaa laga saaray sanadkii 2014 kaddib markii uu sheegtay Crimea.

Shiinaha weligiis kooxdan kama ahayn xubin, inkastoo uu yahay dal dhaqaale badan heysta isla markaana ay ku nool yihiin bulshada ugu badan adduunka. Waxaa loo arkaa in bulshadu aysan dhaqaale badan heysan sidaas darteed laguma xisaabiyo dal dhaqaalihiisu horumarsan yahay sida xubnaha kale ee G7.

XIGASHO:-BBC


JOE BIDEN OO BAASKIIL HADDIYAAD AHAAN U SIIYAY BORIS JOHNSON


Baaskiilka haddiyad ahaan loo siiyay Ra'iisul Wasaaraha UK

Baaskiilka haddiyad ahaan loo siiyay Ra'iisul Wasaaraha UK Madaxweyn aha Mareykanka Joe Biden ayaa baaskiil haddiyaad ahaan u siiyay R/ Wasaaraha UK Boris Johnson markii ugu horreysay ay ku kulmeen shirk ada madaxda G7 uga socday dalka Ingiriiska.

Waxaa baaskiilkan la guddonsiiyay Boris Johnson sameysay shirkad ku taalla magaalada Philadelphia ee dalka Mareykanka, wuxuu ku qaatay sameyntiisa bilooyin.

Baaskiilka ayaa lagu xardhay midibo kala duwan oo isugu jiro gaduud, caddaan iyo buluuga.

Ra'iisul Wasaaraha UK ayaa inta badan lagu arki jiray waddooyinka London isaga oo kaxeynaya baaskiil.

Boris Johnson ayaa isagana dhawaan haddiyaad ahaan u siiyay Biden sawir muujinaya olole looga soo horjeedo addoonsigii Mareykanka.

Sawirka waxaa ka muuqdaa nin horey la addoonsaday oo qarnigii 19-aad horkacayay dhaqdhaqaaq ka dhan ah tallaabadaas. Baaskiilka uu siiyay madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa sameysay shirkad lagu magic aabo Bilenky, waxaana ku howlanaa hagaajintiisa afar qof oo loo xil saa ray. ''Haddiyad qaali ah oo loo keenay ayuu webiga ku tuuray'' Biden oo qaadaya tallaabooyiin ka farxin doona muhaajiriiinta Boris Johnson muxuu ka aaminsan yahay qaaradda Afrika? Koofiyadda la xirto marka la kaxeynaya baaskiilka ayaa lagu wareejiyay Boris Johnson XIGASHADA SAWIRKA,BILENKYCYCLE WORKS

Qoraalka sawirka,

Koofiyadda la xirto marka la kaxeynaya baaskiilka ayaa lagu wareejiyay Boris Johnson

Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa 23-dii bishii May la xiriiray milkiilaha shirkad da Stephen Bilenky wu xuu kala hadlay naqshad eynta baaskiilka iyo sidii uu usoo saari lahaa koof iyad u eg midibka baaskiil ka taas oo u xirto qofka kaxeynaya, sida ay ku warrantay warbaahin kasoo baxda Philadelphia.

Waxaa la sheegay in kharashka ku baxay soo saarista baaskiilka uu gaarayo $1,500 oo doolar, waana saddex meelood meel qiimaha ugu hoseeyo ay shirkadda wax kusoo saarta.

Mr Bilenky wuxuu aqbalay codsi ga uu usoo jeediyay madaxweynaha si u sare ugu qaado sumcadda shirkaddiisa.

Ra'iisul Wasaare Boris Johnson iyo madaxweyne Joe Biden oo ku kulmay shirka madaxda G7 XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wa saare Boris Johnson iyo madax weyne Joe Biden oo ku kulmay shirka madaxda G7




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip