Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay Somtel

0
Saturday June 12, 2021 - 23:18:33 in Wararka by
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay Somtel

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesha aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip