Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii PSG Iyo Man City – Waa Kuma Xiddigii Ciyaarta Ee Kulankii Parc des Princes?

0
Thursday April 07, 2016 - 10:34:20 in Sports News by
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii PSG Iyo Man City – Waa Kuma Xiddigii Ciyaarta Ee Kulankii Parc des Princes?

    Manchester City ayaa talaabo fiican u qaaday inay u soo baxaan markii ugu horeysay taariikhda wareega afar dhamaadka Champions League, ka dib markii ay barbaro 2-2 ku qabteen PSG ciyaartii ka dhacday Parc des Princess ee lugta hore ee wareega 8da, iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa talaabo fiican u qaaday inay u soo baxaan markii ugu horeysay taariikhda wareega afar dhamaadka Champions League, ka dib markii ay barbaro 2-2 ku qabteen PSG ciyaartii ka dhacday Parc des Princess ee lugta hore ee wareega 8da, iyadoo lugta labaad ay ka dhici doonto garoonka Etihad Stadium.

Hadaba waxaan eegeynaa qiimeynta ciyaartoydii xalay ciyaartay. 10 dhibcood waa meesha ugu sareysa waxaana ugu hooseysa 0.

Paris Saint-Germain

Trapp 5: Inuu badbaadiyo ayay aheyd darbadii awooda laheyd ee Kevin de Bruyne. Shaqo iska yara fiican ayuu qabtay.

Aurier 5:Karoosyo iska fiican ayuu ka keenay dhanka midig laakiin qalad ayuu ku lahaa goolkii labaad ee City.

Thiago Silva 7:Si wacan ayuu u ciyaaray, waxaana uu jeclaa inuu kubada ka soo dhaqaajiyo daafaca isagoo baasas doorasho ah dhiibayay.

David Luiz 5:Waxa uu jaale qaatay 12 ilbiriqsi oo ay ciyaarta socotay, waxaan uu ku guuldareystay inuu celiyo baas keenay goolkii City. Rigoore ayuuse u keenay kooxdiisa.

Paris-Saint-Germain-v-Manchester-City-FC-UEFA-Champions-League-Quarter-Final-First-Leg

Maxwell 7:Garabka bidix ayuu ka muuqday, isagoo weerarka kooxdiisa wax badan ku kordhiyay.

Thiago Motta 6:Waxa uu ahaa ninka wax walba isku xirayay – laakiin baaskiisa mar walba ma bartilmaameesneyn.

Rabiot 7:Gool fiican ayaa waxaa ugu soo darsamay si weyn oo uga dhex muuqday khadka dhexe.

Matuidi 5:Goolkii De Bruyne booskiisa waa uu ka maqnaa, waxaana uu sidoo kale ahaa mid dhumis badan.

Di Maria 8:Waxa uu soo bandhigay farsamooyin fiican, halka sidoo kale ay karoosyo fiican ka yimaadeen xiddiga reer Argentina.

Ibrahimovic 6:Waxa uu qasaariyay rigoore iyo fursad kale oo weyn – sidaasi oo ay tahay waxa uu kooxdiisa u soo taabtay shabaqa.

Cavani 7:Inta badan waxa uu ku fiicnaa inuu ka soo xaroodo garabka bidix, xiddiga reer Uruguay waa xiddig caqli badan oo kooxeed.

Manchester City

Hart 8:Si wacan ayuu rigoorada u badbaadiyay, mar kale ayuu fursad qaali ah ka beeniyay Ibrahimovic, isaga ayaana City ku sii hayay ciyaarta.

Sagna 6:Waxa uu keenay rigoore ka dib qalad difaacasho uu sameeyay laakiin ciyaartiisa kale waa ay fiicneyd.

Paris-Saint-Germain-v-Manchester-City-FC-UEFA-Champions-League-Quarter-Final-First-Leg

Otamendi 5:Qaab ciyaareed aan loo bogin ayuu soo bandhigay inta badana fursado ayaa lagu helayay.

Mangala 5:Nasiib ayuu ku lahaa inaan rigoore laga dhigin markii PSG ay ku qeylinayeen riixitaankii uu riixay Matuidi.

Clichy 5:Markii laga doonayay inuu booskiisa daafaca joogo, waxa uu inta badan ku maqnaa weerar.

Fernandinho 8 (Xiddiga Garoonka):Qaab ciyaareed wanaagsan, difaacasho adag, waxaana uu dhaliyay goolkii labaad ee City.

Fernando 4:Waqti waali ah oo soo maray ayay Ibrahimovic u hadiyeeyay goolka barbaraha. Waa qalad aan laga cafin karin.

Silva 5:Heerkii looga bartay waa uu ka hooseeyay mucjisada reer Spain.

De Bruyne 7:Soo laabashadiisa iyo sida ay City u bedeshay. Dhameystir fiican ayuu sameeyay, ciyaartiisana waa ay fiicneyd.

Navas 6:Hal karoos oo fiican ayuu u soo dhigay Silva laakiin wax intaas ka badan uma uusan qabanin kooxda.

Aguero 7:Fursado badan ma uusan helin, laakiin weli si aad ah ayuu u shaqeeyay, isagoo orod badan sameeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip