Hordhac: Borussia Dortmund v Liverpool – Kulan Loogu Magacdaray Jurgen Klopp Derby Oo Caawa Ka Dhacaya Signal Iduna Park Iyagoo U Tartamaya Booska Afar Dhamaadka Europa League.

0
Thursday April 07, 2016 - 10:32:41 in Sports News by
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Borussia Dortmund v Liverpool – Kulan Loogu Magacdaray Jurgen Klopp Derby Oo Caawa Ka Dhacaya Signal Iduna Park Iyagoo U Tartamaya Booska Afar Dhamaadka Europa League.

    Borussia Dortmund v Liverpool Kulanka: Lugta hore ee wareega 8da Europa League Garoonka Signal Iduna Park Waqtiga: 10:05pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Carlos Velasco (Spain)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Borussia Dortmund v Liverpool Kulanka: Lugta hore ee wareega 8da Europa League Garoonka Signal Iduna Park Waqtiga: 10:05pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Carlos Velasco (Spain)

Kulanka Jurgen Klopp derby ayaa caawa ka dhacaya Jarmalka iyadoo tababaraha Liverpool uu aad ugu faraxsan yahay inuu tuso kooxdiisa garoonka cajiibka ah ee Signal Iduna Park iyo magaalada weyn ee Dortmund.

Ka dib markii ay isku soo aadeen labada kooxood wareega 8da Europa League, Klopp ayaa yiri: "Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kooxdeyda cusub soo baro Dortmund. Xaqiiqdii waan ku faraxsanahay inaan wiilasheyda soo tuso garoonka cajiibka ah iyo magaalada weyn. Waa sheeko ay kaliya kubada cagta qori karto.

Macalinka haatan ee Dortmund Thomas Tuchel ayaa sheegay in Jurgen Klopp uu u qalmo soo dhaweyn diiran madaama uu shaqo weyn u qabtay Borussi Dortmund, isagoo ku soo laabanaya kooxda isagoo macalin u ah Liverpool.

Labada kooxood ayaa sidoo kale wadaaga astaanta heesta ‘You Will Never Walk Alone’ oo caawa la filayo inay qabtao garoonka Signal Iduna Park. Liverpool iyo Borussia Dortmund seddex jeer hore ayay ku kulmeen tartamada UEFA, koox walba walba hal kulan ayay badisay halka kulanka kale ay barbaro galeen.

EUROPA-DRAW-main_2748895a

 

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda martida loo yahay waxaa dhaawac garabka ah kaga maqan Subotic, halka Ilkay Gundogan uu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa isagoo dhibaato ka qaba cagta.

Dhanka kooxda Liverpool waxa ay ku faraxsan yihiin inuu shaxda kooxda ku soo laabanayo Firmino kaasoo labadii kulan ee ugu danbeysay dhaawac kaga maqnaa Liverpool, waxaana la filayaa inuu caawa ku soo bilowdo shaxda kooxda Klopp.

Liverpool waxaa dhaawac kaga maqan Gomez, Ings iyo Lucas, halka xiddigaha kala ah Moreno, Lovren, Clyne, Coutinho iyo Firmino ay halis ugu jiraan inay seegaan lugta labaad ee wareega 8da Europa League haddii ay caawa jaale qaataan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Dortmund: Bürki; Piszczek, Hummels, Sokratis, Schmelzer; Weigl, Şahin, Kagawa, Mkhitaryan, Reus; Aubameyang.

Liverpool: Mignolet; Clyne, Lovren, Mamadou Sakho, Moreno; Henderson, Emre Can; Lallana, Coutinho, Firmino; Daniel Sturridge.

Kulamada kale ee lugta hore ee wareega 8da Europa League ee caawa la ciyaaraya 10:05pm Saacada Geeska Afrika waxaa ka mid ah Athletic Bilbao oo garoonkeeda San Mames ku soo dhaweyneysa kooxda difaacaneysa koobkaan ee Sevilla.

Kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donestk oo marti u noqoneysa kooxda reer Portugal ee Braga, halka Villarreal iyo Sparta Prague ay iyagana ku ciyaarayaan dalka Spain.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip