"Waa Amakaak & Sharafdhac!" Roy Keane Oo Ku Weeraray Marcelo Riwaayadii Uu Dhigay Xalayto Intii Ay Socotay Kulankii Wolfsburg (Video).

0
Thursday April 07, 2016 - 10:27:29 in Sports News by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Amakaak & Sharafdhac!" Roy Keane Oo Ku Weeraray Marcelo Riwaayadii Uu Dhigay Xalayto Intii Ay Socotay Kulankii Wolfsburg (Video).

    Roy Keaneiyo Glenn Hoddle ayaa ku weeraray xiddiga Real Madrid Marcelo riwaayadii uu dhigay xalayto intii ay socotay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay kooxdiisa kooxda Wolfsburg.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roy Keaneiyo Glenn Hoddle ayaa ku weeraray xiddiga Real Madrid Marcelo riwaayadii uu dhigay xalayto intii ay socotay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay kooxdiisa kooxda Wolfsburg.

Iyadoo Los Blancos lagu hogaaminayo 2-0 islamarkaana ay ciyaarta ka harsan tahay 20 daqiiqo, xiddiga reer Brazil ayaa isku dayay inuu indho sarcaadiyo garsooraha isagoo madaxa xabadka kaga dhuftay Maximilian Arnold ka hor inta uusan wajiga qabsanin isagoo dhulka isku tuuray islamarkaana isku dayay inuu casaan u qalqaaliyo ciyaaryahanka.

Waxaase cajiib aheyd in Arnold inuu kaliya jaale ku qaatay dhacdadaan.

Marcelo

Dhacdadaan ayaa dib u soo kicisay xusuustii xiddigii reer Brazil Rivaldo kaasoo riwaayad cajiib ah dhigay kulankii Brazil iyo Turkiga ee 2002.

Qabiirada ITV ee Keane iyo Hoddle ayaan waqti dhuminin iyagoo durbadiiba weerar ku qaaday daafaca reer Brazil.

Hoddle ayaa yiri: "Waxa uu dhulka isagu tuuray sida in la toogtay oo kale. Waa ceeb, waa sharafdhac.”

Keane ayaa isna ku daray: "Waa amakaak. Ma aqaano waxa ku dhacay lugihiisa.”

Halkaan laacibtv.net ka daawo muuqaalka dhacdada Marcelo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip