"Real Madrid Waxa Ay Kubada U Difaacdeen Sida 10 Sanno Jiro Iskuuleey Ah" – Steve McManaman Oo Carro Kala Duldhacay Afarta Daafac Danbe Ee Real Madrid.

0
Thursday April 07, 2016 - 10:20:04 in Sports News by
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Real Madrid Waxa Ay Kubada U Difaacdeen Sida 10 Sanno Jiro Iskuuleey Ah" – Steve McManaman Oo Carro Kala Duldhacay Afarta Daafac Danbe Ee Real Madrid.

    Steve McManamanayaa kala dhantaalay kooxda Real Madrid ka dib markii ay guuldarro lama filaan ah ka soo gaartay kooxda Wolfsburg, isagoo sheegay inay kubada u difaacdeen sida koox 10 sanno jir ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Steve McManamanayaa kala dhantaalay kooxda Real Madrid ka dib markii ay guuldarro lama filaan ah ka soo gaartay kooxda Wolfsburg, isagoo sheegay inay kubada u difaacdeen sida koox 10 sanno jir ah.

Xiddigii hore ee Bernabeu oo labo jeer kula guuleystay Champions League kooxda reer Spain ayaa aamini waayay in kooxda Zinedine Zidane inay guuldarro 2-0 ka soo gaartay kooxda Wolfsburg, kaliya maalmo ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen Barcelona kulankii El Clasico.

Goolal ay qeybtii hore dhaliyeen Ricardo Rodriguez iyo Maxi Arnold ayaa ka dhigay rajadii Real Madrid ee Undecima meel ceel ka raaracda.

Waxaana McManaman uu sheegay in difaacasho xumadii Real Madrid inay sabab u tahay guuldarada.

Screen-Shot-2016-04-06-at-225707

"Waxaan qabaa inay ahaayeen kuwa aad u xun, xaqiiqdii sidaan ayaan aaminsanahay” ayuu yrii McManaman oo qabiir u ahaa TV-ga BT Sport ee baahinayay kulanka Champions League.

"Meel sarre ayay gaareen iyagoo natiijo fiican helay sabtidii, waxaana ay caawa u soo dhaceen meeshii ugu hooseysay.

"Daafac ahaan, daafaca garabka midig iyo kan garabka bidix Danilo iyo Marcelo waa ay ku rafteen ciyaareen, waxaana taasi sii dheereyd Pepe iyo Sergio Ramos oo u muuqday sida inaysan waligood isla ciyaarin.

"Amakaak ayay igu noqotay sida ay u xumaayeen. Waxaan filanayay difaac degan oo qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhiga.

"Waxa ay ahaayeen sida caruur iskuuleey ah, 10 jiro ama 12 sanno jira kubad difaacanaya. Marcelo qalad ayuu ku lahaa goolkii labad, halka Arnold uu labo mitir u jeexay Ramos.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip