Jurgen Klopp Si Waali Ah Ma U Dabaaldegi Doonaa Haddii Ay Liverpool Caawa Gool Ka Dhaliso Dortmund? Klopp Ayaa Sharaxaad Dheer Ka Bixiyay.

0
Thursday April 07, 2016 - 10:18:59 in Sports News by
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jurgen Klopp Si Waali Ah Ma U Dabaaldegi Doonaa Haddii Ay Liverpool Caawa Gool Ka Dhaliso Dortmund? Klopp Ayaa Sharaxaad Dheer Ka Bixiyay.

    Jurgen Klopp ayaa aaminsan inay gabi ahaanba tahay mid ka soo horjeeda dabeecadiisa haddii uusan si waali ah ugu dabaaldegin gool ay dhaliso Liverpool, xitaa haddii ay ka dhaliyaan kooxdiisa hore ee Borussia Dortmund.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jurgen Klopp ayaa aaminsan inay gabi ahaanba tahay mid ka soo horjeeda dabeecadiisa haddii uusan si waali ah ugu dabaaldegin gool ay dhaliso Liverpool, xitaa haddii ay ka dhaliyaan kooxdiisa hore ee Borussia Dortmund.

Tababaraha Reds ayaa ku laabanaya garoonka Signal Iduna Park 313 maalmood tan iyo markii uu kooxda ka tagay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Liverpool ay ku wajaheyso kooxda Bundesliga ka dhisan wareega 8da Europa League.

Inkastoo uu todobo sanno macalin ka soo ahaa islamarkaana uu la qaaday labo jeer horyaalka Bundesliga iyo koobka German Cup taasoo ay sii dheereyd inuu gaarsiiyay finalka Champions League sannadii 2013, Klopp ayaan ceshan doonin dabaaldegiisa uu caanka ku yahay haddii Liverpool ay shabaqa soo taabato caawa.

2966772_heroa

"Dabcan, waan dabaaldegi doonaa” ayuu yiri. "Waan sameeyay markii aan ku soo laabtay Mainz anigoo wata Dortmund, waxaana Mainz joogay 18 sannadood. Haddii ka dib todobo sannadood aysan si fiican ii aqoonin haddii ay kooxdeyda gooldhaliso si wanaagsan ayaan u dabaaldegi doonaa..

"Jawaab celinteyda waxa ay ku xiran tahay waxyaabo badan, haddii aan gooldhalino daqiiqada koowaad ma aqaano, kuma carari doono garoonka. Laakiin haddii ay gool muhim ah tahay, haddii ay waqti muhim ah tahay waan dabaaldegi doonaa.

"Ma ahan wax aan sii qorsheynayo, laakiin ma aadi doono garoonka anigoo kaniiniyaal qaatay oo la micno ah inaan dabaaldegi doonin. Mainz waa ay ogaayeen taas. Markii aan ka tagay si weyn ayaan isku macsalaameynay, waxa ay igu macsalaameeyeen ‘Mahadsanid’ markii aan ku soo laabtayna waxa ay iga heleen wixii ay iga filayeen.

"Wax walba ayaan u soo sameeyay Mainz, wax walba ayaan u soo sameeyay Dortmund, haatana wax walba ayaan u sameynayaa Liverpool, waana sidaas.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip