Ramires Oo Markii Horeysay Shaaciyay Sababtii Uu Uga Tagay Chelsea Oo Uu U Aaday Horyaalka Shiinaha – Mana Ahan Lacag.

0
Wednesday April 06, 2016 - 11:43:42 in Sports News by
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramires Oo Markii Horeysay Shaaciyay Sababtii Uu Uga Tagay Chelsea Oo Uu U Aaday Horyaalka Shiinaha – Mana Ahan Lacag.

    Ramires ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga tagay Chelsea sababtoo ah tababare Guus Hiddink ma uusan jecleyn isaga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramires ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga tagay Chelsea sababtoo ah tababare Guus Hiddink ma uusan jecleyn isaga.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ayaa ku biiray kooxda ka dhisan horyaalka Shiinaha ee Jiangsu Suning isagoo bishii Janaayo ugu biiray heshiis 25 milyan ginni ah ka dib markii uu lix sannadood oo guulo ah ku qaatay galbeedka London.

Waqtigaas waxa uu qeyb weyn ka qaatay ku guuleysiga Champions League, Premier League, Europa League, FA Cup iyo League Cup.

ramires_chinese_su_2782603a

Laakiin wareysigiisii ugu horeysay ee uu bixiyay tan iyo markii uu u wareegay Shiinaha, Ramires oo 29 sanno jir ah ayaa sheegay inuu uga tagay kooxda Hiddink dartiis.

Ramires ayaa ku eedeeyay ninka reer Holland inuu ka saaray koox bilaa sabab, inuusan jeclaanin ciyaaryahan ahaan islamarkaana uusan siinin wax fursad ah.

Waxa uu yiri: "Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee aan uga tagay Chelsea waa imaanshiyaha tababaraha cusub.

"Kaliya ma aysan aheyn inaan xiriir fiican la lahaa Jose Mourinho. Laakiin markii uu Jose joogay waan ogaa inaan fursad aan ku ciyaaro helayo, islamarkaana tartanka boosaska waxa uu ahaa mid mar walba furan.

"Sidaasi oo ay tahay markii Guus Hiddink yimid, bilaa sabab ayuu kooxda iiga saaray..

"Ma aanan fahmin sababta, sababtoo ah waxaan u ciyaarayay si wanaagsan, waxaana u dagaalamayay koox dhibaato ku jirta”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip