Ma Hubtaa Louis? Macalinka Man United Oo Sheegay Inuu Heysto Taageerada Boodhka Kooxda Xitaa Haddii Aysan Champions League U Soo Bixin.

0
Wednesday April 06, 2016 - 11:42:21 in Sports News by
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Hubtaa Louis? Macalinka Man United Oo Sheegay Inuu Heysto Taageerada Boodhka Kooxda Xitaa Haddii Aysan Champions League U Soo Bixin.

    Louis van Gaalayaa aaminsan inuu badbaadi doono oo uu sii ahaan doono tababaraha Manchester United xitaa haddii ay kooxdiisa u soo bixi weyso Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaalayaa aaminsan inuu badbaadi doono oo uu sii ahaan doono tababaraha Manchester United xitaa haddii ay kooxdiisa u soo bixi weyso Champions League.

Van Gaal ayaa waxaa qalbiga u dejiyay taageerada uu ka helay Sir Alex Ferguson kaasoo si cad u difaacay, waxaana uu dareensan yahay inuu heysto taageerada boodhka maamula Man United.

Waxa uu aaminsan yahay inay fahamsan yihiin dhibaatooyinka uu wajahayo xilli ciyaareedkan oo ay ugu wacan tahay liiska dheeraaday ee dhaawacyada.

Waxa uu sidoo kale ku faraxsan yahay inay ku amaaneen inuu si lagu najaxay xiddigo da’ yar ah ugu soo daray kooxda xilli ciyaareedkan sida Marcus Rashford, Jesse Lingard iyo Timothy Fosu-Mensah.

Van Gaal oo 64 sanno jir ah ayaa rajeynaya dhameysto qandaraaskiisa seddexda sanno ee uu kooxda ku joogay ka dibna uu soo gabagabeeyo waayihiisa tababarenimo.

Manchester-United-v-Chelsea-U21-Premier-League

Ninka reer Holland ayaa aaminsan in qoyska Glazers iyo inta kale ee maamulka kooxda inay fahmi doonaan haddii ay seegaan Champions League xilli ciyaareedka danbe.

United ayaa haatan ku jirta kaalinta shanaad, waxaana ay kaliya dhibic ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Manchester City, iyagoo badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay horyaalka.

Van Gaal ayaa ku niyadsan fursadaha ay United u heysato ku guuleysiga FA Cup ka hor kulanka isbuuca danbe ee ku celiska wareega 8da oo ay Upton Park kula ciyaarayaan West Ham, waxaana uu ka doorbidayaa kaalinta afaraad inuu hanto koobka FA Cup.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip